Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu maanta ka qaybgalay Munaasibad qiimo badan oo Ciidamada Bada Somaliland loogu soo xidhay tababar ay siinayeen Ciidamada Bada ee Ingiriisku, Xafladaasi oo lagu qabtay Markab Dagaal oo joogay Dekeda Berbera, kuwaasi oo si xidhiidha mudadii xukuumadani xilka haysay u tababaraayey Ciidamada Somaliland gaar ahaan kuwa Bada.
Waxaana madaxweynuhu ka soo duulay maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa 9:00 Am Subaxnimo isaga oo ka soo degey madaarka Berbera, waxa uu markiiba uga sii Gudbay xarunta ciidanka Bada Somaliland oo uu ka qaatay Cutub ka mida Ciidamada Tababarka loo soo xidhay salaan sharaf.
Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca bada isaga oo xaflad balaadhan oo qado sharaf
ah ay Dawlada ingiriisku ku casuuntay, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Amin-weis Sheekh maxamed Jirde iyo weftigii la socdayba Madaxweynaha.
waxaana madaxweynaha halkaasi ku qaabiley Safiirka Nairobi u fadhiya ingiriiska Ambassador Neil Wigan.
waxaana qado sharaftaasi ka dib halkaasi hadalo ka soo jeediyey Taliyaha Ciidamada BADA, Wasiirka Arrimaha Dibada, Kabtankii Markabka, Safiirka Ingiriiska iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo.
Horumarineed oo laga wado Dekeda Berbera, laguna balaadhinaayo.
Waxaana faahfaahin dheeraada ka siiyey madaxweynaha oo lug ku soo kormeeray guud ahaan hawlihii halkaasi ka socday oo ahaa kuwo qaranka iyo shacbiga faaiido u leh dalkuna uu hiigsanaayey in badan.
dekedan cusub ayaa noqonaysa deked ka weyn tii hore, hawlaha qaranka ay u qabanaysaana ay noqon doonaan kuwo ka baaxad weyn hawlihii ay hore u qaban jirtay dekedu.
waxaana faahfaahin ka bixiyey oo xog-dheeraada ka siiyey madaxweynaha Mareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo u sheegay madaxweynaha in ujeedada uu ka leeyahay balaadhinta Dekedu ay tahay sidii dalku u yeelan lahaa deked la tartanta dekedaha Geeska Africa, Dawlaha jaarkuna ay isku halayn karaan oo ay wax kala soo degi karaan kana dhoofin karaan.
Madaxweynaha oo isaguna ku amaanay Maareeyaha Dekeda hawsha baaxadaasi leh ee uu u badheeyey kuna dhiiraday ayaa yidhi waxa aan alle kaaga baryayaa inuu kula qabto oo uu inagu simo iyada oo markan marka xigta aynu xadhiga ka jaridoono Insha allaa, tiiyoo aad ku guulaysatay dhamaystirkeeda.
intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca Madaarka Berbera isaga oo soo kormeeray dhismayaal balaadhan oo halkaasi ka socda oo noqon doona mashruucii ugu balaadhnaa ee garoonkaasi laga hirgeliyo tan iyo intii dhidibada loo taagay garonkan, waxaana madaxweynaha ku soo wareejiyey Wasiirka Duulista iyo hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu u barbartaagan yahay horumarka dalka iyo dib u dhiskaba.

Berbera SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
