Hargaysa 21.Oct 2014 (SDN/QJ)- Buugga Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah? Waa buug dhawaan soo baxay isla markaana hadal hayn badan yeeshey markii qoraaga buuggan Siciid A. Ismaaciil ay rag wadaado ah oo ku nool magaalada Nairobi ee xarunta Kenya oo si adag uga falceliyay, dadkana faray inay buuggan la akhrisan, halka qoraaga buugguna uu xusay in maanta diinta Islaamka la barbar wado afkaaro diini ah oo ay saldhig uyihiin rag culimo ah.
1- Hordhac:
Waayadaan danbe waxaa Soomaaliya iyo guud ahaan dunida islaamka ku soo
badanaya dacwooyinka dadka lagu eedaynayo in ay riddoobeen. Dadkaas xukunka
riddada lagu qaadayna waxay isugu jiraan qaar la dilay, qaar la sheegay in ay toobad
keeneen oo la cafiyey, iyo qaar weli billaawaha lala baadi goobayo, oo cabsi darteed
dhufeeys ugu jira. Erayada muddooyinkaan danbe ku soo biiray qaamuuska
Soomaalidana waxaa ka mid ah: Riddo, murtad, khawaarij, iwm.
Bulshada islaamka oo ay ku yar yihiin aqoonta iyo naqdigu waa mid u nugul faafidda
khuraafaadka iyo sheeko-baraleeyda. Arrinkaasina wuxuu dhaliyey in diinta islaamka
lagu barxo dhaqankii Carabta iyo fikradihii culumada islaamka, ilaa heer ay ka
qariyeen diintii islaamka ee nebi Muxamed (SCW) lagu soo dejiyey. Sheeko-
baraleeyda sida weyn ugu xididaysatay dunida islaamka ee ay adag tahay in la
beeniyana waxaa ka mid ah midda sheegaysa in islaamku yahay diin aan dulqaad
lahayn, oo luqaddada qura ee uu garanayaa ay tahay tan seefta
1
, ruuxa ka baxana
luqunta u dheereeya. Soomaalida oo sida la og yahay been sheegta laakiin aan been
maahmaahininna waa tii tiri: “Been fakatay runi ma gaarto”.
Waxaa jira labo walxaad oo loo baahan yahay in la kala saaro, waayo labadaas
walxaad oo la isku barxo waxaa ka dhalanaya wareer iyo walaahow fara badan.
Labadaas walxaadna waxay kala yihiin: diinta iyo afkaarta diiniga ah.
Diintu waa wixii nebigu (SCW) la yimid oo ah quraanka kariimka iyo sunnada nebiga
oo ka kooban wixii uu afka ka yiri ama addinka ka fuliyey ee la xiriira fulinta diinta.
Afkaarta diiniga ahina waa sida diinta loo fahmay geeridii nebiga ka dib. Haddii si
kale loo yiraahdo, afkaarta diiniga ahi waa sida aadamigu u akhriyo aayadaha
quraanka iyo sunnada nebiga. Diintu waa kooban tahay, oo quraanka kariimku waa
inta musxafka ku qoran, axaadiista nebiguna waa intuu yiri ama falay intuu noolaa
2
.
Laakiin si taa ka duwan, afkaarta diiniga ahi ma dhammaato, oo waxaa xukuma
waqtiga iyo meesha la joogo, oo seben walba iyo meel kasta waxaa ka jira afkaar diini
ah oo u goonni ah. tusaale ahaan, fiqiga culumada maanta joogaa dhinacyo badan buu
1
Axaadiista nebiga (SCW) carrabka loogu tiro ee aan har iyo habeen maqalno waxaa ka mid ah kuwa
oranaya: ” Seef baa la ila soo diray, kheyrkuna seeftuu ku jiraa.” iyo mid kale oo oranaya:
“Ummaddaydu kheyr ka suuli mayso inta ay seefta sidato.” iyo weliba mid kale oo oranaya:
“Arsaaqdayda waxaa la galiyey warankayga hoostiisa !! “. Akhristow aan isweydiinnee nebigu
ma bililiqo ku nool buu ahaa?
2
Run ahaantii, axaadiista bugta ama been-abuurka ahi aad bay uga badan yihiin kuwa runta ah ee
nebiga loo tiirin karo. Waayo, axaadiista runta ah nebiga (SCW) oo qur ah ayaa sanooyin kooban laga
maqlay, laakiin kuwa beenta ah kumanyaal ruux ayaa boqollaal sano allifayey.
2
uga duwan yahay fiqigii Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed bin Xanbal.
Shakina kuma jiro in fiqiga culumada jiilalka danbe uu aad uga duwanaan doono
fiqiga maanta jira. Waayo, fikirka dadka waxaa xukuma duruufaha dhaqan-dhaqaale
ee ay ku nool yihiin, duruufaha adduunyaduna maalinba waa si gaar ah, oo waxay
leedahay waji cusub. Tusaale ahaanna, waxaa la og yahay in Imaam Shaafici markuu
tagay Masar oo dhinacyo badan uga geddisnayd Baqdaad, inuu afkaartiisii hore wax
ka beddelay, sidaa awgeedna fiqigiisa loogu qaybiyo mid hore iyo mid cusub.
Waxaana la qiyaasi karaa in Imaam Shaafici hadduu maanta qabriga ka soo bixi lahaa,
inuu fikrado cusub la imaan lahaa.
Diintu waa muqaddas, waayo waa waxyi Alle soo dejiyey. Laakiin dhanka kale,
diintu waa nusuus [quraan iyo xadiis] aan iyadu iskeed isu macnayn ee had iyo jeer u
baahan cid fasirta. Nebigu intuu noolaana isaga ayaa ahaa marjaca loogu noqdo
fasiridda nusuusta.
Geeridii nebiga ka dibna sharrax ka bixinta diinta waxaa isu xilqaamay culumo
isbiday inay u dhuun-daloolaan macnaha nusuusta diinta, oo isku dayey inay fasiraan
quraanka iyo axaadiista nebiga. waxaana abuurmay culumo ku kala takhasusay
laamaha fikirka diiniga ah, sida: tafsiirka quraanka, culuumta xadiiska, siirada nebiga
(SCW), fiqiga, usuulu-fiqiga, …iwm. Dadka takhasusaadka lehna waxaa loo bixiyey
magcaan ay ka mid yihiin mufasiriin, muxadisiin, fuqaho, …iwm.
Waxaase habboon in la ogaado in dadaalka culumadu sameeyeen,inkasta oo uu diinta
u adeegayo, laakiin isaga qudhiisu uusan diin ahayn. Tusaale ahaan, tafsiirka iyo
fiqigu waxay naga kaalmaynayaan sidii aan ku fahmi lahayn diinta, laakiin tafsiirka
iyo fiqiga midkoodna diin ma aha, ee waa afkaartii culumada iyo sida mid waliba u
fahmay nusuusta diinta. Fahamka culumaduna waa dadaal aadami oo sax iyo khalad
labadaba waa noqon karaa. Oo wadaadka quraanka fasirayaa 100% ma hubo in sida
uu quraanka u fasiray ay tahay sidii Alle dhab ahaan ula jeeday, sidaa darteedna
waxaan aragnaa culumada tafsiirka oo ku celcelinaya oraahda ah: ” Eebbaa yaqaan
ulajeeddada / Wallaahu Aclamu Bimuraadihi”. Cali bin Abii Daalib-na (RC)
waxaa laga hayaa inuu yiri: “Quraanku waa wajiyo badan yahay / al-Quraan
Xammaalu Awjuh
3
“. Taa awgeedna, muslimiintu waa isku raacsan yihiin in
quraanku yahay kitaab Alle, laakiin aad bay isugu khilaafaan tafsiirkiisa.
Soomaalidu waxay tiraahdaa: ” Xaajo nimaan ogayni indhuhuu ka ridaa”.
Cabdullaahi bin Cabbaas (RC) oo aad mooddo inuu xigmaddaas ka duulayeyna mar
uu ka jawaabayey su’aal Cumar bin Khaddaab (RC) weydiiyey oo ahayd: Sidee
ummadda islaamku isu khilaafi kartaa iyada oo nebigoodu mid yahay,
qibladdooduna mid tahay? wuxuu yiri: ” Gadaasheen waxaa imaanaya qolo
quraanka akhrinaya, iyaga oo aan ogayn wuxuu ku soo degey, dabadeedna
way awilayaan, kaddibna waxay isku khilaafayaan sida loo awilay,
dabadeedna waxay ku dagaallamayaan waxay isku khilaafeen”.
3
Oraahda Cali bin Abii Daalib (RC) waxay naxusuusinaysaa murtida Soomaaliyeed ee tiraahda: “
Hadal waa margi, margina hadba waa meesha loo jiido”.
3
Run ahaantiina, saadaashii Cabdullaahi bin Cabbaas waa dhabowday, waayo
khilaafka ugu badan ee muslimiintu dhiiggooda ku daadiyeen wuxuu ka dhashay
tafsiirka aayadaha quraanka oo qolo waliba derbi gaar ah la fuushay. Tusaale ahaan,
colaadda ugu ba’an ee muslimiintu dhiiggooda ku xalaashadeen waxay ka dhalatay
macnaha la siinayo aayadaha oranaya: ” Ciddaan xukumin wuxuu Eebbe soo
dejiyey, kuwaasi waa gaalo/ Waman laa yaxkum bimaa anzala laahu fa- u-
laa’ika humul kaafiruun ” [Al-Maa’idah: 44]. In sidaa wax u dhacaanna waxaa ugu
wacan iyada oo la iska indho tiray sababtii aayaddu ku soo degtay.
Inta badan culumada tafsiirku- marka lagu daro Cabdullaahi bin Cabbaas- waxay
qabaan in aayaddu ku soo degtay Yahuuddii Madiino, waxayna yiraahdeen:
Yuhuuddu nebiga (SCW) waxay ka codsadeen inuu xukumo nin iyo haweenay
Yuhuud ahaa oo lagu eedeeyey inay sineysteen, sidaasna waxay u yeelayeen iyaga oo
diiddanaa in labadaas qof lagu qaado xukunka kitaabka towreedku siinayo denbigaas
oo ah in dhagax lagu dilo. Ogaanshaha sababta aayaddu ku soo degteyna wuxuu
muujinayaa in aayaddaan iyo kuwa la macnaha ahi aysan innaba wax shaqo ah ku
lahayn xukun iyo maamul dowladeed.
Waxaana xusid mudan, in quraanka kariimku uusan marna maamaulka dowladda
(Siyaasadda) u adeegsan eray-bixinta xukun, dhammaan meelaha erayga xukun uga
soo arooray quraankuna waxay ka hadlayaan nidaamka garsoorka iyo kala saaridda
dadka kiisasku dhexmaraan, mar qurana quraanku erayga xukun siyaasad uma
adeegsan.
Run ahaantii, madaxdii muslimiinta – ee khulufaa’u raashidiinta ka danbeeyey- ayaa
ka mas’uul ah in siyaasadda [xukunka] loo muujiyo sidii in ay tahay aasaaska diinta
islaamka, waayo fikraddaasi waxay madaxda fursad u siinaysaa inay isu-muujiyaan
sidii inay diinta metalayaan, sidaa darteedna aan loo baahnayn in cidi mucaaraddo
ama xataa la xisaabtanto, ciddii sidaa yeeshaana waxay noqonaysaa murtad diinta ka
baxay.
Dunida islaamka, taniyo taariikh aad u fog mucaaradku mas’uuliinta talada haya
waxay ku eedayn jireen in aysan shareecada islaamka wax ku xukumin, sidaa
darteedna ay gaaloobeen. Muxaafidkuna dhankooda mucaaradka waxay ku eedayn
jireen inay riddoobeen, sidaa awgeedna loo baahan yahay in luqunta loo dheereeyo.
Arrinkaasina wuxuu dhaliyey in la xalaashado qubidda dhiigga muslimiinta, iyada oo
isla markaana la xurmaynayo dhiigga diqsiga.
Kala duwidda diinta iyo afkaarta diiniga ahi waxay fursad noo-siinaysaa inaan kala
garanno waxa ay tahay in isku si loo arko iyo waxa lagu kala aragti duwanaan karo,
maxaa yeelay diinta la iskuma khilaafi karo, laakiin si taa ka duwan afkaarta diiniga
ah aad baa la isugu khilaafi karaa. Tusaale ahaan, muslimiintu marna iskuma
khilaafaan aayadaha quraanka, laakiin aad bay isugu khilaafaan afkaartii Abuu
Xaniifa, Maalik, Shaafici, Axmed bin Xanbal, Abuu Xasan al-Ashcari, Abuu Xaamid
al-Gasaali, Ibnu Taymiyah, Maxamed Cabdi-Wahaab, xasan al-Banna, Ibnu Baas,
Qardaawi, …iwm. Sababta oo ah duqaydu waxay ka hadleen duruuftoodii, isla
markaana waxay ka hadleen maankooda, oo waa tii Soomaali horay u tiri: “Ninna
madaxiisa kama boodo” iyo “Ninna maankiisa ma saluugo”, sida la og-yahayna
“maan dad waa mudacyo afkood”.Abuu Xaniifa oo xaqiiqadaas noo tilmaamayaana
4
waa tuu yiri: ” Kuwaasi [Taabiciinta] rag bay ahaayeen, annaguna rag baan-
nahay”, Imaam Maalik oo isaguna Abuu Xaniifa ku waafaqay xaqiiqadaasi wuxuu
yiri: “Ruux walba warkiisa waa la qaadan karaa, waana la diidi karaa, marka
laga reebo kan qabrigaan ku jira [nebi Muxamed (SCW)]”, Ibnu Xasmina wuxuu
yiri: ” Ku dayashada saxaabada ka dhalanmayso inay waajib tahay in lagu
daydo Maalik, Abuu Xaniifa iyo Shaafici, …fuqahadaanna kumo jiro mid aan
saxaabada ku khilaafin boqollaal mas’alo”.
Kaarle Maarkis waxaa laga hayaa inuu yiri: “Dhaleecaynta [= naqdinta] diintu
waa shardiga aasaaska u ah dhaleecayn oo dhan.” Run ahaantiina, caqliga reer
Yurub wuxuu shaqo bilaabay, sheeko-xariir iyo khuraafaadna ka xoroobay, noloshana
fahmay ka dib markii dhaleecayn badan lagu sameeyey afkaartii diiniga ahayd ee
culumadu [=wadaaddada kaniisaddu] caamada ku addoonsadeen. Muslimiiintuna
maanta waxay ku jiraan xaalad dhinayco badan uga eg tii reer yurub ku jireen
qarniyadii dhexe, taa awgeedna muslimiintu waxay u baahan yihiin aqoon-yahanno
qaadan kara kaalin la mid ah kii ay ciyaareen aqoon-yahannadii reer Yurub ee
horseedka ka ahaa dhaqdhaqaaqii maan-furka [enlightenment] ee dhawr boqol oo
sano ka hor yurub ka hanaqaaday. Waxaa loo baahan yahay aqoon-yahanno leh
garaad iyo geesinnimo ay dib u akhrin ugu sameeyaan afkaarta diiniga ah ee
muslimiintu boqollaalka sano kala dhaxlayeen.
