Uncategorized

Weriye Maraykan ah oo Cudurka Ebola ku dhacay lagu Dawaynayo Cisbitaal ku yaala Maraykanka

Washington 07.Oct 2014 (SDN/QJ)- Weriye qaba virus-ka Ebola ayaa dib ugu soo laabtey Mareykanka si loogu daweeyo.

D164DCA9-87F2-45BD-ABBB-C8990F1E1CF5_w268_r1Ashoka Mukpo, waa ruuxii shanaad ee American ah ee xanuunka Ebola laga helo. Waxaa u shaqo u joogey Liberia isagoo u shaqeynayey televishanka NBC, markii xanuunka laga heley toddobaadkii hore, waxaana Mareykanka dib loogu soo celiyey isagoo saran diyaarad khaas ah.

 

Waxaa haatan lagu daweynaya qeybta gaarka ah ee bukaanka lagu xanibo ee Cisbitalka Nebraska.

 

Nin kale oo American ah ayaa Xannuunkani hore ugu dhacay isagoo joogey Liberia, Dr. Rick Sacra, ayaa ah bukaankii ugu horeeyey ee isbitalkaas loogaga daweeyey Ebola, kadibna la fasaxay bishii hore.

Thomas Eric Duncan ayaa Magaalada Dallas ee gobolka Texas, ku soo laabtey isagoo ka yimid Liberia, Maalintii Shalay ayaa xaaladdiisa lagu sheegay mid khatar ah. Waxaa isbitalka la dhigey 28-kii bishii September.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com