Hargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka Socday dawlada Ingiriiska oo ay Hogaaminaysay wasiirka Horumarinta caalamiga ah Ms. Lynna Featherstone iyo Xubno Mas’uuliyiin ah oo Booqashadan ku Wehelinayay.
Warsaxaafadeedkan oo ku Qornaa Luqada English-ka oo aanu Nuxur ahaan idiin soo Turjunay ayaa Sheegay in Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Saylici uu Weftigan ku soo dhaweeyay Socdaalka ay ku Yimaadeen Somaliland isagoo Sharaxay Xidhiidhka Qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska Waxa uu Madaxweyne ku Xigeenku Cadeeyay in Xukuumadooda ay ka Go’an tahay in doorashadu ku qabsoonto Xiligii loogu talo galay .
Madaxweyne Ku Xigeenku Waxa uu Xusay in Markii ay Xukunka la wareegeen Miisaaniyada dalku ahayd 47 Million oo dollar isagoo intaas ku daray in Odoroska Miisaaniyada qaranka ee Sannadka Soo Socda ee 2015 uu gaadhay 180 Million oo dollar.
Mudane C.raxmaan C.laahi Saylici Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadoodu iyadoo dhiirigelinaysa doorka haweenka ee Ka qayb qaadashada Siyaasada ay u Gubiyeen Golaha Baarlamanka Xeer u sahlaya haweenka inay kaalin fiican ka helaan saaxada siyaasada.
Sidoo kale Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa Iyana dhankeeda ka sheegtay inay si buuxda uga Taageerayaan Shacabka Somaliland arrimaha Suuro gelinaya Doorashada.
Ms. Lynna Featherstone waxaa kale oo ay Xustay inuu si Guul ah ku soo dhamaaday Shirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland ee Ingiriisku soo qaban qaabiyay ee Ka dhacay 14 kii Bishan Magaalada London.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Kulankaas ku Sugnaa ayaa cadeeyay in Somaliland aanay ka qayb galayn Shirka ay Dawlada Denmark qabanqaabadiisa wado Wuxuuna tilmaamy in ay shirkaasi u gudbinayaan warbixin ay kaga hadlayaan baahiyahooda iyo waxyaabaha u mudan ee ay doonayaan in laga caawiyo, balse aanay marnaba Somaliland shirkaasi ka qayb gelaynin.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi Somaliland lagu marti qaaday balse sababta ay u diideen ay tahay in ay Somaliland tahay dawladda xor ah isla markaana la siman dawladda Muqdisho haddii ay ka qaybgalaana ay muujinayso in Somaliland ay qayb ka tahay federaalka Soomaaliya, Waxaanu intaas raaciyay in qaban qaabada iyo Marti qaadka shirkaasi sida uu u socdo ay iska leedahay dawlada Muqdisho iyo Hay’ada Un-ka.
Dr Sacad Cali Shire Waxaa kale oo uu Sharaxay in Shirkii New Deal oo sanadkii hore ka dhacay magaaladda Brussels ee dalka Belgium in Soomaaliya lacag badan loogu ururiyay iyada oo ay Somailand-na lacagtaasi kaalmadda ah ee lagu yaboohay qayb ku lahayd, hase yeeshee wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay in aanay Somalialnd, weli waxba ka soo gaadhin dhaqaalihii shirkii kal hore lagaga yaboohay.
Waxaa kale oo Kulankaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Rachel Turner oo ah Agaasimaha Bariga iyo Badhtamaha Africa ee Hay’ada DFID”.
Shirkaas ayaa Gunaanadkiisii Waxa uu Madaxweyne ku Xigeenku soo bandhigay Afar qodob oo is faham laga gaadhay.
- In Wixii Somaliland Khuseeya aan la soo Marin Somalia balse ay Go’aankeeda leedahay Somaliland.
- In la Kordhiyo Kaalmada Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF
- Inay Jiraan Deeqo loogu talo galay Mashaariicda horumarineed ee Kaabayaasha Bulshada kuwaas oo abuuraya kor u kac dhaqaale.
- In dawlada Ingiriisku ay qayb ka ahaato wada hadalada Turkiga ee Somaliland iyo Somalia.
Shirkan Waxaa Madaxweyne ku Xigeenka ku Wehelinayay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,iyo Saraakiil Sare oo ka Tirsan dawlada Ingiriiska.

Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