Waxaa la wariyey in wadaad Soomaaliyeed oo la oran jirey Xaaji Saciid Maxamuud
Isxaaq, uu fatwoon jirey in sadaqada fidriga [Sakaatu Fitriga] lagu bixin karo caano
iyo hilib [= cad iyo caano]. Wadaaddadii Soomaaliyeed oo fatwadaasi ka degi
weydeyna shiikha waa ku dhaleeceeyeen mas’aladaas, arrinkuna wuxuu gaaray heer
culumadii ay kutubta isu soo gurteen. Kolkii madashii lagu ballamay la isugu yimidna
Shiikh Saciid wuxuu culumadii weydiiyey su’aasha ah: culumoy kolka aad baaraysaan
masalooyinka mugdigu idinka galo halkee baad ka raadisaan? Culumadiina waxay
ugu jawaabeen: waxaan ka baarnaa kutubta fiqiga ee ay ka midka yihiin Minhaajka
iyo shuruuxdiisu. Mar labaadkiina wuxuu weydiiyey: oo horta minhaajka yaa qoray?
Waxay yiraahdeen: waxaa qoray caalim weyn oo la oran jirey Imaam Nawawi. Mar
saddexaadkiina wuxuu weydiiyey: oo horta shiikh Nawawi halkee buu ku noolaa?
Waxay yiraahdeen: wuxuu ku noolaa dhul la yiraahdo Shaam. Mar afraadkiina wuxuu
weydiiyey: dhulka la yiraahdo Shaam maxaa u quutu qaalib ah? waxay yiraahdeen:
Shaam waa dhul-beereed, dadkiisuna waxay cunaan dalagyada beeraha ka soo go’a.
dabadeedna, Xaaji Saciid wuxuu culumadii ku yiri: ” Culumoy! wadaadka reer
Shaam anaa reerkayga uga xog-ogaalsan
4
“
Hubantidii, Soomaalidu waxay u baahan tahay culumo sida Xaaji Saciid hal-abuur u
leh, dadkooda iyo dalkoodana ku kalsoon, xurmo iyo qaddarinna u haya, kana xoroobi
kara fikradaha qalloocan ee dibedaha laga soo dhoofiyo.
Yeelkadeede, qoraalkaan gaabani -haddii Alle idmo- wuxuu isku dayi doonaa inuu
wax yar ka bidhaamiyo doodda kulul ee maanta ka aloosan mawduuca riddada.
Su’aasha qoraalku isku dayi doono inuu ka jawaabaana ma aha in riddadu tahay denbi
4
Sheekadaan waxaan marar badan ka maqlay buuniga weyn ee Aw jaamac Cumar Ciise, waxaanse ka
xumahay in aanan sheekada u soo tebin karin sida quluudda iyo xalladda badan ee Shiikh Jaamac u
tebiyo.
5
aakhiro cadaab lagu mudanayo iyo in kale, balse ujeeddada qoraalku waxay ku
kooban tahay inuu ka jawaabo su’aasha ah: ma tahay in murtadku ciqaab aadane ifka
ku muto mise maya?
Ugu dambayntii, ujeeddada qoraalka laga leeyahay ma aha wacdi, danta qoraaguna
ma aha in akhristuhu qoslo ama qarracmo, balse dantu waa inuu wax bidhaamiyo, oo
su’aalo abuuro.
2- Waa Maxay Riddo?
Erayga Ridda ama Irtidaad waa eray af Carabi ah, macnihiisuna af ahaan waa
“noqosho”, eraybixin ahaanna waa in diin laga noqdo ama laga baxo, siiba in diinta
Islaamka laga baxo
5
. Ruuxa diinta ka baxayna waxaa loogu yeeraa murtad. Diin ka
bixidduna waxay leedahay labo waji oo kala ah: in qofku diinta islaamka ka baxo
isaga oo aan qaadan diin kale iyo in qofku ka baxo islaamka isla markaana uu qaato
diin kale, sida inuu ka baxo Islaamka isaga oo ka dooranaya diinta Kiristaanka ama
Yahuudda ama Buudiisimka, .. ,…iwm.
Murtadkana waxaa loo qaybiyaa labo nooc oo kala ah: Murtad Fitri ah; waana ruuxa
ay dhaleen waalidiin muslim ahi, oo qaangaaray isaga oo muslim ah, laakiin isagu
mar danbe islaamka isaga baxa, iyo Murtad Milli ah, oo ah ruuxa ay dhaleen waarid
aan muslim ahayn, oo qaangaaray isaga oo aan muslim ahayn, hase ahaatee gadaal ka
qaatay diinta islaamka, laakiin mar danbe ka noqda diinta
6
.
Waxa riddada ama gaaloobidda loo daliishanayaana waxay yeelan karaan dhawr waji
oo kala ah: wax uur laga rumeeyo, ama af laga yiraahdo ama addin laga falo.
Culumada qaarkoodna waxay isku dayeen inay dejiyaan qaacido koobta arrimaha
riddada keena, waxayna dejiyeen qaacido oranaysa: waxaa riddada keena in la
diido arrin ay khasab tahay in diinta laga ogaado [Macluum mina diin
bidaruurah]. Hase ahaatee, qaacidadaani ma aha mid la isku waafaqsan yahay run-
sheeggeeda, waxaana jira aqoon-yahanno badan oo rumaysan in qaacidadaani aysan si
cad u qeexnayn, waxayna ku tilmaameen inay sida mergiga u jiidanto, oo hadba sidii
la rabo loo fasiran karo.
Culumada islaamkuna waa ku kala aragti duwan yihiin ciqaabta uu ifka ku
mutaysanayo murtadku, culumada badankooduse waxay qabaan in riddadu tahay
denbi ciddii ku dhacdaa ay mutaysanayso ciqaab la yiraahdo “Xad Arridda” oo ah in
5
Aqoon-yahannada qaarkood waxay qabaan in riddadu [= noqoshadu] tahay in ruuxa ama bulshadu ay
ka noqdaan diinta islaamka iyaga oo ku noqonaya diintoodii hore. Taa awgeedna aqoon-yahannadaani
ma oggola in erayga riddo loo adeegsado muslimiinta islaamka ku dhashay ee aan diimaha kale soo
marin. Tusaale ahaanna, Soomaaliga -inta la hubo-abidki muslimka ahaa ma habboona in loogu yeero
erayga riddo, waayo ma laha diin hore oo uu dib ugu noqonayo.
6
Maxamed Cumar Faaruuq wuxuu qabaa inaan loo baahnayn in la adeegsado eraybixinta ruux diin
ama muslimnimo ku dhashay ama qof gaalnimo ku dhashay, balse sida saxda ahi ay tahay in la
yiraahdo qof ay dhaleen waarid muslim ahi iyo qof ay dhaleen waarid gaal ahi. Sababtana wuxuu ku
sheegay in caqiidada la qaato [=la rumeeyo], laakiin aan lagu dhalan. Fiiri faalladiisa cinwaankeedu
yahay “Being born as a muslim: Is there such as thing?”.
6
la dilo
7
, laakiin waxay isku khilaafeen in loo baahan yahay in ka hor inta aan la dilin
la siiyo waqti uu ku toobad keeni karo oo islaamka dib ugu soo noqon karo haddii uu
doono iyo in kale?
8
Qaar ka mid ah culumada islaamkuna waxay qabaan in ay
arrinkaas ku kala duwan yihiin murtadka fitriga ah iyo kan milliga ahi, oo waxay
leeyihiin murtadka milliga ah waa la toobad weydiinayaa, laakiin kan fidriga ah lama
weydiinayo. Si taa la mid ah culumada qaarkood waxay kala duwaan murtadka
riddada qarsada iyo kan caddaysta, oo waxay yiraahdeen murtadka riddada qarsada
waxaa la dilayaa isaga oo aan la weydiin inuu toobad keeno, laakiin kan riddada
cadaysta waa la toobad weydiinayaa, oo hadduu islaamka u soo noqdo waa la iska
daynayaa, haddii kalena waa la dilayaa.
Sidoo kale, culumada qaba toobad weydiintu waxay isku khilaafeen inta ay le’eg
tahay muddada ay tahay in murtadka loo sugo si uu u toobad keeno. Si taa la mid ah,
fuqahadu waxay isku khilaafeen haweenayda riddoowda waxa laga yeelayo, ma la
dilayaa mise maya? Tusaale ahaanna, fuqahada mad-habta Xanafigu waxay qabaan in
haweenayda riddowda aan la dileyn. Oo bilmatal, haddii wiil iyo gabar walaalo ah,
ama afo iyo saygeed ay riddoobaan, culumadaani waxay qabaan in wiilka iyo sayga la
dilayo, laakiin bilis xaawo aan waxba loo raacanayn.
3- Xumaha Iyo Taariikhda Gaalaynta Muslimiinta:
3-1: Xumaha Gaalaynta Muslimiinta:
Islaamku gaalaynta muslimiinta wuxuu u arkaa dhaqan xun oo loo baahan yahay in
muslimku iskala weynaado. Nebigana (SCW) waxaa laga wariyey axaadiis badan oo
muslimiinta uga digaya dhaqanka gaalaynta, waxaana ka mid ah xadiiska oranaya: “
Haddii ninku [= qofku] ku yiraahdo walaalkiis gaalyahow midkood bay ku
noqotaa [= gaalnimadu], oo haddii kan lagu sheegay gaalnimadu uu sidaa
yahay isaga ayaa gaal ah, haddii kalena waxay ku noqotaa kan yiri”. Riwaayad
kalena waxay leedahay: ” Ruuxii nin ku sheega gaalnimo, ama yiraahda
cadowgii Alle, haddii uusan sidaa ahayn isagay ku noqotaa”. Xadiis kalena
wuxuu leeyahay: ” Ruuxii muumin gaalnimo ku ganaa [= ku sheegaa] wuxuu
la mid yahay sidii inuu dilay”.
Culumada islaamkuna waa isku khilaafeen macnaha dhabta ah ee gaalnimada
axaadiistaani sheegayso, oo waxay isweydiiyeen su’aasha ah: ruuxii muslim gaalnimo
ku sheegaa ma gaaloobayaa mise denbi weyn buu kasbanayaa? Haddii si kale loo
yiraahdo, gaalnimada axaadiistu sheegtay ma gaalnimo ruuxa diinta ka saaraysaa mise
maya? Culumada badankooduna waxay qabaan in gaalnimada axaadiistu sheegaysaa
7
Afarta mad-hab ee ugu waaweyn fiqiga ahlu sunnadu waa isku waafaqsan yihiin in la dilo ruuxa
riddadu ku caddaato.
8
Ibnu Sureyj [dhintay 235 ee hijrada] oo ka mid ahaa fuqahada waaweyn ee mad-habta Shaaficigu
wuxuu ku dooday in loo baahan yahay in murtadka la siiyo waqti uu ku toobad keeno, sidaa darteedna
wuxuu fatwooday inaan murtadka mar qura qoorta laga goyn, ee lagu dilo ul lala dhaco, maxaa yeelay
ushu murtadka waxay fursad u siinaysaa inuu helo waqti uu ku toobad keeno (Eeg: Al-Maawardi ; al-
Axkaam al-Suldaaniya, B.75 ).
7
aysan ahayn mid diinta looga baxayo balse ay tahay mid muujinaysa faasiqnimo iyo
in ruuxa sidaa u dhaqmaa uu mudanayo caro Alle. Laakiin qaar kale oo culumada ka
mid ahi waxay yiraahdeen haddii ruuxa gaalnimada lagu sheegay uu dhab ahaantii
gaal yahay ruuxa erayga yiri wax eed ah yeelan maayo, laakiin haddii uusan gaal
ahayn isaga qudhiisa ayaa gaaloobaya, waayo xaaladdaas wuxuu ka dhigan yahay
inuu islaamka qudhiisa gaalnimo ku sheegayo, ruuxii islaamka gaalnimo ku
sheegaana waa gaaloobayaa. Intaa waxaa dheer, culumada qaarkood waxay
yiraahdeen: ruuxa muslimka ku yiraahda gaalyahow, ama faasiq-yahow ama faajir-
yahow wuxuu mudanayaa ciqaab tacsiir ah, maxaa yeelay wuxuu ku dhacay denbi aan
xad go’an lahayn, denbiyada aan xadka lahaynna waxaa lagu ciqaabaa ciqaab lagu
edbinayo oo ah ciqaabta loo yaqaan tacsiirta.
Saxaabigii Usaama bin Seyd (RC) oo nebiga ka warinaya dhacdo isaga qudhiisa
qabsatayna wuxuu yiri sidatan: ” Rasuulkii Alle (SCW) ayaa wuxuu noo diray
hawl gaar ah [=sariya], waxaanna ku waa beriisannay al-Xuruqaatka [= waa
meel magaceed] Reer-Juhayno. Dabadeedna waxaan haleelay nin, markaasuu
yiri: Alle mooyee Ilaah kale ma jiro. Dabadeedna waan la dhacay [= seefta].
Arrinkaasina shaki buu igu beeray. Dabadeedna nebigaan u sheegay,
markaasuu yiri:
“Ma isaga oo yiri: Alle mooyee Ilaah kale ma jiro ayaad dishay!!”
Waxaan iri: Rasuulkii Allow, wuxuu sidaa u yiri isaga oo hubka ka baqay
darteed.
Nebiguna wuxuu yiri: ” Oo maxaad u jeexi weyday qalbigiisa si aad u kala
ogaato inuu sidaa u yiri iyo in kale?!!” nebiguna kama suulin inuu su’aashaas
igu celceliyo, jeer aan ka jeclaystay inaan maalintaas soo islaami lahaa!
9
“
Culumada islaamka qaarkoodna waxay sheegeen in haddii hadalka ruuxa muslimka
ahi uu 99% yeelan karo macne gaalnimo muujinaya, 1% uu leeyahay macne
islaamnimo muujinaya, hadalka muslimka waxaa lagu xanbaaraya macnaha wanaagga
iyo muslimnimada muujinaya. Haddii si kale loo yiraahdo: halka macne ee dhanka
wanaagsan wax ka eegaya ayaa laga hormarinayaa sagaal iyo sagaashanka kale ee
dhanka xun wax ka eegaya. Waayo, wanaagga ayaa asal ah, arrinkana asalkiisii horaa
ayaa lagu xanbaaraa.
Sidoo kale, culumada islaamka qaarkood waxay isweydiiyeen su’aasha ah:
gaalnimada, faasiqnimada iyo dulmilownimada kee baa ugu xun? Su’aashaasna
culumadu waxay uga jawaabeen in dulmigu ka xun yahay gaalnimada iyo
faasiqnimada, waayo , caadi ahaan dhibka gaalka iyo faasiqu waxay ku kooban tahay
qofka nafsaddiisa, laakiin dhibka dulmigu wuxuu u gudbaa bulshada .
Waxaa la wariyey in nin askari ahi uu wadaad faqiih ah waydiiyey inuu waddada u
tilmaamo, laakiin wadaadkii iska dhegotirey su’aasha askeriga. Sababta wadaadku
sidaa u yeelayna wuxuu ku macneeyey inuu ka baqay in askarigu u socday meel uu
dulmi ka gaysanayo, haddii uu waddada u sheegana uu noqanayo mid dulmiga gacan
9
Waxaa wariyey Muslim, Abuu Daa’uud, Ibnu Maajah iyo Axmed.
