Hague:Oct,20,2014(SDN/QJ)-Waxa Markii ugu horraysay Wakhti loo qabtay Qaadista Dacwadda ku saabsan Muranka dhul-badeedka ee dhextaalla Dalalka Kenya iyo Somalia.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Maxkamada caalamiga ah ee Hague, ayaa lagu shaaciyey in Badhtamaha sanadka dambe ee soo socda maxkamadu Gudogeli doonto qaadista Dacwaddaas.
Warsaxaafadeedka ayaa sheegay in Madaxweynaha Maxkamadda Hague (ICJ) uu 16kii October 2014 go’aamiyey in waqti sugan loo qabtay bilowga soo gudbinta diiwaan gelinta arrinta la xidhiidha Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
Waqtigaas maxkamaddu qoondaysay ayaa ah 13 July 2015 iyo 27 May 2016 in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ay maxkamadda u gudbistaan/ka-diiwaan gashadaan wixii ay ku dacwoonayaan (Memorial) iyo dacwadda dalka kale gudbiyey wixii ay ka qabaan ama kala hor tagayaan (Counter-Memorial).
Warku waxa uu intaas raaciyey in madaxweynaha Maxkamaddu uu qaraarkan go’aamiyey isagoo tixgelin siiyey aragtiyada qaybaha (Somalia iyo Kenya), isla markaasna hab-raaca xiga ay maxkamaddu leedahay go’aan ka gaadhistooda.
Waxaa soo ifbaxaya xeeladdii ay Kenya la doonaysey Soomaaliya, waayo markaad eegtid cinwaanka qoraalka Maxkamadda Hague waa “Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya-Kenya,” taas oo laga dheehan karo in aanay markii hore cabbirnayn. Waxaana taasi ka hor imanaysaa xeerkii badda Soomaaliyeed ee u cabirnaa laga soo bilaabo 1972.
Dhanka kale, hadalka maxkamadda Adduunka ayaa ku soo beegantay xilli ay wafti ballaadhan oo uu ka mid yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya ay ku sugnaayeen Hague, sida ay qortay Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Nairobi Cadadkeedii 14 October 2014, qoraal ay cinwaan uga dhigtay (Talks due on Somalia border suit.)
Qoraalkaas Jariidadda ayaa sheegay in Kenya ay tageen Hague kaddib markii lagu guul daraystay wada hadalkii madaxweyne Kenyatta iyo dhigiisa Xasan ay ku yeesheen New York dhawr toddobaad ka hor.
Warka ayaa sheegay in wafti khubaro-qareenno ah oo uu hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ay la kulmeen madaxweynaha maxkamadda Hague, Mr Peter Tomka, si ay ugala hadlaan hordhaca dacwadda ay gudbisey Soomaaliya.
Qoraal kale oo ay 16 October 2014 faafisay Jariidadda kale ee reer Kenya ee Standard oo cinwaankiisu ahaa “in isku-day Goboleed loo baahan yahay si loo xalliyo muranka xuduudaha (Regional efforts needed to solve boundary disputes), ayaa waxaa qoraalkaas ka mid ahaa “Bariga Afrika waxaa maasheeyey muran xuduudeed. Marka laga soo tago muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya, waxaa kale oo jira muran kala dhex taagan Uganda oo la xidhiidha Jasiiradda Migingo. (Akhri Uganda waxay Kenya ka difaacanaysaa 240 mitir oo Jasiirad ah, halka DFKMG ay Kenya ka ogolaatay in muran la geliyo dhul-badeed Soomaaliyeed..)
Waxa kale oo jariidaddu xustay muran xuduud dhuleed u dhaxeeya Ethiopia-Soomaaliya, Ethiopia-Eritrea, Jabuuti-Eritrea. Laakiin ma xusin xuduud dhuleedka Soomaaliya-Kenya (ama NFD). Sidoo kale ma xusin Xornima Doonka Gobolka Xeebta Mombasa Republican Council oo u halgamaya in ay xeebta Mombasa ka xoroobaan Kenya marka uu dhammaado heshiis 1895 dhexmaray Boqortooyadii Ingriiska iyo Boqorkii Zanzibar.
Marka la dhuuxo qoraalada Jariidadaha Kenya ay maalmahan ka qoraan badda Soomaaliya waxaa cad in ay wadaan hawl gelin shacabkooda oo ka dhan ah badda Soomaaliya, iyagoo hadallo xeeladaysan ka soo xiganaya madaxdooda Kenya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
