Hargaysa 07.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo labo dabaq ah oo noqon doona xarunta wasaaradaasi, kaas oo dhismahiisu ka Socdo Wasaaradda Warfaafinta.
Wasiir Cukuse oo Madashaasi ka hadlay ayaa Sheegay in Dhismayaasha ay Wasaaradiisu ku shaqaynaysay ay ahaayeen Kuwii Xiligii Somalia Waxaanu Ku Nuuxnuuxsaday in Mudadii Xukuumada uu ka Tirsan yahay ay Hogaaminta Qaranka haysay ay wax badan ka badashay Bilicda Wasaaradaha oo uu Xusay inay Yihiin Muraayada dalka.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