8
ku siiyey, oo denbiga la qaybsanayo.
Imaam Maxamed al-Gasaali oo dhacdadaan faallo ka bixinayaana wuxuu yiri: “
dadkii hore ee wanaagsanaa taxadarka noocaan oo kale ah kulama dhaqmi jirin
faasiqiinta iyo gaalada, balse wuxuu ku goonni yahay dulmilowga. Waayo macsidu
waxay u qaybsantaa mid gudubta iyo mid aan gudbin, fisqigu ma gudbo ee wuu
kooban yahay, sidoo kalana gaalnimadu waa denbi Alle laga galay, la
xisaabtankiisana isagaa iska leh. Laakiin dulmigu waa gudbaa [= dhibkiisu bulshaduu
gaaraa]”.
3-2: Taariikhda Gaalaynta:
Iyaga iyo ku Allahoode waxay wariyeen in tuke arkay tuke kale oo la nooc ah,
markaasna uu ka carooday madowga iyo foolxumada ka muuqata wajiga saaxiibkiis.
Wuxuu ka naxay madoobaanta wajiga saaxiibkiis, laakiin haddii uu wejigiisa
muraayad ku eegi lahaa, wuxuu ogaan lahaa in qudhiisu uusan ka caddayn saaxiibkiis,
laakiin halka sartu ka quruntay waa in tukuhu uusan haysan muraayad uu wejigiisa ku
eego, isla markaana uusanba dareensanayn inuu u baahan yahay muraayad u qabata
shaqada noocaas ah.
Run ahaantiina, dhibaatada haysata aadanaha oo dhan, siiba kuwa kala aamminsan
diimaha, firqooyinka iyo madaahibta kala duwani waxay la mid tahay dhibaatada
qabsatay tukahaas, waana in qolo waliba iska indho tirto xumaheeda isla markaana
karbuuno weyn ku ifiso xumaha kuwa kale, in qolo kastaa iska dhaadhiciso in iyada
oo keli ahi ay xaqa iyo xaqiiqada metesho, iskana indho tirto in xaqiiqadu wejiyo
badan leedahay, cid walibana ka arkayso dhanka ay ka eegto oo qura, sidaa darteedna
loo baahan yahay in la qaddariyo aragtida kuwa dhanka kale wax ka eegay.
Waxaa la wariyey in feylasuufkii weynaa ee Suqraat [= Socrat] -oo loo qiray inuu
ahaa ugaaskii falaasifadii hore, laguna magacaabi jirey naanaysta ah ” Garaadka
garaadleyaasha/ Xakiimka xukamada” – mar la weydiiyey su’aasha ah: maxaa
laguugu bixiyey magaca “Xakiimka xukamada? Suqraadna uu ku jawaabay: “Waayo
dadka badankoodu ma oga jaahilnimada weyn ee ay ku sugan yihiin, aniguse
waxaan ogahay jaahilnimadayda gaamurtay.”
Waa run oo jahligu waa kan dadka ku bixiya inay keligood isla saxsanaadaan,
fikradaha kale oo dhanna ka soo qaadaan waalli iyo nacasnimo. Wadaaddadii
magaalada Atena oo jahligoodu ku bixiyey inay ra’yigooda oo qura tixgeliyaanna waa
kuwii Suqraad dilka ku xukumay, kaddib markay ku eedeeyeen inuu diintii
aabbayaashiis bidco ku barxay, dhalinyaradana maskaxda ka xado, oo si xun wax ugu
sheego.
Diinta asalkeeda iyo nuxurkeedu waa turid, naxariis iyo xishood, waayo diintu waxay
daahirisaa damiirka dadka, waxayna ku xirtaa samada, muuminkana waxay ku
xanbaartaa inuu ka fogaado dulmi iyo denbi, waxayna ku bixisaa inuu u turo
dhammaan uunka Alle. Laakiin si taa ka duwan, siyaasadda waxaa asal u ah danaysi,
9
xoog iyo ismaquunin, waayo siyaasaddu raxim ma leh
10
, raxmadna ma taqaan. Diinta
iyo siyaasadda oo la isku walaaqana waxaa ka dhalanaya in siyaaddu diinta ku daarato
cudurrada danaysiga iyo ismaquuninta.
Si kastaba ha ahaatee, marka si qotodheer loo akhriyo taariikhda islaamka, waxaa la
ogaanayaa in dhaqanka gaalayntu uu yahay dhaqan fac weyn, oo soo taxnaa in ka
badan kun sano. Fikradda gaalayntuna waxay curataa mar kasta oo siyaasadda maro
diineed loo geliyo. Danta laga leeyahayna waa in lagu faquuqo, bulshadana looga
dheereeyo cidda la gaalaynayo.
Muslimiinta waxaa dhexmaray dagaallo kharaar oo ku reebay aano iyo utun aan abid
laga bogsoon. Dagaalladaas oo af iyo addin labadaba lahaana, waxaa xanuun badnaa
oo ay adagtahay in laga bogsadaa dagaalka afka ah. Nebigu (scw) wuxuu magaalada
Madiino ku geeriyoodey sannadkii 632 C.D., geerida nebiga oo filan waa ku ahayd
saxaabada badankoodana waxaa ka dhashay in saxaabadu isweydiiyeen su’aalo aan
horay la isu weydiin, su’aalahaasna waxaa ugu muhiimsanaa labo su’aalood oo tan
hore ahayd: Nebigu ma dhiman karaa? Tan labaadna ahayd: Haddii nebigu
dhintay yaa buuxinaya xilkii hoggaamiyenimo ee nebigu mislimiinta u
hayey?
Su’aasha hore dhib badan lagalama kulmin, oo waxaa si dhib yar u xalliyey khaliifkii
Abuu Bakar Asadiiq (RC), ka dib markii uu muslimiinta u khudbeeyey, kuna dul
akhriyey aayadaha quraanka ah ee muujinaya in nebigu yahay aadami, ay ku dhici
karaan dhammaan cilladaha aadamiga ku dhacaa, isaga iyo aadamiga kalena farqiga u
dhexeeyaa uu yahay waxyiga isaga iyo anbiyada kale lagu goonni yeelay.
Laakiin su’aasha labaad furdaaminteedu ma ahayn arrin fudud, waayo dan iyo damac
ayaa dabada ka riixayey. Meydkii nebiga oo aan weli la aasin, ayaa Ansaartii Madiino
– oo horay Muhaajirta eedo uga tirsanayey- waxay guriga ku caanbaxay magaca
“Saqiifat Banii Saacida”, waxay ku qabteen shir ujeeddadiisu ahayd inay ku doortaan
ninkii geli lahaa booskii nebiga, ee noqon lahaa madaxa muslimiinta. Durbadiibana
waxay hoggaamiye u magacaabeen ugaaskii beesha Khasraj oo ka tirsan bahwadaagta
Ansaarta,. Ugaaskaasna waxaa lagu magacaabi jirey Sacad bin Cubaadah (RC).
Hase yeeshee, Ansaartii oo aan weli madashii ku kala dareerin ayaa waxaa ka war
helay Abuu Bakar, Cumar bin Khaddaab iyo asxaab kale. Abuu Bakarna akhyaartii
shirsanayd wuxuu u jeediyey khudbo uu ku yiri: ” Ansaarey! Rasuulka Alle
annaguu naga dhashay, booskuu banneeyeyna annagaa idiinka xaq leh”.
Ansaartiina waxay ugu jawaabeen: ” Amiir baan magacaabanaynaa, ee idinkuna
amiir magacawda / Minnaa Amiir waminku Amiir”. Abuu Bakarna wuxuu
ugu jawaabay: ” Amiirradu annagay noqonayaan, wasiirraduna idinkay
noqonayaan/ Minnaa al-Umaraa, wa’antum al-wusaraa”.
Iyada oo dooddu ay halkaas marayso, arrinkana la isku mari la’ yahay, ayaa waxaa
istaagay saxaabi ka mid ahaa odayaashii Ansaarta oo la oran jirey Abuu Cubeydah bin
10
Dowladdii Cabbaasida, xilli ay boqortooyada ku loollamayeen labadii boqor ee walaalaha ahaa ee
al-Amiin iyo al-Maamuun, ayaa Al-Amiin maalin waxaa lagu yiri: hadii walaalkaa dagaalka ka
waantoobo, oo is-dhiibo, dhalashada iyo raximka aad wadaagtaan darteed ku cafi, oo ha dilin. Al-
Ammiin-na ninkii taladaas soo jeediyey wuxuu ugu jawaabay: ” Boqortooyadu waa ma dhalays oo
raxim ma leh!”
10
Jarraax (RC), wuxuuna gacan qaaday Abuu Bakar, wuxuuna kula heshiiyey inuu
noqdo khaliifka muslimiinta, Ansaartiina marka laga reebo Sacad bin Cubaadah,
waxay arrinka ku waafaqeen Abuu Cubeyda, waxayna oggolaadeen khaliifnimada
Abuu bakar. Sidaasna Abuu Bakar wuxuu ku noqday kii ugu horreeyey afarta nin ee
muslimiintu u bixiyeen magaca Al-khulafaa Ar-Raashidiin, oo afartuba ah
Muhaajiriin iyo Qureesh.
Yeelkadeede, loollanku halkaa kuma dhammaan, balse mar kale ayaa waxaa loollan
ka dhex aloosmay muhaajiriinta dhexdooda, waxaana habboon inaan la illoobin
mandiqa qabyaaladda ee yiraahda: ” Aniga iyo walaalkay waxaan la dirirnaa ina
adeerkayo, aniga iyo ina adeerkayna waxaan la dirirnaa shisheeyaha”.
Muhaajiriinta qaarkood waxay ku doodeen in arrinka lagu degdegay, Abuu Bakarna
uusan khaliifnimada xaq u lahayn. Tusaale ahaanna, waxaa la wariyey in Cutba Bin
Abii Lahab uu madashii Saqiifa bin Saacida ka tiriyey gabay uu ku ammaanay Cali
bin Abii Daalib, si sarbeeb ahna uu ugu dooday in Cali madaxnimada xaq u leeyahay.
Run ahaantii, Cali si toos ah ugama horimaan Abuu Bakar iyo khaliifkii ka danbeeyey
ee Cumar bin Khaddaab, sidoo kale waa run in Ansaartu aqbaleen go’aankii
odaygoodii Abuu Cubeyda, laakiin dhab ahaantii arrinka lama xallin, oo khilaafka
lagama bogsan, balse wuxuu ahaa dhuxul hoos ka hulaaqaysa, oo mar uun danbaaburo
qarxin doonta.
Gacan ka hadalkii ugu horreeyey ee muslimiinta dhexdooda ka qarxay wuxuu ahaa kii
ka dhashay kacdoonkii looga horyimid, markii danbana lagu diley khaliifkii 3-aad ee
Cusmaan bin Cafaan (RC). Waxaana la rumaysan yahay in loollankaasi uu ku
salaysnaa dano siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo ay kala matalayeen kooxaha
loollanku u dhexeeyay. Oo bilmatal, kooxda kacdoonka samaysay waxay ku
doodayeen inay rabaan in dulmiga la suuliyo, madaxdii ka danbayseyna la ruqseeyo,
haddii taa la waayana ay khasab noqonayso in la casilo khaliifka ka gaabiyey
gudashada xilkiisa. Mana jirin cid sheegatay inay diin iyo caqiido metalayso, ama in
qolada kale ay gaaloowdey
11
.
Geeridii Cusmaan bin Cafaan (RC) waxay horseedday in la isku barxo qabyaalad,
siyaasad iyo diin, waxayna daahfur u noqotay dhacdooyin taariikhda islaamka ku
caanbaxay magaca “Al-Fitna al-kubraa ama fitnadii Cusmaan”.
Dhacdooyinkaasna waxaa ka mid ah dagaallo kharaar oo dhexmaray muslimiinta, oo
ay ugu horreeyeen goobihii al-Jamal, Sifeyn, iyo Karbalaa. Dagaalladaasina waxay
galaafteen noloshii tobannaan kun oo ruux, oo boqollaal ka mid ahi ay ahaayeen
saxaabadii rasuulka, waxayna dhaliyeen in khilaafkii siyaasadeed loo yeelo waji
diineed, koox walibana waxay bilowday inay raadsato aayado iyo axaadiis ay
mowqifkeeda ku difaacdo, sidaasna waxaa ku abuurmay xisbiyo siyaasadeed oo kala
matala dano kala duwan, isla markaana mid kastaba ay sheeganayso inay iyadu tahay
11
Afadii nebiga ee Caa’isho binti Abuu Bakar oo markii hore ka mid ahayd dadkii Cusmaan bin
Cafaan mucaaradka ku ahaa, ayaa waxaa laga wariyaa inay mar ay dadka ku diraysey Cusmaan ay tiri:
” Dila Nactal wuu gaaloobaye”, iyada oo Cusmaan ugu yeeraysa magaca Nactal. Erayga Nactalna
dhawr macne ayaa lagu fasiray, waxaase loo badinayaa in Nactal ahaa magac loogu yeeri jirey nin
Qibdi [Kirishtaan] ahaa, oo gar weyn lahaa oo ku noolaa magaalada madiino.
11
tan metasha diinta saxda ah. xisbiyadaas kuwii ugu horreeyeyna waxay ahaayeen
xisbiyadii Khawaarijta, Shiicada, Sunnada, …iwm.
Qodobkii ugu horreeyey ee xisbiyadaani sida weyn ugu murmeen wuxuu ahaa:
mansabka khaliifnimada ma Allaa bixiya mise aadamiga? Jawaab u helidda
su’aashaasna muslimiintu waxay ugu qaybsameen labo kooxood oo tan hore ay ku
tagtay in mansabka khaliifku uu yahay mid Alle baxsho, uuna la mid yahay mansabka
nebinimada. Kooxda sidaa ku andacootay oo mar danbe loo bixiyey magaca Shiico,
waxay yiraahdeen darajada khaliifnimadu [imaamadu] waa mid Alle bixiyo, waxayna
la mid tahay nebinimada, Eebbana darajadaas wuxuu u doortay Cali bin Abii Daalib
12
iyo durriyaddiisa. Shiicada oo ciil badan qabay, eedo badanna tirsanayey dadkii
fikraddooda mucaaraday waxay u bixiyeen magaca “Naasiba ama Nawaasib”,
waxayna ku xukumeen inay yihiin eey gaalo ah, oo Yahuudda iyo Majuustu ay ka
diin fiican yihiin.
Dhanka kale, kooxdii diiddey in darajada khaliifnimadu tahay mid Alle bixiyo
dhexdeeda waxaa ka curatay dood kale oo oranaysa: khaliifnimadu ma waxay ku gaar
tahay jifida Banii Haashim, mise waxaa leh Qureesh oo dhan, mise Carab baa
wadaagta, mise waa darajo muslimiinta oo dhan [carab iyo cajamba] u dhaxaysa xataa
haddii ruuxa qabanayaa uu noqonayo “Xabashi addoon ah”.
