Hargaysa 12.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu sheegay inaanay Xukuumaddiisu ka qayb-galayn Shir lagaga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo bisha fooda innagu soo haysa lagu qabanayo Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay inay Somaliland shirkaas ka qayb-galayso,waase haddii-buu yidhi si gaara oo Soomaaliya ka Madax-banaan loogu soo Casuumo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa kale, oo Madaxweynaha Somaliland uu shaaciyey inaanay Doorashadu wakhtigeeda dhaafayn, isla markaana aanay jirin wax dib u dhigi kara wakhtiga loo cayimay inay Somaliland ka qabsoonto Doorashooyinku.
Haddaba, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo intii aanu dalka ka dhoofin Saxaafadda kula hadlay Caasimadda Hargaysa, ayaanu halkan idinku soo gudbinaynaa ee daawasho habboon:-
Hargaysa SDN/QJ
