Hargaysa 09.Oct 2014 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal ayaa Soo Kormeer Deegaanka Aasaarta Qaddiimiga ah ee Laasgeel oo ay ka socoto Hawlo dib loogu hagaajinayo.
Deegaanka Laasgeel oo u dhexeeya Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera ayaa Laga Helay Asaar Qadiimi ah oo Taariikh dheer leh Isla Markaana ay Daah fureen Markii Kowaad Khubaro Cilmiga aataarta bartay oo Ka Socday Jaamacad ku taala dalka Faransiiska Waana Bogcad la aaminsan yahay inay Wax badan ka Tarayso Dalxiis u imaatinka Bulshooyin kala duwan.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