Kooxda ugu ballaaran kooxahaani waa midda Shiicadu u bixiyeen magaca “Naasiba”,
laakiin iyadu la baxday magaca “Ahli Sunna ama Sunna”. Guud ahaanna, waxay
qabaan in khaliifnimadu tahay darajo muslimiintu bixiyaan, laguna gaaro hannaanka
shuurada. Waxayna ku doodeen in dhammaan khulufadii Abuu Bakar, Cumar, iyo
Cusmaan ay waddo sax ah xilka ku qabteen, isla markaana loo baahan yahay in laga
aammuso doodihii iyo dagaalladii saxaabada dhexmaray. Sunnadu [= Nawaasibtu]
iyagu Shiicada waxay u bixiyeen magaca “Raafida”, waxayna ku xukumeen inay
yihiin dameerro aan diin lahayn, oo Yahuudda, Nasaarada iyo majuustu ka khayr
badan yihiin, waxayna ku andacoodeen in la cuni karo xoolaha ehlu kitaabku
gawracaan, isla markaana la guursan karo dumarkooda, laakiin si taa ka duwan marna
ma bannaan in ruux Shiico [raafido] ah wax lagu darsado. Xiriirka qura ee Raafidada
lala yeelan karaana uu yahay kan looga golleeyahay in lagu dilo ama si kale loogu
hagardaameeyo.
Teeda kale, waxaa la oran karaa Khawaarijtu waxay ahaayeen kuwa kooxahaas
hardamaya ugu diin jecel, laakiin isla markaa waxay ahaayeen kuwa ugu waalan,
uguna dhiig daadin badan. Khawaarijtu iyaga oo adeegsanaya halkudheggoodii ahaa:
” Cid aan Alle ahayni wax ma xukumi karto/ Laa xukma illaa lillaah” ayay
waxay gaalaysiiyeen Cali bin Abii Daalib – oo markii hore ay ka tirsanaayeen
taageerayaashiisa- iyo dhammaan ciddii qabta fikrad tooda ka duwan. Welibana intaa
kuma ay ekaana waxay fuliyeen siyaasad ah in dadka wixii aan firqadooda ahayn ay
seefta ka aslaan. Sidaa darteedna, Khawaarijtu waxay ku caanbexeen madax-falluuq
iyo dhiig daadin.
12
Nusuusta shiicadu ay arrinkaan u daliishadaan waxaa ugu muhiimsan xadiiska loo yaqaan “Gadiir
al-Khum”, oo muslimiintu isku waafaqsan yihiin jiritaankiisa, laakiin isku khilaafsan yihiin macnaha la
siinayo.
12
Si kastaba ha ahaatee, taniyo taariikhdaas aadka u fog waxaa abuurmay firqooyin
islaam wada sheeganaya, oo tiradooda lagu sheego dhawr iyo toddobaatan
13
, oo
midkastaa ku andacoonayso in iyada oo keli ahi ay tahay firqada badbaadaysa, ayna u
taagan tahay sidii ay caqiidada uga waardiyeyn lahayd firqooyinka ka ambaday
waddada cad ee habeenkeedu maalinta yahay. Firqooyin mid waliba ay gaalaynayso
inta kale, adduun iyo aakhiro toonnana aysan wax uga oggolayn. Su’aalaha
isweydiinta u baahanna waxaa ka mid ah: War jannadu miyaysan dadkoo dhan ku
filnayn? Dadka gaalaynta iyo riddada ku mitidayaase ma waxay ka baqayaan in
jannada laga buuxiyo, oo ay boos ka waayaan?
Isku soo xooriyoo, fikradda gaalayntu waa fikrad taariikh dheer leh, ururrada maanta
wax gaalaysiinayaana waxay heli karaan suugaan badan oo ay dantooda ugu kitaab
dayi karaan. Laakiin taasoo jirta, haddana mar walba waa caddahay in gaalayntu tahay
siyaasad muuqaal diineed loo yeelay.
4- Islaamka Iyo Xorriyadda Diinta:
Iimaanku waa qanaaco qalbigu ku xasilo, qanaacadaasina kuma iman karto dirqin iyo
jajuub. Sidaa awgeedna, iimaan iyo dirqin meel ma wada galaan. Dirqinta iyo
sandulleyntana iimaan laguma gaari karo, balse waxaa lagu heli karaa munaafaqnimo
iyo qof ama bulsho labo waji leh. Nifaaq iyo iimaanna ma aha labo la isku doorsan
karo.
In wax la rumeeyaa waxay u baahan tahay in lagu qanco waxa la rumaynayo,
qanaacadana waxaa lagu hantaa labo arrimood midkood:
Kow: ku dayasho: waxaa jira dad sheegta inay wax rumaysan yihiin, laakiin waxaas
ay rumaysan yihiin kuma gaarin baarid iyo xog-ogaalnimo, balse waxay ku gaaraan
inay cid kale uga daydaan. Iimaanka noocaas ahina waa iimaanka caamada oo ah
dadka dunida badankooda. Sida la og-yahayna caamadu xagga maskaxda waxay kala
mid yihiin duunyada la soofsado, oo maskaxdoodu ma taqaan inay su’aalo iska
weydiiso waxa aan hortooda ka muuqan, sida fikraha la rumeeyo. Iimaanka
caamaduna wuxuu ku qotomaa ku dayasho, oo waxay rumaystaan wixii ay cid ka
arkeen ama ka maqleen, siiba waxay ku arkaan ama ka maqlaan waalidiintood. Siduu
Jaaxidh sheegayna caamadu ma taqaan shaki balse waxay taqaan “Haa” iyo
“Maya”
14
.
Waxaa la wariyey in gabyaagii feylasuufka ahaa ee al-Cataabi (Dhintay 220 ee
Hijrada) oo u duurxulaya culumada cilmiga xadiiska, oo waagaas ku faani jirey in
dadweynuhu la hayaan iyaga iyo cilmigoodu, uu galab fariistay gole isaga oo iska
dhigaya inuu doonayo inuu dadka baro cilmiga xadiiska, wuxuuna yiri: ” Rasuulku
(SCW) wuxuu yiri: qofkii carrabkiisu gaaro sankiisa ma galo naarta”. Dadkii
13
Aqoon-yahannada u dhuundaloola firqooyinka islaamku waxay sheegaan inay tiradaas aad uga
badan yihiin.
14
Al- Jaaxidh (Camar bin Baxar); al-Xayawaan (Taxqiiq Cabdi-Salaam Haaruun, al-Qaahira, dabcadii
2-aad) juska 6-aad, BB.35-37.
13
golaha fadhiyeyna mar qura ayay waxay bilaabeen inay carrabka iyo sanka isla
raadiyaan, si ay u kala ogaadaan jannada iyo naarta tan loo dheelmayo
15
.
Labo: Shakibax: waxaa jira dad ay ku adag-tahay in ay rumeeyaan wax aysan ku
qancin ka dib markay su’aalo iska weydiiyaan. Dadka noocaas ah, oo runtii aad u
yarina waa kuwa dhab ahaan erayga iimaan uu ku rumoobayo. Dadkaanna waxay
leeyihiin tilmaanta lagu yaqaan culumada dhabta ah, oo ah waxa loo yaqaan shaki-
cilmiyeed. Culumadaani waa kuwa rumaysan in aqoonta iyo iimaanka shaki ka
horreeyo. Oo qofka si loo yiraahdo wuu rumeeyey, waa in waxa uu rumaynayo uu
markii hore shaki ka qabay oo su’aalo iska weydiiyey. Tusaale ahaanna, sida la og-
yahay qofka caqiido mid kale ku doorsanayaa wuxuu marka hore maraa marxalad
shaki, oo uu ka shakiyo caqiidada uu ka tagayo iyo xataa midda danbe ee uu
qaadanayo. Shakigana siduu sheegay Xujatu Al-Islaam al-Gasaali [450-505H / 1058-
1111 C.D.] waxaa lagu gaaraa xaqa, waayo: ” Ruuxa aan shakini ma eego, kaan
eeginna ma arko, kaan arkinna wuxuu ku waaraa indho la’aan iyo baadi
16
“.
Quraanka kariimkuna wuxuu noo-sheegay dood dhexmartay nebi Ibraahiim oo u
baahday marag uu ku qanco iyo rabbigi. Quraanka oo dhacdadaas noo soo
tebinayaana wuxuu yiri: ” Xusuuso markii Ibraahim [rabbigi ku] yiri: Rabbow I
tusi sidaad u noolayso waxa dhinta, uuna ku yiri: miyaadan rumayn? Oo uu
yiri: waa rumeeyey laakiin [waxaan doonayaa] inuu xasilo qalbigaygu,
markaas [Rabi] yiri: qaado afar shimbirood una iil xaggaaga [= jarjar] ka
dibna yeel buur kasta qayb ka mid ah, dabadeedna u yeer waxay kuu imaan
iyaga oo ordiye, ogoowna in Eebbe yahay adkaade falsan’ [ Al-Baqarah: 260]
Xadiis uu wariyey Abuu Hureyrana (RC) wuxuu sheegayaa: in nebiga (SCW) ay u
yimaadeen koox saxaabada ka mid ahi, ayna ku yiraahdeen: ” Rasuulkii Allow,
midkeen naftiisa wuxuu kula hadlaa wax uusan jeclayn inuu ka sheekeeyo
xataa haddii la siinayo wax dhulka hanti taal .. nafteennana waxaan ka
helaynaa wax ku weyn in midkeen ku hadlo!!” nebiguna (SCW) wuxuu ku yiri:
“Oo ma hesheen?” waxay yiraahdeen: “Haa”. Markaasna nebigu wuxuu yiri: “Kaasi
waa iimaan cad .. kaasi waa iimaan barax la !!
17
‘” .
Halkaan waxaan ku arkaynaa saxaabada oo si dadban nebiga ugu sheegaya inay
xoogaa shakiya qabaan, su’aalana isweydiiyaan. Nebiguna (SCW) ma dhihin waxba
ha isweydiinnina, balse si taa ka duwan, wuxuu ula hadlay si dhimrin iyo xeeladi ku
dheehan tahay, wuxuuna u sarbeebay in loo baahan yahay in qofku shaki-bax
sameeyo, oo su’aalo isweydiiyo.
Waxaana la wariyey in labo wadaad oo muslim ah oo sheekaysanayey uu midkood
yiri: ” Anigu sina uma shakiyo” kii kalena wuxuu ugu jawaabay: ” Aniguna sina
uma qanco”
18
.
15
Al-Asfahaani (Abuu Faraj); Al-Agaani (Taxqiiq:Cali Asubaaci, Beyruut, Mu’asasat Jamaal
Lidibaacati Wanashri) juska 13-aad, B.114
16
Al-Gasaali (Abuu Xaamid Muxamed bin Muxamed); Miisaan al-Camal, B.409.
17
Waxaa wariyey Muslim iyo Axmed.
18
Al- Jaaxidh (Camar bin Baxar); al-Xayawaan , juska 6-aad, B.35.
14
Yeelkadeede, quraanka kariimka waxaa ku badan aayado si qayaxan u muujinaya
xorriyadda diinta iyo inaan ruuxa lagu khasbi karin caqiido uusan ku qanacsanayn.
Qofkana sida aan loogu khasbi karin inuu diin qaato, ayaan loogu khasbi karin inuu
ku sii jiro diin uusan ku qanacsanayn.
Shiikh Maxamed al-Gasaalina buuggiisa ” Asunna Anabawiya Beyna Ahli al-Fiqhi
Wa Ahli al-Xadiis” wuxuu ku yiri: “waxaan koobay in ka badan labo boqol oo
aayadood oo ka hadlaya xorriyadda diinta iyo in iimaanka lagu saleeyo ku
qancid … laakiin in islaamka loo sawiro sidii inuu yahay mid jecel
daandaansiga kuwa kale, una oomman yahay dhiiggoodu, waa been abuurad
lagu samaynayo Alle iyo Rusushiisa,…”
Aayadaha quraanka ee xorriyadda diinta tilmaamayana waxaa ka mid ah dhawrka soo
socda:
1- “Khasab ma aha diinta galiddeedu, hanuunku [= iimaanku] waa ka
caddaaday baadida [= gaalnimada], ruuxiise diida dhaaquut oo
rumeeya Eebbe wuxuu qabsaday xarig adag oo aan go’ayn, Eebbana
waa maqle og” [Al-Baqarah: 256].
Macnaha aayadduna wuxuu si cad u muuqanayaa marka la ogaado munaasabaddii
ay ku soo degtay. Culumada tafsiirkuna waxay wariyaan dhawr munaasabadood
oo ay sheegaan inay aayaddu ku soo degtay. Run ahaantiise, in kasta oo
munaasabadda siyaabo kala duwan loo wariyey haddana nuxurkoodu waa isku
mid, waana in aysan bannaanayn in diinta la isku khasbaa.
Tusaale ahaanna, waxaa la wariyey in dumarka Ansaartu islaamka ka hor caado u
lahaayeen inay sharad ku galaan in haddii ubadku u noolaadaan ay Yahuud ka
dhigayaan
19
, sidaa darteedna waxaa jirey carruur badan oo Ansaartu dhaleen oo
qaatay diinta yahuudda. Kolkii nebigu amray in yahuuddii Banuu Nadiir laga
raacdeeyo magaalada Madiinana waxaa jirey ubad badan oo Ansaartu dhaleen oo
qaatay diinta Yahuudda. Ansaartiina waxay damceen inay ilmahooda ku khasbaan
islaamka, si ay ugala haraan yahuudda, laakiin waxaa soo degtay aayadda kor ku
xusan oo diidaysa in diinta la isku khasbo.
Waxaa kaloo la yiri: waxaa jirey nin u dhashay qabiilada la yiraahdo Saalim bin
Coof ee Ansaarta ka mid ah, oo la oran jirey al-Xuseyn,oo dhalay labo wiil oo
qaatay diinta kiristaanka. Al-Xuseynna wuxuu nebiga (SCW) ku yiri: miyaysan ii
bannaanayn inaan islaamka ku khasbo? Nebigana waxaa ku soo degtay
aayaddaan. Waxaa kaloo la sheegay in wiilasha qudhoodu ay nebiga aabbahood
uga soo dacwoodeen iyaga oo ka sheeganaya inuu doonayo inuu diinta islaamka
ku khasbo, markaasna ay nebiga aayaddu ku soo degtay.
Culumada qaarkood iyaga oo ka cararaya macnaha cad ee aayaddu leedahay ayay
waxay ku doodeen in macnaha aayaddu yahay: “gelidda diintu khasab ma
aha”. Hadalkaas oo macnihiisu yahay: waxaad xaq u leedahay inaad diinta soo
gasho iyo in aadan soo gelin, laakiin mar hadaad soo gasho xaq uma yeelanaysid
19
Dunidii hore dadku waxay rumaysnaayeen in ilmuhu u dhintaan sababo la xiriira uuman shar leh oo
ku dega dartood, sidaa awgeedna waxaa loo baahday in ubadka diinta looga dhigo xirsi-xir.
15
in aad mar danbe dib uga baxdo. Haddii si kale loo yiraahdo: islaamku waa waddo
hal dhan loo raaco, ciddii mar waddadaas gashana looma oggola inay mar kale dib
ugu noqoto.
