Hargeysa Oct 20,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyeyaasha sadexda xisbi Qaran ee Somaliland oo shir jaraaid Madaarka Hargeysa ku qabtay ayaa ka warbixiyay ujjeedada sarakooda Nairobi ay kula kulmayaan deeq bixiyeyaasha taageera Dimuqraadiyada Somaliland.
Labada Guddoomiye ee Wadani iyo UCID Cadiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa iyagu hadalkooda ku soo koobay ka hadalka nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo saamenyta ay ku yeelan karto in doorashooyinku xiligooda qabsoomaan.
Balse Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kumliye Muuse Bixi ayaa ku talaxtagay doorka siyaasadeed ee xisbiga Wadani ee uu hogaamiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.
Guddoomiye biixi ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaaBaryahan Qoladiinan Mucaaradka ahi, anigu Mucaaradka waxaan u aqaan uun UCID oo dee WADDANI waa Golihii wakiilada labadayaduna markaa Qarankaanu nahaye’, waxaa aad naloogu duraa Kulmiye Doorashaduu habsaaminayaa Doorasho ma doonayo, kanuu daahiyay iyo kanuu daahiyay”.
Muuse Biixi ayaa halkaa waxa uu ku soo bandhigay in aanu aqoon u laheyn nidaamka dawladnimo ee uu Guddoomiyaha kuyahay iyo tuhunka mucaaradku ka qabaan xisbiga Wadani khaasatan Gudoomiyahooda.
Guddoomiyaha Kulmiye miyaanu ogeyn in sadexda xisbiba ay yihiin xisbiyo Qaran, iyo in Cabdiraamaan Ciro xiligii uu ahaa UCID gudoomiye ku-xigeenkeeda aanu muxaafid aheyn.
Dib u dhaca Dooorashooyinka Madaxtooyada Somaliland Guddoomiyaha Wakiiladu in uu lug ku leeyahay waxa laga garan karaa bacdamaa isaga iyo xukuumadu isku celcelinayaa shuruucda lagu hagayo Doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray Muuse Biixi waxa uu falaadh ku noqonayaa xisbiga Wadani iyo taageereyaashiisa mudada ku hawlanaa sidii ay isugu muujin lahaayeen mucaarid dhab ah.
SDN/QJ-Hargeysa
