Hargaysa 09.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wakiilka gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, oo booqasho ku jooga Caasimadda Hargeysa, ayaa kulammo la yeeshay Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda Somaliland iyo sidoo kale Saxaafadda dalka, waxaanu qoraal kooban oo ay ku baahiyeen Barta ay Twitterka ku leeyihiin Midawga Yurub ku sheegeen inay wada shaqayn dhaw la yeelanayaan Axsaabta Siyaasadda Somaliland.
Ergayga Midawga Yurub ee Soomaaliya, ayaa shalay Suxufiyiintu Su’aalo kala duwan ku weydiiyeen Xarunta Dhaqanka ee magaalada Hargeysa oo uu booqday, isla markaana waxa uu jawaabaha su’aalahaas ku sheegay in Midawga Yurub taageerayo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, si dhaqso ahna uu u furmi doono wadahadal dhawaan loo ballan-san yahay inuu labada dal ku dhex-maro waddanka Turkiga.
Waxa uu Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qaddiyadda Kooxda la baxday Khaatumo ay ka aamminsan yihiin maaddaama oo marar ay Ciidanka Somaliland iyo Kooxda Khaatrumo la baxday Jiidda Koonfurta iyo Bariga Sool ku dagaallameen Baaqyo uu ka soo saaray, ayaa waxa uu sheegay inuu mar walba ku baaqayo in nabadgelyada la ilaaliyo, isla markaana wax kasta oo la kala tirsanayo lagu dhammeeyo degganaan, wadahadal iyo nabadgelyo.
Geesta kale, qoraal laba qodob ka kooban oo uu Michele Cervone d’Urso ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Barta Internet-ka ee Twitter-ka uu ku sheegay inay kulmeen Saxaafadda Somaliland, isla markaana ka wadahadleen madax-bannaanida Saxaafadda dalka, waxaanu yidhi; “Midowga Yurub waxa uu kulamo Hargeysa kula qaatay Saxaafadda, waxaana laga hadlay madax-bannaanida saxaafadda ee Somaliland.”
Sidoo kale, Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, waxa uu si kooban uga hadlay kulan uu la yeeshay shalay Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhkooda, waxaanu isagoo qaabka ay ula shaqaynayaan Xisbiyada ballan-qaadaya qoraalkiisa ku yidhi; “Midowga Yurub waxa uu wada-shaqayn la yeeelanaya xisbiyada Somaliland oo dhan si hore loogu sii socdo hannaanka u diyaar-garowga Doorashooyinka 2015-ka.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