2- ” Hadduu doono Eebbahaa waxaa rumayn lahaa waxa dhulka ku
sugan oo dhan, ee ma adaa ku khasbi intay ka rumeeyaan (=xaqa)” [
Yuunus: 99].
3- ” … Miyaan idinku laasimin karraa [= xaqa iyo hanuunka] idinka oo
nici” [Huud: 28].
4- ” Waxaad dhahdaa xaqu Eebbihiin buu ka ahaaday ee ciddii doonta ha
rumayso, ciddii doontana ha gaalowdo ..” [Al-Kahf: 29].
5- ” Waxaad dhahdaa Eebbe uun baan caabudi anoo u keli-yeeli
diintayda. Ee caabuda waxaad doontaan Eebbe ka sokow ….” [As-
Sumar: 14-15].
6- ” Waxaad dhahdaa gaalooy ma caabudayo waxaad caabudaysaan,
idinna ma caabudaysaan waxaan [Eebbahaan] caabudi ….”[ Al-
Kaafiruun: 1-6].
Dhanka kale, waxaa jira culumada qaar ku dooda in la nasakhay aayadaha quraanka
ee tilmaamaya xorriyadda caqiidada. Culumadaani waxay ku andacoodaan in
aayadaha tusinaya xorriyadda caqiidada lagu nasakhay aayadda seefta
20
iyo guud
ahaan ayaadaha jihaadka
21
. Laakiin dhab ahaantii, aayadaha dagaalku ma
nasakhayaan aayadaha tusinaya xorriyadda diinta, maxaa yeelay aayadaha dagaalku
waxay farayaan in lala dagaallamo kuwa muslimiinta la dagaallamaya, oo dadka
diintooda ka fidnaynaya, sababta loola dagaallamayaana ma aha in diinta khasab lagu
soo galiyo, balse waa in dhibkooda dadka laga badbaadiyo. Culumada qaarkoodna
waxay isweydiiyeen su’aasha ah: sidee aayadda seefta oo la siiyey in ka badan
siddeetan macne ay u nasakhi kartaa aayadaha ka hadlaya xorriyadda diinta oo
macnahoodu aad u qeexan yahay?
Xorriyadda diinta ee quraanku sheegayna, maanta waxay ka mid noqotay xuquuqu
insaanka lagu qeexay heshiisyada dowliga ah iyo dastuurrada waddamada, oo dhigaya
inaan muwaadiniinta lagu kala faquuqi karin sababo la xiriira diinta iyo caqiidada ay
rumaysan yihiin dartood. Tusaale ahaanna, qodobka 18-aad ee Bayaanka Caalamiga
Ee Xuquuqda Aadanuhu wuxuu leeyahay sidatan: ” Qof kastaa wuxuu xaq u
leeyahay xorriyadda fikirka, damiirka iyo diinta; xuquuqdaasna waxaa ka
mid ah in ruuxu beddeli karo diintiisa ama caqiidadiisa, iyo xorriyadda
muujintooda sida barashada, ku dhaqanka iyo fulinta shacaa’irta, isaga oo
20
Aayadda seeftu waa aayadda 5-aad ee suuradda Atowba, gadaal baanna ka xusi doonnaa –haddii Alle
idmo.
21
Sharrax faahfaahsan oo qodobkaan la xiriira akhristaha danaynayaa wuxuu ka heli karaa buugta ay
ka midka yihiin : Xorriyat al-Ictiqaad Fil-Quraan al-Kariim ee uu qoray Cabdi-Raxmaan Xilli iyo al-
Xorriyah Addiiniyah Fil-Islaam ee uu qoray Cabdi-Mutacaal Saciidii.
16
keligi ah ama bulsho weheliso, qarsoodi iyo bareer kuu doono.” Qodobka 29-
aad ee dastuurkii Soomaaliya ee 1960kiina wuxuu leeyahay sidatan: ” Ruux kastaa
wuxuu xaq u leeyahay xorriyadda damiirka iyo inuu si xor ah u muujiyo diintiisa iyo
inuu cibaadadiisa u gutto /Every person shall have the right to freedom of conscience
and freely to profess his own religion and to worship it subject to any limitations
which may be prescribed by law for the purpose of safeguarding morals, public health
or order “
22
Arrimaha xorriyadda diinta dhiirrigelinayana waxaa ka mid ah: in maanta diinta iyo
dowladdu ay kala duwan yihiin, oo sebenkaan dowladdu kuma dhisna diin, laakiin
waxay ku dhisan tahay waddan leh dhul, shacab iyo taariikh
23
. Waddankaasna waxaa
wadaaga dhammaan dadka u dhashay waddanka si kasta oo ay u kala duwan tahay
diintoodu. Tusaale ahaan, Talyaaniga waxaa iska leh dhammaan dadka sita
dhalashada waddankaas, si kasta oo diintoodu u kala duwan tahay. Sidoo kale,
Hindiya waxaa iska leh dhammaan dadka u dhashay waddankaas iyada oo aan loo
eegayn diinta ay rumaysan yihiin. Si taa la mid ah, Sacuudiga waxaa iska leh dadka
sita dhalashada waddankaas si kasta oo diintoodu u kala geddisan tahay, muslimiinta
kalena xaq uma laha inay sheegtaan dhalashada waddankaas, in kasta oo qibladoodu
tahay Kacbada Maka, qalbigooduna ku xiran yahay Maka iyo Madiino. Sidaa
darteedna waxaan aragnaa Sacuudiga oo muslimiinta kale tarxiil ahaan uga qabqabta
xaramka dhexdiisa.
Iyada oo kooban, caqiidadu waa sir muqaddas ah oo u dhaxaysa qofka iyo rabbigi,
mana jirto cid faraha la geli karta xiriirkaas, waayo ma jirto cid Eebbe u wakiishay
hawshaas. Waxa qura ee qofka loo oggol yahayna waa inuu diintiisa dadka ugu
soo bandhigo si xushmo iyo edebi ku dheehan tahay. Cumar bin Khaddaabna(RC)
waxaa laga wariyey qisadaan
24
:
Waxaa la yiri: Cumar bin Khaddaab waxaa u timid haweenay Kirishtaan ah oo u
dan sheegatay, Cumarna kolkii uu danteedii u fuliyey ayuu islaamka ugu yeeray,
laakiin way diidday, Cumar oo ka baqay in falkiisu u muuqdo diin la isku
dirqinayaana wuxuu yiri: ” Eebbow kuma dirqinayo”, wuxuuna akhriyey
aayadda kor ku xusan ee oranaysa: ” Khasab ma aha diinta geliddeedu,….”
22
Nasiib wanaag iyo nasiib xumo kay doonto ha noqotee, jaartarrada iyo dastuurrada la sameeyey
sanooyinkaan danbe dhanka xorriyadda diinta waa uga liitaan dastuurkii 1960kii, arrinkaasna waxaa
lagu fasiri karaa galaangalka fikirka diiniga ahi uu yeeshay sanooyinkaan danbe. Waxaana xusid
mudan, in dastuurka dhaqdhaqaaqyada islaamku maanta doonayaan in lagu dhaqo waddamada
islaamku uu dhigayo in murtadka la dilo. Tusaale ahaan, dastuurka ururka islaamiga ah ee Xisbu
Taxriir ee dalka Jordan ay u dejiyeen inay ku dhaqan waddanka kolka ay talada la wareegaan wuxuu
dhigayaa sidatan: ” Kuwa gala denbiga islaam ka bixidda waa in la dilaa, iyada oo lagu
qaadayo xeerka riddada, haddii ay iyaga qudhoodu qirtaan inay islaamka ka baxeen” (
Taqiyudiin al-Nabahaani; The System of Islam, B.116).
23
Dunidii hore diinta iyo dowladdu isku mid bay ahaayeen, oo dhalashada qofku waxay ahayd
diintiisa. Tusaale ahaanna dhalashada muslimku waxay ahayd islaamka, wuxuuna xaq u lahaa inuu ku
noolaado meel walba oo ka mid ah dhulka muslimiintu degaan. Guud ahaanna, muslimiintu dhulka
waxay u qaybin jireen dhul islaam [Daar Islaam] iyo dhul gaalo [Daar al-Xarbi]. Sidaasna waxaa la
mid ahaa dadyowga diimaha kale haysta.
24
Al-Imaam Muxamed Abuu Suhra; Tandiim al-Islaam Lilmujtamac (Daar al-fikri al-Carabi, Qaahira,
1999) B.145
17
Waxaana xusid mudan, in fuqahada islaamka qaarkood markay ka hadlayaan
xuquuqda sayga muslimka ah ay ku leedahay afada u dhaxda ee Ehlu-Kitaabka ahi
[= yuhuudiyad ama masiixiyad] ay ku daraan xuquuq dhawr ah oo la xiriira
diinteeda, waxaana ka mid ah: inuu ixtiraamo caqiidadeeda, waxayna yiraahdeen
waxaa loo baahan yahay in uusan ku qalqaalin inay islaamto, si meesha aysan u
imaan wax loo qaadan karo diin la isku dirqinayo
25
. Waxay kaloo yiraahdeen:
waxaa loo baahan yahay inuu afadiisa u fududeeyo sidii ay ku tagi lahayd
kaniisadda haddii ay doonayso. Sidoo kale, waxaan u bannaanayn inuu u diido
cabidda khamriga diinteedu bannaynayso, laakiin waxaa u bannaan inuu ka
waaniyo dhibkeeda
26
.
Quraanka kariimkuna wuxuu waariyey xuska muuminkii qolodii Fircoon ee la yaabay
dooddii dadkii nebi Muuse ku eedeeyey inuu fikrad ka dhiibtey siduu u arko
Rabbigiis. Quraanka oo noo soo tebinaya wareerkii iyo dhakafaarkii qabsaday ninkaas
muuminka ahaana wuxuu yiri: War ma nin baad waxaad u dilaysaan “Inuu yiri
Rabbigay waa Alle !!!” [Gaafir: 28]. Eebbana isaga oo dulqaadkiisa nabaraya ayuu
wuxuu noosheegay dooddii dhexmartay isaga iyo ibliis. Ibliis wuxuu ku caasiyey
Allihii uumay, laakiin Alle wuxuu muujiyey sabir iyo dulqaad, oo ibliis durba seef
uma qaadane waa u seeto dheereeyey, wuxuuna ka aqbalay codsigiisii ahaa: “Ii kaadi
taniyo maalinta la soo bixin dadka” [Saad: 79].
Haddaba, su’aalaha u baahan in la isweydiiyaa waxay yihiin: xadka riddada ee
fuqahadu sheegeen miyuusan ka hor’imaanayn xorriyadda diinta ee aayadaha
quraanku ay tilmaamayaan? Dilka murtadkuse miyuusan ahayn diin la isku khasbayo?
Quraanka kariimkuse muxuu ka yiri riddada? Riddada iyo siyaasadduse wax xiriir ah
ma leeyihiin?.
5- Quraanka Kariimka Iyo Riddada:
25
Mudane Saliim Al-Xus oo haray dalka Lubnaan Ra’iisu Wasaare uga ahaan jirey asal ahaan wuxuu
ahaan jirey muslim sunni ah, waxaana u dhaxday haweenay kirishtan ah oo la oran jirey Leyla Fircoon,
laakiin haweenaydaasi waxay islaamtay maalmo yar ka hor geerideedii, sababta ku bixisay inay
islaamtana waxay ku sheegtay inay tahay iyada oo doonaysa in iyada iyo saygeeda isku meel lagu
aaso/duugo, waxayna tiri: ” dooni maayo In sabab diin la xiriirta darteed loo kala dheereeyo
labadayada qabri”. Waxayna intaa ku dartay in saygeedu uusan abidki islaamka ku qalqaalin.
Dhanka kale, Saliim al-Xis gadaal danbe wuxuu noqday muslim shiico ah, sababta arrinkaas ku
bixisayna waxaa lagu sheegay inuu doonayey in gabadhiisu ay wada dhaxasho hantidiisa. Sida la
ogyahayna mad-habaha Sunnada iyo Shiicadu waa ku kala duwan yihiin mas’alada saamiga gabadhu ka
helayso dhaxalka aabbeheed.
26
Si ka duwan caqliga fuqahadaan, waxaa jira fuqaho isku daya inay kala dheereeyaan muslimiinta iyo
dadyowga haysta diimaha kale, tusaale ahaan fuqahada qaarkood waxay isweydiiyeen sida laga
yeelayo afada Ehlu-kitaabka ah ee dhimata iyada oo uurka ku sidda ilmo uu dhalay aabbe muslim ahi,
xaggee lagu duugayaa? Jawaabtii ay su’aashaas ka bixiyeenna waxay ahayd: waxaa lagu duugayaa
meel goonni ah, oo lagu duugi maayo qubuuraha muslimiinta, waayo haddii sidaa la yeelo, oo
qabrigeedu la derso qubuurta muslimiinta waxaa dhib ka soo gaarayaa muslimiinta. Sidoo kale lagu
duugi maayo qubuuraha gaalada, waayo haddii sidaa la yeelo waxaa dhibi soo gaaraysaa ilmaha ay
uurka ku siddo ee muslimka ah. Sidaa darteedna, waxaa loo baahan yahay in lagu duugo meel gaar ah
oo aan ahayn qubuuraha muslimiinta iyo kuwa gaalada midna.
18
Dilka murtadku waa arrin culus, waayo waa dhiig dad oo la daadinayo, shakina kuma
jiro in haddii xukunkaani uu Alle xaggiisa ka iman lahaa in lagu xusi lahaa quraanka
kariimka ah.
Marar badan ayaa quraanka kariimku ka hadlay riddadada, mar qurana ma sheegin
ciqaab cidda riddowda -oo islaamka ka baxda- ay adduunyada ku mutaysanayso.
Quraankuna wuxuu isku si u adeegsaday erayga “riddo” iyo weedha “in la gaaloobo
rumayn kaddib iyo in la gaaloobo muslimnimo ka dib”.
Quraanka kariimku isaga oo ka hadlaya riddada, si qayaxanna u adeegsanaya erayga
riddo [= celin ama noqosho] wuxuu yiri:
1- “Waxay jecel-yihiin in badan oo ehlu kitaabka ahi inay idiin celiyaan
iimaankiinna ka dib gaalo, xasad naftooda ka yimid dartiis, intuu xaqu
u caddaaday ka dib, ee iska cafiya iskana saamaxa inta Eebbe ka keeni
amarkiisa, Eebbana wax walba waa awoodaa.” [ Al-Baqarah:109].
2- ” Iskama daynayaan [=gaaladu] inay idinla dagaallamaan jeer ay
idinka celiyaan diintiinna haddii ay awoodaan, ruuxii idinka mid ah ee
ka riddooba diintiisa oo dhinta isaga oo gaal ahi, kuwaas waxaa buray
camalkoodii adduun iyo aakhiraba, kuwaasina waa naarta ehelkeeda,
waxayna ku waari dhexdeeda.”[Al-Baqarah:217].
