Buuhoodle:Oct,21,2014(SDN/QJ)-Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Maalintii shalay Garoon Macmal ah oo ku Yaalla Magaalada Buuhoodle ka Duulay, isagoo ku sii jeeda Magaalada Addis Ababa oo uu ka qabsoomayo shir Maamullo kamid ah kuwa somalida loogu qaban doono.
Shirka uu Cali Khaliif ka qaybgeliyo, ayaa lagu lafa-gurayaa arrimaha Federal-ka, waxana ka qaybgelayo maamulo badan oo ka jira Gudaha Dalka Somalia.
Cali khaliif ayaa wuxuu ka hadlay Howl galada ay wadaan ciidamada dawlada soomaaliya ee ku qabsadeen magaalooyin muhiim ah, Wuxuuna sidoo kale ka Tacsiyeeyay Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqidhso.
Prof. Cali Khaliif Calaydh ayaa Badhtamihii sanadkan iska casilay Xubinnimadii baarlamaanka Somalia, waxana uu sheegay inuu madaxweyne u yahay Maamulka Khaatumo oo ay cadaadis badan duldhigay somaliland, isla-markaana aan haysanin wax dhul rasmi ah, marka laga tago Magaalada Xuduudda ku taalla ee Buuhoodle oo aan wali soo gelin gacanta somaliland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
