Hargeisa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si adag u naqdiyay go’aanka uu madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ay xisbi ahaan u magacaabeen inuu xubin ka noqdo komishanka cusub ee doorashooyinka, waxaanu sheegay inaanu xubintii ay xuleen aanu xubin ka ahayn xisbiga WADDANI.
Guddoomiye C/Raxmaan Cirro oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga WADDANI, waxa uu ku dooday in Dr. Maxamed Cismaan Fadal uu yahay muwaadin buuxiyay dhammaan shuruudihii xeerka doorashooyinku dhigayeen, waxase uu tilmaamay in sifo sharci darro ah Madaxweynaha Somaliland dib u soo celiyay muwaadinkaasi oo uu sheegay inuu u qalmo xilka ay u magacaabeen xisbi ahaan isla markaana uu yahay nin dhex-dhexaad ah.
Guddoomiyaha WADDANI waxa uu sheegay in qoddobka sharci ee lagu horjoogsanayo xubin komishan ay munaasib tahay in xubnaha kalena loogu dhaqo si cadaalad ah. waxa kale oo uu xusay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan dhammaan xubnaha loo doortay Komishanka, waxaanu carabaabay in laga filayo inay si cadaalad ah ugu xaqsooraan xisbiyadda qaranka.
Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Somaliland maanta marayso meel xasaasi ah, waxa kaliya ee ay ku badbaadi kartaanna tahay inay doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo.
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed@Qurbejog.com
Concat@Somalidiasporanews.com