3- ” Kuwa xaqa rumeeyow haddaad addeecdaan koox ka mid ah kuwa
kitaabka la siiyey, iimaankiinna ka dib ayay idiin celinayaan gaalnimo”
[Aali-Cimraan:100].
4- “Kuwa xaqa rumeeyow haddaad addeecdaan kuwa gaaloobay waxay
idiin celinayaan ciribtiinna, markaasaad noqonaysaan idinkoo
khasaaray” [Aali-Cimraan: 149].
5- ” Kuwa xaqa rumeeyow ruuxii idinka mid ah oo ka riddooba diintiisa,
Eebbe wuxuu keeni qolo uu jecel-yahay iyana jecel una naraxiista
muuminiinta kuna daran gaalada, kuna jihaada jidka Eebbe aanna ka
cabsanayn canaanta canaante, taasina waa fadliga Eebbe wuxuuna
siiyaa cidduu doono, Eebbana waa deeq badane ogaal badan.” [Al-
Maa’idah:54].
6- ” Kuwa riddoobay inta hanuunku u caddaaday kaddib, shayddaan baa
u qurxiyey himilo [been ah] uguna yaboohay.” [Muxammad:25].
Marar kale quraanku riddada wuxuu u adeegsaday erayga “gaaloobid” iyo weedha
” in la gaaloobo rumayn ama islaamid ka dib”, wuxuuna yiri:
1- ” Waxay tiri koox ka mid ah Ehlu Kitaabku rumeeya waxa lagu soo
dejiyey kuwa (xaqa) rumeeyey maalinta gelinkeeda hore kana
gaalooba maalinta gelinkeeda danbe, waxay u dhaw-yihiin
muuminiintu inay noqdaane [= gaaloobaan] * Hana rumaynina cidaan
diintiinna raacin, waxaad dhahdaa hanuun waa hanuunka Eebbe, in
cid la siiyo wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula doodaan
Eebbihiin agtiisa, waxaad tiraahdaa fadligu gacanta Eebbe ayuu ku
jiraa wuxuuna siiyaa cidduu doono, Eebbana waa deeq-badane ogaal
badan.” [Aal—Cimraan: 72-73].
19
2- ” Sidee Eebbe u hanuuninayaa qolo gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray
in Rasuulku xaq yahay, xujooyinna u yimaadeen, Eebbana ma
hanuuniyo qolo daalimiin ah * Kuwaas abaalkoodu waa lacnadda
Eebbe oo korkooda ah iyo malaa’igta iyo dadka dhammaantiis *
Wayna ku waari dhexdeeda lagamana fududeeyo cadaabta lamana
sugo * Kuwa toobad keena intaas ka dib mooyee oo wanaajiya Eebbana
waa denbi dhaafe naxariista * Kuwa gaalooba rumayn ka dib, markaas
kororsada gaalnimo lagama aqbalo toobaddooda, kuwaasina waa
kuwa dhumay.” [Aali-Cimraan: 86-90].
3- ” Kuwa rumeeyey ee dabadeedna gaaloobay, ee haddana rumeeyey ee
gaaloobay, markaas sii badsaday gaalnimo ma aha Eebbe mid u dhaafi
iyaga, kumana hanuuniyo jidka (toosan)” [An-Nisaa:137].
4- ” Nabiyow la jihaad gaalada iyo munaafiqiinta, kuna darrow,
dheelmadkooduna waa Naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo
ahaado * Waxay Alle ugu dhaaranayaan in aysan dhihin, iyagoo yiri
hadal gaalnimo, ayna gaaloobeen islaamnimo ka dib, ayna damceen
waxaysan hanan, waxayna ku naceen ku hodminta Eebbe iyo
Rasuulkiisa fadligiisa, hadday toobadkeenaan khayr bay u tahay,
hadday jeestaanna wuxuu Eebbe cadaabi cadaab daran adduun iyo
aakhiraba, dhulka dhexdiisana kuma leh sokeeye iyo gargaare midna.”
[At-Towbah:73-74].
5- ” Ciddii Eebbe ku gaalowda rumayn ka dib, oo aan ka ahayn ruuxa
lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilloon yahay iimaanka, ruuxiise
laabtiisu u xasisho (rumayso) gaalnimo waxaa korkooda ah caro
Eebbe, waxayna mudan cadaab weyn * Arrintaasina waa inay ka
doorteen nolosha dhaw (=adduunyo) aakhiro iyo inaan Eebbe
hanuuninayn kuwa gaalada ah * Kuwaas Eebbaa daboolay
quluubtooda, maqalkooda iyo araggooda, kuwaasina waa uun kuwo
hilmaansan (xaqa) * Waxaa sugan in kuwaasu aakhiro ay iyagu uun
khasaareen ” [An-Naxal:106-109].
Dhammaan aayadahaas iyo kuwo kaleba waxay ka hadlayaan riddada, sidaas oo
ay tahayna ma jirto aayad keliya oo xustay xad ama ciqaab adduunyo oo ay tahay
in murtadka lagu fuliyo
27
. Aayaduhu waxay tilmaamayaan noocyo badan oo
ciqaab ah oo murtadku ka mudanayo xag Alle maalinta aakhiro. Ciqaabahaasna
waxaa ka mid ah in camalkiisu adduun iyo aakhiraba uu hoobanayo, inuu naarta
ku waarayo, in lacnadda Alle ku dhacayso, in cadaabta aan laga khafiifinayn, in
hanuunka laga dheeraynayo, iyo inaan toobadda laga aqbalayn kuwa
27
Faahfaahinta qodobkaan fiiri buugta ay ka midka yihiin: Dhaha Jaabir Al-Calwaani; Laa Ikraaha Fii
Diin. Cabdi-Mutacaal Asaciidii; al-Xurriyah Addiiniyah Fil-Islaam. Axmed Subxi Al-Mansuur; Xad
Arriddah Al-Mascuum. S. A. Rahman; Punishment of Apostasy in Islam. Abdullah Saeed and Hassan
Saeed; Freedom of Religion: Apostasy and Islam. M. E. Subhani; Apostasy in Islam.
20
gaalnimadoodu soo noqnoqoto. Waxaana xusid mudan in aayadahaas marka mid
qura
28
laga reebo ay yihiin aayado madani ah, oo nebiga ku soo degey intii uu
madaxda ka ahaa dowladdii Madiino.
Run ahaantiina, culumada islaamka oo dhan waxaa ku jira hal wadaad oo ku
dooday in ay jirto aayad quraan ah oo loo daliishan karo in murtadka la dilo.
Wadaadkaas oo magaciisa la oran jirey Maxamed Daahir bin Caashuur wuxuu ku
dooday in aayadda 217-aad ee suuradda Al-Baqara ee aan kor ku soo xusnay ay
muujinayso in murtadka la dilo. Laakiin dhab ahaantii aayaddu sina macnahaas
uma tusinayso.
Iyada oo kooban quraanku ma sheegin xadka riddada, balse waxaa sheegay
fuqahada, waayo Alle ma yaqaan hiilka iyo xafiiltanka, laakiin hiilka iyo
xafiiltanku waa dhaqan dadka lagu yaqaan- marka fuqahada lagu daro, sidaa
darteedna muslimiinta waxaa la gudboon inay go’aan ka gaaraan Alle iyo Catoosh
midka ay u hiillinayaan.
6- Axaadiista Nebiga Iyo Riddada:
Waxa ugu xoog badan ee ay daliishadaan taageerayaasha xadka riddadu waa labo
xadiis oo nebiga (SCW) laga wariyo, waxayna kala yihiin:
Kow: Xadiiska koowaad waa xadiiska mararka qaarkood loogu yeero: “
Waxyaabaha dilka waajibiya”, wuxuuna sheegayaa saddex qolo oo ay tahay in la
dilo, waxayna kala yihiin: ” Naf naf loo dilo, ruuxa guursaday ee sinaysta iyo ruuxa
diinta ka noqda ee jameecadana ka baxa”.
B- Naf naf loo dilo =[Qisaas]: xadiisku wuxuu sheegayaa in qofkii qof dila loo dilo,
naftana uma kala soocin gaal iyo muslim, lab iyo dheddig, xor iyo addoon, caddaan
iyo madow, ee wuxuu si cad u sheegay in naftii naf kale disha looga qisaaso.
Xadiiskuna qodobkaan wuxuu ku waafaqsan yahay aayadaha quraanka iyo axaadiis
kale oo badan. Tusaale ahaan, quraanku wuxuu si qeexan u leeyahay: ” Nafta [waxaa
loo qisaasi] naf, ishana il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig,
nabaradana waa la isu qisaasi, …” [Al-Maa’idah: 45). Sidoo kale quraanku wuxuu
muslimiinta u sheegay in qisaasku nolol u yahay, mana sheegin dad dhiiggoodu kala
qiimo badan yahay.
Mowqifka quraankuna waa mid ka duulaya qiimaha nafta bani’aadamku leedahay, iyo
in dadku ka siman yihiin karaamada dadnimo. Waxaana la wariyey in nebiga (SCW)
loo sheegay in nin muslim ahi uu dilay nin dimmi ah [gaal muslimiinta kula nool
dhulka islaamka], nebiguna wuxuu yiri: ” Ruux ballantiisa oofiya anaa ugu
mudan”, wuxuuna amar ku bixiyey in la dilo gacan ku dhiiglihii muslimka ahaa
29
.
Faqihii maalikiga ahaa ee Ibnu Rushdi AL-Qurdhubi-na buuggiisaa “Bidaayat al-
Mujtahid” wuxuu ku yiri: muslimiintu waxay isku raaceen in muslimka gacanta
28
Waa aayadaha suuradda An-Naxal ee 106-109
29
Xaalka xadiiskaan culumada cilmiga xadiisku waa isku khilaafeen, oo qaar baa waxay qabaan inuu
mursal yahay, laakiin kuwo kale ayaa qaba inuu xoog badan yahay.
21
laga gooynayo hadduu xado hanti uu leeyahay qof dimmi ahi. Taa awgeedna,
haddii xurmada maalkiisu la mid tahay xurmada maalka muslimka, xurmada
dhiiggiisuna waxay la mid noqonaysaa xurmada dhiigga muslimka
30
. Run
ahaantiina, in qofkii qof dila looga qisaasaa, ma aha wax la oran karo waxaa leh diin
hebel iyo deegaan hebel, balse waxaa la oran karaa qisaasku wuxuu ka mid yahay
arrimaha lagu ogaan karo caqliga saliimka ah, wuxuuna ka mid noqonayaa waxa loo
yaqaan “Qaanuunka Dabiiciga ah/ Natural Law”, ee aan loo baahnayn in loogu
abtiriyo diin, dad iyo deegaan go’an midkoodna.
Taasoo jirta, haddana fuqahada islaamka badankoodu waxay sheegeen inaan
muslimka gaal uu dilay darti loo dilayn
31
. Waxayna daliishadeen xadiis oranaya: “
Muslim looma dilo gaal
32
“, laakiin xadiiskaan waxaa diiday culumo uu ka mid
yahay Abuu Xaniifa oo sheegay in xadiiska sanadkiisu fiican yahay, laakiin macnaha
uu xanbaarsan yahay aan la qaadan karin, waayo macnaha xadiisku wuxuu ka hor-
imaanayaa aayadaha quraanka ee aan qaarkood kor ku soo xusnay.
Akhristow waxaa la wariyey in waddamada Khaliijka midkood uu nin reer baadiye
ahi ku dilay Injineer Maraykan ah, wadaaddadii dalkaasna waxay ku doodeen in
aysan bannanayn in nin muslim ah loo dilo [loo qisaaso] gaal uu dilay darti, dowladdii
oo arrinku waji gabax ku noqdayna waxay maslaxo bidday inay ku andacooto in dilka
reer-baadiyuhu uusan ahayn qisaas, balse loo dilayo nabadgelyada oo uu khalkhal
galiyey darteed
33
.
Dhanka kale, fuqahada islaamku waxay isku khilaafeen magta gaalka. Fuqahada
badankooduna waxay yiraahdeen magta gaalku waxay le’eg tahay kalabar magta
muslimka. Qaar kalena waxay yiraahdeen magta yahuudda iyo kirishtaanku waxay
le’eg tahay saddex meeloodow meel magta muslimka (33.33% magta muslimka).
Qayb saddexaad oo culumada ka mid ahina waxay yiraahdeen haddii muslim gaal
dilo, gaalka waxaa laga soo qaadayaa inuu addoon yahay, markaasaa muslimka wax
dilay waxaa laga qaadayaa mag qiimaheedu u dhigmo qiimaha ruuxa addoonka ahi
suuqa ka joogo. Laakiin dhibaatada muslimiinta maanta ka hor-imaanaysaa waxay
tahay sidee maanta lagu garanayaa qiimaha addoonka? Seyladdee goynaysa qiimaha
addoonta? Ma tan Muritaaniya, mise tan Suudaan, mise Neyjar mise mid kale?
Fuqahada islaamkuna dooddooda waxay ku saleeyeen xadiis oranaya: ” Magta
gaalku waa kalabar magta muslimka
34
“, si kale oo xadiiskaan loo wariyeyna
waxay tahay: ” Waxaa la xukumay in magta labada ahlu kitaab ay tahay
kalabar magta muslimiinta, waana yahuudda iyo nasaarada.” Laakiin waxaa la
qiyaasayaa in uusan jirin xadiis runnimadiisa [saxiixnimadiisa) la isku halayn karo oo
mawduucaan ku soo arooray. Dhab ahaantiina, doodda wadaaddadu kama tarjumayso
nuxurka shareecada islaamka, balse waxay ka tarjumaysaa colaaddii gaamurtay ee
qarniyadii dhexe dhaxmartay muslimiinta iyo ummadihii diimaha kale haystey ee ay
30
Ibnu Rushdi; Bidaayat al-Mujtahid, 2/375
31
Waxaa sidaa qaba Maalik bin Anas, Shaafici, Axmed bin Xanbal iyo fuqaho kale, laakiin waxaa
diiday Abuu Xaniifa iyo saaxiibbadi.
32
Ashaafici, al-Musnad 2/159, al-Daar Qudhni 3/135, al-Beyhaqi 8/30, Abuu Daa’uud , al-Maraasiil,
207 iyo meelo kale.
33
Maxamed Al-Gasaali; As-Sunna Anabawiyah Beyna Ahli al-Xadiis Wa Ahli al-Fiqhi; B.
34
Eeg: Ashowkaani; Niil al-Owdhaar, baab diyat ahli al-Dimmah (juska 7-aad, BB.221-224).
22
wadaageen dagaalka diinta ku salaysan. Waxaana lama huraan ah, in caqliga fuqahada
maanta nooli uusan isku xirin afkaartii laga dhaxlay fuqahadii qarniyadii dhexe, balse
uu ka duulo ruuxda shareecada iyo ulajeedooyinkeeda guud [al-Maqaasid al-Kulliyah
Lil-shariicah] , isaga oo xisaabta ku darsanaya duruufaha ka jira dunida cusub iyo
baahida muslimiinta ku nool.
Dhanka kale, shareecada islaamku waxay qabtaa in ragga iyo dumarku ka siman
yihiin qisaasta, oo haddii nin kas u dilo haweenay waa loo dilayaa
35
. Arrinku inuu
sidaas yahayna fuqahadu waxay u daliishadeen xadiis sheegaya in nebigu (SCW)
dilay nin yuhuudi ah oo diley gabar addoon ah. waxaa kaloo loo daliishaday warqad
la sheegay in nebigu u qoray muslimiintii Yaman, uguna sii dhiibay saxaabi la oran
jirey Camar bin Xisaam (RC). Warqaddaas waxyaabihii ku qornaana waxaa ka mid
ah: ” Ninka waa loo dilayaa haweenayda”
36
.
Sidaas oo ay tahayse, kolka loo yimaado magta, mawqifka culumada wax badan baa
iska beddelaya. Fuqahada islaamka badankoodu waxay qabaan in magta haweenku
le’eg-tahay kalabar magta ragga. waxayna daliishadeen axaadiis oranaysa: ” Magta
dumarku waa kalabar magta ragga.” Iyo oraah laga wariyo Cali bin Abii Daalib
(RC) oo sheegaysa inuu yiri: ” Magta haweenaydu waa kalabar magta ninka.”
Sidoo kale, dadka qaba in magta dumarku tahay kalabar tan raggu waxay daliishadeen
kulanka culumada (=al-ijmaac), oo tusaale ahaan Ibnu al-Mundir iyo Ibnu Cabdulbar
waxay yiraahdeen: ” Culumadu waxay ku kulmeen [= isku raaceen] in magta
haweenaydu tahay kalabar magta ninka.”
Kala badinta magta ragga iyo magta dumarkana waxaa ka dhashay sheekooyin yaab
iyo amakaag badan, waxaana ka mid ah middaan soo socota
37
:
Imaam Maalik wuxuu Rabiica bin Cabdi-Raxmaan ka wariyey inuu Saciid bin al-
Musayab ku yiri: Farta haweenayda maxaa qaan ka waajibaya [maxaa laga
simayaa]?
38
Wuxuu yiri: toban geel ah! wuxuu yiri: waxaan ku iri: labadii
faroodna? Wuxuu yiri: labaatan geel ah! waxaan iri: saddexdii faroodna?
Wuxuu yiri: soddon geel ah.! Waxaan iri: afartii faroodna? Wuxuu yiri:
labaatan geel ah!! waxaan iri: oo ma markii dhaawaceedu weynaaday, oo
dhibkeedu cuslaaday ayaa qaanteedu yaraatay! Saciidna wuxuu ku yiri: War
ma Ciraaqi baad tahay? Oo uu ula jeeday ma waxaad ka tirsan tahay dugsiga
35
Waxaa jira culumo aad u yar oo laga wariyo inay qabeen in ragga aan loo dileyn dumarka.
Culumadaanna waxay daliishadaan oraah Cali bin Abii Daalib iyo rag kale midba mar loogu abtiriyo
oo sheegaysa in ay yiraahdeen: Haddii nin dilo haweenay, oo reerka haweenaydu ay damcaan in looga
qisaaso ninka wax ka dilay, waxaa laga rabaa inay bixiyaan kalabar magta ninka, waayo magta
dumarku waxay le’egtahay kalabar tan ragga.
36
Warqadda Camar bin Xisaam ka eeg: AD-Daar al-Qudhni, al-Jinaayaat, Baab Qatli Arrajul Bil-
Mar’ati 8/28. Ibnu Xabbaan; Saxiix ibn Xabbaan, Asakaat (793) 3/75. al-Xaakim; al-Mustadrak 1/395.
37
Muxamed al-Gasaali; Taraatunaa al-Fikrii Fii Miisaan Asharci Wal-Caqli (Mac-had al-Caalamii
Lilfikri al-Islaami, Daar Ashuruuq, 1991) B.137
38
Warqaddii Rasuulku (SCW) reer Yaman ugu dhiibay Camar bin Xasmi (RC) waxaa ku qornaa: Far
walba oo faraha ka mid ah waxaa ka waajibaya toban geel ah. sidaa darteedna, culumada islaamku
qaanta farta waxay ka dhigeen toban halaad, iyada oo aan farta loo eegin midda ay tahay, iyo qofka ay
ka go’day lab iyo dhedig midkuu yahay.
23
ra’yiga ee Ciraaq ka jirey ee Abuu Xaniifa shiikha ka ahaa? Rabiica-na wuxuu
yiri: Mayee waxaan ahay caalim wax hubsanaya ama jaahil wax baranaya !!
Wuxuu yiri: wiilkii walaalkayow sidaan baa sunnadu tahay
39
!!
Saciid ma oggola in afarta farood ee dumarka lagu qiimeeyo afartan geel ah, waayo
haddii sidaa la yeelo waxaa ka dhalanaysa in qaanta dumarka iyo tan raggu
isle’ekaato, arrinkaasna caqliga Saciid iyo saaxiibadi ma qaadan karo. Sidaa darteedna
waxaa la xukumay in saddexda farood ee dumarka lagu qiimeeyo 30 geel ah,
afartooda faroodna 20 geel ah, caqligana quful weyn lagu qabbiro.
Laakiin run ahaantii, culumada baaray axaadiista sheegaysa in magta dumarku tahay
kalabar magta raggu, waxay qabaan in uusan jirin hal xadiis oo saxiix ah oo arrinkaan
ka hadlaya oo nebiga ka sugnaaday. Sidoo kale, doodda ku andacoonaysa in la isku
raacay arrinkaani waa mid aan wax ka jirin, oo dhab ma aha in culumada islaamku
isla oggolaadeen in magta dumarka laga dhigo kalabar tan ragga.
Laakiin si taa ka duwan, nebiga (SCW) waxaa ka sugnaaday inuu yiri: ” Nafta
waxaa ka waajibaya boqol geel ah
40
“. nebiguna nafta ma kala soocin, ee wuxuu
adeegsaday erayga naf, oo ay soo hoos galayso naf oo dhan, rag iyo dumar, muslim
iyo gaal, xor iyo addoon, madow iyo caddaan,…iwm.
Haddaba, su’aasha loo baahan yahay in jawaab loo helaa waxay tahay: xukunka
wadaaddada ee magta dumarku maxay ku salaysan tahay?
Marka mawduuca qumaati loogu fiirsado waxaa la ogaanayaa in xukunkaani uu ka
duulayo duruufihii bulshadu ku sugnayd dunidii hore [= wixii ka horreeyey qaybtii
dambe ee qarnigii 20-aad]. Bulshooyinkii hore shaqadu waa u qaybsanayd labka iyo
dheddigga, oo labku waxay ku qaybsanaayeen shaqada ka baxsan guriga, dumarkuna
waxay ku qaybsanaayeen shaqada laga qabto guriga dhexdiisa. Sidaa darteedna, ragga
waxaa loo arki jirey inay iyagu yihiin kuwa nolosha qoysku ay ku tiirsan tahay, oo
rootiga soo tabca. Arrinkaasina wuxuu dhaliyey in ragga laga sarraysiiyo dumarka.
Waayo labadii walaalo ah midkii lacag leh baa weyn!!!
Fikradda sheegaysa in magta dumarku le’eg-tahay kalabar magta ragguna waxay ka
curatay duruufihii dhaqan-dhaqaale ee bulshada islaamku la wadaagtay inta badan
bulshada caalamka. Sidaa awgeedna, culumada islaamku marka ay rabaan inay dadka
ku qanciyaan sababta magta dumarku ku noqotay kalabar tan ragga waxay ku
andacoodaan:
” Qaandhawga maaliyadeed waa in lagu saleeyaa heerka uu le’eg yahay
khasaaraha ka dhashay qofka la dilay ee qoyska ka baxay, shakina kuma jiro
in khasaaraha ubadka ka soo gaaraya waayidda aabbahood oo ahaa kan
kafaala-qaada noloshoodu ay ka weyn tahay khasaaraha dhinacaas ka soo
gaaraya weynta hooyadood. Taa waxaa la mid ah haweenayda la dilo
saygeeda iyo ninka la dilo afadiisa, oo musiibada qabsanaysa haweenayda
39
Culumadu waxay yiraahdeen sunnada halkaan waxaa loola jeedaa dhaqankii reer Madiino, ee
loolama jeedo sunnada nebiga ka sugnaatay.
40
Waxaa la wariyey in Cabdi-Muddalib oo nebiga (SCW) awoow u ahaa, uu yahay ruuxii ugu
horreeyey oo gooya in magta ruuxa la dilo laga dhigo bogol neef oo geel ah, caadadaasna kolkii danbe
islaamku carabtuu ka qaatay
24
saygeeda la dilaa waa ka xun tahay kan afadiisa la dilay.
41
” Shiikh kalena
wuxuu qoray: ” Qawaaniinta aan maanta ku dhaqannaa magta waxay u
yeeshay heer ugu sarreeya iyo heer ugu hooseeya, qaalligana waxaa loo
oggolaaday inuu magta ku simo waxaan ka yarayn heerka ugu hooseeya
aanna ka badnayn heerka ugu sarreeya, sidaana waxaa loo yeelay si fursad
loogu helo in la qiimeeyo khasaaraha qoyska ka soo gaaray ruuxa laga dilay,
waana kala duwan tahay [qiimaha magdhawga] dadka badankooda shaqeeya
ee shaqada ku silca, ee sidee bay u kala duwanaan waayeen ruuxa shaqeeya
ee qoyskiisa biila iyo kan aan shaqayn, isla markaana aan lagu kallifin inuu
cid biilo, balse isaga qudhiisa la biilo.
42
“
Hees hawleedka geelleeyda Soomaalidu geela ugu heesaan marka la shubayana
waxaa ka mid ah midda geel-jirudu hasha kula hadlayo ee uu ku leeyahay:
Geerida haween guud la firo iyo guursi laga qaad
Geeridaadana gaawe maran iyo gaajo laga qaad
Geeridaydana guri ba’ay iyo gablan laga qaad.
Run ahaantiina, caqliga culumada qabta in magta dumarku ay tahay kala bar tan
raggu, kama duwana caqliga geel-jirahaas, waayo labaduba waxay ka ambaqaadayaan
in waxtarka raggu uu ka badan yahay waxtarka dumarka. Guud ahaanna, fiqiga waxaa
qoray rag, sidaa darteedna la yaab ma leh haddii uu u muuqdo mid ka hiillinaya
dumarka, kana tarjumaya aragtida iyo mowqifka ragga.
Akhristow meelaha dhifka ah ee culumada islaamku magta dumarka ka sarraysiiyeen
magta ragga waxaa ka mid ah markay ka hadlayaan qaanta laga bixinayo naasaha.
Culumada badankoodu waxay qabaan in qaanta laga simayo naaska laga gooyo
dumarku ay ka sarrayso tan laga simayo naaska laga gooyo ragga, waayo waxtarka
naaska dumarku waa ka badan yahan kan naasaha ragga. Oo bilmatal, haddii ibta
naasaha ragga lagu qiimeeyo shan halaad, ibta naasaha dumarka waxaa lagu
qiimaynayaa toban halaad [haddii qaanta naasaha ragga lagu bixiyo bir iyo shilin
Soomaalina, tan naasaha dumarka waxaa lagu bixinayaa dahab iyo dollar].
Ugu dambayntii, waxaa jirta su’aal ay habboon tahay in Soomaalidu maanta jawaab u
hesho, waxayna tahay: Ma bannaan tahay in magta dollar lagu bixiyaa?
Qaran jabka iyo dowlad la’aanta Soomaaliya dhibaatooyinka ka dhashay waxaa ugu
xanuun badan dilka micno la’aanta ah ee bulshada oo dhan saameeyey. Qayb badan
oo bulshada ka mid ahina waxay rumaysan yihiin in arrimaha dilka dadka fududeeyey
ay ka mid tahay doollarka gabdhaha iyo wiilashu dibedda ka soo xawilayaan.
Waayadii hore wiilasha laandheerida isbidaa markay bootaynayaan waxay oran
jireen: War wallaahi iyo billaahi intaan kugu tiriyo ayaa hadhow magtaada la taano-
taanaynayaa!!! Waxaana la aamminsan yahay in dooddaasi doollarka ka hor ay u
badnayd fulaybajin iyo bowdoqaawis. Hase ahaatee, wixii ka danbeeyey intii
gabdhaha ducaysan ee bangaarida ahi ay dibedaha u yaaceen, waxaa yaraaday –ama
41
Eeg: Saciid Ramadaan al-Buudhi; al-Mar’ah, B.21 iyo B.44
42
Mustafaa Asubaaci; al-Mar’ah Beyna al-Fiqhi Wal-Qaanuun, B.39.
25
xataa dabargo joogta- caadadii ahayd in magta geel lagu bixiyo, waxaana beddelay in
magta lagu bixiyo doollar dibedda laga soo qaaraamay. Arrinkaasina wiilasha dalka
gudihiisa jooga wuxuu fursad u siiyey inay barbaarta ku shiish bartaan.
Waxaa xusid mudan, in aqoon-yahannada baara dhaqamada Carabtu ay qabaan in
sababta keentay in magta geel lagu bixiyaa ay ahayd bixinta geela oo Carabta ku
adkayd darteed, arrinkaas oo ragga ka hor-istaagi jirey inay ku dhiirradaan dilka.
Shakina kuma jiro in Soomaalidu geel jacaylka Carabta kala mid tahay, sidaa
awgeedna haddii la doonayo in la yareeyo dilka micno-darrada ah, waxaa habboon in
la soo nooleeyo dhaqankii ahaa in magta geel lagu bixiyo, waayo Soomaalidu waa
taqaan macnaha geela laakiin ma taqaan macnaha doollarka.[ $ = xaashi gaaladu
dadka ku duufsato].
T- Rajminta Ruuxa Guursaday hadduu sineysto:
Run ahaantii quraanka kariimku ma kala farqin xukunka lagu qaadayo doobka
sinaysta/sinaysata iyo kan lagu qaadayo ruuxa guursaday hadduu sino ku dhaco.
Xukunka sinada ee quraanku sheegayna waa mid qura, waana in qofka sinaysta lagu
dhufto boqol jeedal, oo quraanku wuxuu leeyahay: ” Saaniyadda iyo saaniga mid
kasta ku dhufta boqol karbaash.”[An-Nuur: 2].
Waxaa jirta dood sheegaysa in xadka rajmiga quraan ku soo degay, laakiin gadaal
danbe laga tirtiray erayadii quraanka ee sheegayey in qofka guursaday markuu
sinaysto dhagax lagu dilo, balse aan la nasakhin xukunkii aayadda ee waxa qura ee la
nasakhay ay yihiin erayadii. Dooddaanna waxay ku qotontaa oraah la cuskiiyo Cumar
bin Khaddaab (RC) oo sheegaysa inuu yiri: ” Iska jira inaad ku halaagsantaa
aayadda rajmiga, oo midkiin yiraahdo labo xad kuma aragno kitaabka Alle,
waayo waxaan aragnay rasuulkii Alle oo rajmiyey gadaashiisna waan
rajminay, Allaan ku dhaartaye haddaanan ka baqayn in dadku yiraahdaan
Cumar kitaabka Alle ayuu wax ku kordhiyey musxafka waxaan ku qori
lahaa, aayad aan akhrinay oo ahayd: ” Shiikha iyo Shiikhaddu [= odayga iyo
habartu] hadday sineystaan dhagxiya gabigoodaba
43
“.
Sidoo kale, waxaa jira xadiis Caa’isho bint Abuukar (RC) afka loogu tiray, oo
sheegaya in Caa’isho tiri: “
Waxaa soo degtay aayadda rajmiga iyo tobanka nuugmo,
waxayna ku qornayd warqad tiil sariirta gurigayga hoosteeda, kolkii rasuulku
(SCW) xanuunsadayna waa ka mashquulnay, dabadeedna Ri’ aan lahayn baa soo
gashay oo cuntay
.
44
“
Soomaalidu waxay isweydiiyeen su’aasha ah: War waayeel waa ayo? Jawaabtii ay
heleenna waxay noqotay: Waa annaga oo aan isyeel-yeelayn. Haddaan la is-
yeel-yeelaynna waa caddahay in quraan ari cunay oo aan musxafka ku ool,
akhriskiisana muslimiinta loo diiday uusan ku habboonayn in loo daliishado si dad
43
Eeg: Muwadha Maalik ( al-Maktabah al-Cilmiyah, dabcadda 2-aad) B. 241. Waxaana xusid mudan
in ay jiraan aayado kale oo lagu andacoodo in Cumar sheegay inay quraanka ka mid ahaayeen,
waxaana ka mid ah aayadda la sheegay inay oranayso: ” War aabbayaashiin ha diidina, waayo
gaalnimay idinku tahay inaad aabbayaashiin diiddaan.”
44
Muxamed al-Gasaali; Taraatunaa al-Fikrii Fii Miisaan Asharci Wal-Caqli (Mac-had al-Caalamii
Lilfikri al-Islaami, Daar Ashuruuq, 1991) B.147
26
madaxa dhardhaar loogala dhaco. Sheeko-xariirtuna waxay qurux badnaan lahayd, oo
dad badan ka gadmi lahayd haddii la oran lahaa ariga hala ciribtiro, waayo arigu waa
gaal Alle iyo Rasuulkaba ku kufriyey, waayo haddii uusan sidaa ahayn muxuu ugu
dhiirraday inuu quraan cuno.
Dhanka kale, waxaa jira xaddiis laga wariyo nin la yiraahdo Camar bin Maymuun oo
oranaya: ” Sebenkii jaahiliyadda [= islaamka ka hor] waxaan arkay daanyeerad
sinaysatay oo ay isugu soo urureen daanyeerro si ay u rajmiyaan, aniguna
waa la rajmiyey.
45
” Farriinta sheekadu xanbaarsan tahayna waxa weeye in
daanyeerradu muslimiinta uga horreeyeen fulinta xadka rajminta. si dadbanna
muslimiinta waxaa loogu soo jeedinayaa canaan ah: war ma waxaad garan weydeen
xilka daanyeerradu garteen !!.
Fuqahada qaarkoodna markay qeexayaan dhawridda [= al-Ixsaan] waxay yiraahdeen:
waa inuu guur xalaal ah ugu galmooday muslimad/muslim xor ah. sida qeexidda laga
garan karana ruuxa muslimka ah lama rajminayo hadduu sinaysto isaga oo guur xalaal
ah ugu galmooday yuhuudiyad ama nasraaniyad xor ah, sidoo kalena la rajminmaayo
hadduu u galmooday haweenay addoon ah. qof ahaanna, ma garan waxa ay ku kala
duwan yihiin muslimadda xorta ah iyo yuhuudiyadda ama masiixiyadda xorta ahi,
marka laga hadlayo dhawrsiga laga helo guurka.
Culumada qaba in dhagax lagu dilayo qofka guursaday hadduu sinaystana
46
waxaa ka
hortimid dhibaato ah sida laga yeelayo addoonka guursaday hadduu sinaysto, waayo
quraanku wuxuu sheegayaa in ciqaabta la marinayo addoonka sinaysta ay tahay
kalabar tan la marinayo qofka xorta ah ee guurka arkay hadduu sinaysto, oo quraanku
wuxuu leeyahay: ” Haddii la dhawro [=ay guursadaan] oo ay xumo la
yimaadaan [sinaystaan] korkooda waxaa ah kalabar ciqaabta la mariyo kuwa
xorta ah.” [An-Nisaa: 25]. Haddaba, su’aasha jawaabta u baahan waxay tahay sidee
loo kalabarayaa geerida, oo addoonka sinaysta loogu ciqaabayaa geeri barkeed?
Laakiin si ka duwan rajminta, jeedalku wuxuu aqbalayaa in la kala nuseeyo, oo qofka
xorta ah lagu dhufto 100 jeedal, addoonkana 50 jeedal. Culumada ahlu sunnada oo
aad mooddo in doodda kalabaridda rajmiga addoonku ay sas ku rideyna arrinka
waxay ka dhigeen “miro barde canyayuubkaa lagu cunaa”, waxayna la soo
boodeen jawaab ah: addoonka sinaystaa ma mudanayo in la rajmiyo.
Run ahaantiina wareerka oo dhan waxaa keenay xadiis aaxaad ah oo sheegaya in
doobka sinaysta lagu ciqaabo boqol jeedal iyo sannad la musaafuriyo, qofka
guursadayna boqol jeedal iyo dhagax lagu dilo. Su’aalaha jawaabta u baahanna waxaa
ka mid ah: xadiiska aaxaadku ma beddeli karaa macnaha cad ee aayadaha quraanka?
Quraanka kariimka oo mar walba oo uu sinada soo qaado si cad u sheega inay fal xun
tahayna sidee buu u seegay inuu kala saaro xukunka doobka iyo duqayda ee ku
saabsan sinada?
Rajminta waxaa kaloo loo daliishadaa in rasuulku dad ku fuliyey ciqaabtaan, laakiin
waxaa la isku khilaafay goorta rasuulku rajminta fuliyey, ma waxay ahayd intii ay soo
45
Al-Bukhaari; Saxiix al-Bukhaari (Baab al-Manaaqib, Tir. 3560).
46
Xadka rajminta muslimiintu iskuma waafaqsana, oo tusaale ahaan waxaa si buuxda u diiday
Khawaarijta iyo Muctasilada.
27
degtay aayadda 2-aad ee suuradda An-Nuur ee sheegaysa ciqaabta sinada mise ka hor.
Culumada qaba rajmintu waxay ku adkaysanayaan in nebigu dad dhagax ku dilay
intay soo degtay suuraddaani, laakiin culumada diiday rajmintu waxay rumaysan
yihiin in nebigu ciqaabta rajminta fuliyey ka hor intii aysan soo degin aayadda
qeexaysa ciqaabta sinadu. Culumadaanna waxay la tahay in nebigu ciqaabta rajminta
ah ee uu fuliyey uu ka qaatay sharcigii ay ku dhaqmi jireen yuhuuddii deganayd
magaalada Madiino. Sida la og yahayna, culumada cilmiga usuulu fiqigu waa isku
khilaafeen in sharcigii ummadihii naga horreeyey haddii aan islaamku la imaan wax
sharcigaas ka duwan uu sharci noo noqonaya iyo in kale?
Laakiin dhanka kale, waxaa jira culumo aamminsan in rajmintu tahay sheeko-xariir
nebiga (SCW) ka dib la allifey. Guud ahaanna, waxaa jira aqoon-yahanno qaba in
xukunka dhagax ku dilidda saanigu uu yahay sharci muslimiintu ka soo dheegteen
shareecada yahuudda, kana mid yahay waxyaabaha loogu yeero israa’iiliyaadka ee
muslimiintu ka dhaxleen daalacashada diimihii hore, ama wadaaddadii yuhuudda ee
soo islaamay ay diinta islaamka ku barxeen.
Shir fuqahada islaamku ay sannadkii 1972kii ku yeesheen magaalada Al-Beydaa ee
dalka Liibiya waxaa fikrad sidii qunbulada u qaraxday ka jeediyey Shiikhii weynaa ee
Muxamed Abuu Suhra. Abuu Suhra fuqahadii meesha ku kulmay wuxuu ku yiri
sidatan:
” Waxaa jira ra’yi fiqi ah oo aan muddo labaatan sano ah qarsanayey, haddana
waxaa la joogaa waqtigii aan sheegi lahaa ra’yigaas ka hor inta aanan Alle la
kulmin, oo uusan I weydiin sababta aan cilmigaas u qariyey, oo aan dadka
ugu sheegi waayey? Fikraddaasi waa mid ku saabsan xadka rajminta ruuxa
guursaday hadduu sineysto. Ra’yigayguna wuxuu yahay in rajmigu ahaa
sharci Yahuuddu lahaayeen, nebiguna bilowgii hore qiray, laakiin mar danbe
lagu nasakhay xadka karbaashka ee lagu sheegay suuradda Al-Nuur, taana
waxaan u hayaa saddex arrimood oo marag ah: ………
47
“. Dabadeedna,
wadaaddadii meesha isugu yimid waa buuqeen, badankooduna waxay ku celceliyeen
doodda taqliiddiga ah ee ku qoran kutubta fiqiga. Shiikh Abuu Suhrana dhawr bilood
ka dib ayuu xijaabtay. Waxaana la rumaysan yahay inay jiraan culumo badan oo
Shiikha fikradda la wadaaga, laakiin soo bandhigidda mowqifkooda la suga goorta
ajashoodu soo dhawaanayso, ama ajashooda ka dib.
Si taa la mid ah, fuqahada islaamka qaarkood waxay ku doodeen in isdheehiddii ay
isdheeheen hiddaha yuhuudda iyo kan islaamka laga dhaxlay in hiddaha yuhuuddu uu
qalafsanaantii lagu yaqiin kula galgasho hiddaha islaamka, jeer arrinku waji kale
yeeshay oo loo qaatay in shareecada yuhuuddu ay ka fudayd iyo dhimrin badan tahay
shareecada islaamka oo asal ahaan lagu yaqiin fudayd iyo dhimrin, xukunka
riddaduna wuxuu tusaale u yahay saamaynta noocaas ah
48
.
47
Dhacdadaas waxaa ka faallooday shiikh Yuusuf al-Qardaawi.
48
Tusaale ahaan eeg: Dhaha Jaabir al-Calwaani; Laa Ikraaha Fii Diin: Ishkaaliyat Arriddah Wal-
Murtadiin Min Sadri al-Islaam Ilaa al-Yoom ( al-Mac-had al-Fikri al-Islaamii al-Caalami Wa-Maktabat
AShuruuq Addowliyah, al-Qaahira, 2006).
28
J- Ka Bixidda Diinta: saddexda qof ee xadiisku sheegayo in la dilo waxaa ka mid ah:
“Ruuxa ka baxa diinta ee jamaacada ka taga”. Fuqahada badankooduna qofkaan
waxay ku sheegeen inuu yahay murtadka diinta ka noqda oo loo baahan yahay in la
dilo, iyada oo dilkiisa xadiiskaan loo daliishanayo.
Laakiin dhab ahaantii, culumada oo dhammi iskuma waafaqsana in sidaas loo
macneeyo xadiiska, oo waxaa jira culumada qaarkood oo weedha rasuulka ee
oranaysa ” Ruuxa ka baxa diinta ee jamaacada ka taga” ku fasiray in laga wado
qofka fallaagada noqda ee dilka iyo dhaca geysta [= al-Muxaarib]. Culumada sidaas
xadiiska u fasirayna waxaa ka mid ah Ibnu Teymiyah. Ibnu Teymiyana wuxuu
dooddiisa daliil uga dhigtay inay jirto riwaayad kale oo xadiiskaan loo wariyey, oo
sharraxaad dheeri ah ka bixinaya ulajeeddada xadiiska. Riwaayaddaasna waxaa laga
wariyey afadii nebiga (SCW) ee Caa’isho binti Abuu Bakar (RC). Riwaayaddaasna
Caa’isho waxay ku sheegtay in nebigu yiri: ” Ma bannaana dhiigga ruux muslim
ah oo qiraya in Alle mooyee uusan jirin Ilaah kale iyo in Muxamed yahay
rasuulkii Eebbe, haddii aysan jirin saddex midkood: ruux sinaystay guur ka
dib, oo isaga dhagax lagu dilayo, iyo nin baxay isaga oo la diriraya Alle iyo
Rasuulkiisa, oo isaga la dilayo ama la daldalayo ama dhulka laga
musaafurinayo, ama qof qof dilay oo loo dilayo.
49
” Ibnu Teymiyana wuxuu
xadiiskaan ka qaatay in ruuxa dhiiggiisu bannaan yahay ee xadiisku sheegay in la dilo
uu yahay ” Ruuxa ka baxa diinta ee ka taga jamaacada”, sifada jamaaco ka tagidduna
ma yeelan karto macne aan ka ahayn fallaagoobidda [al-Muxaarib]
50
.
Sidaas oo kale, fuqadaha qaarkood waxay rumaysan yihiin in aayadda xiraabada ee
oranaysa: “
“Abaalka kuwa la dagaallama Eebbe iyo Rasuulkiisa oo dhulka la
socda fasaad waa in la dilo ama la deldelo ama gacmaha iyo lugaha isdhaaf
loo gooyo, ama dhulka laga musaafuriyo, taasina waa inay mudanyihiin dulli
adduunka ah iyo cadaab weyn oo Aakhiro ah” [Al-Maa’idah: 33] ay “ku soo
degtay kooxdii riddoobay sebenkii nebiga (SCW), ee geela dareersaday, ee dabadeed
rasuulku amarka ku bixiyey in laga gooyo lugaha iyo gacmaha, indhahana laga
rido
51
“, taasoo looga gudayey denbiyadii badnaa ee isugu jirey riddada,
shuftaynimada, dhaca, iyo dilka ee ay kula kaceen dadkii la jirey geelii sadaqada ahaa.
Sidaa darteedna, la yaab ma leh in fuqaho badan oo ay ka mid yihiin: Cali bin Abii
Daalib, Ibnu Cabbaas, xasan, Caddaa, Abuu Xaniifa iyo saaxiibadi, Atowri, Ibnu
Shubrumah, Ibnu Culayah … ay ku tagaan inaan la dilayn haweenayda riddowda,
sababtana waxay ku sheegeen in sifada fallaagoobiddu aysan ku rumoobayn
52
, waayo
caadi ahaan fallaagonimadu waa fal ragga lagu yaqaan. Sida la og-yahayna
gaalnimada qudheedu ma banaynayso in qofka dhiiggiisa la daadiyo, laakiin waxaa
dhiigga qofka banneeya inuu muslimiinta la dagaallamo, oo isku dayo inuu diintooda
ka fidneeyo.
49
Ibnu Teymiyah (Axmed bin Cabdi-Xaliim bin Cabdi-Salaam); Asaarim al-Masluul Calaa Shaatim
Arrasuul (Seydaa-Beyruut, al-Maktabah al-Casriyah,1990) B.319
50
Isla isaga B.319.
51
Abuu al-Waliid Ibnu Rushdi; Bidaayat al-Mujtahid Wanihaayat al-Muqtasid (Al-Qaahira, 1974)
juska 2-aad, B.492 iyo 488.
52
Al-Qurdhubi; al-Jaamic Li’axkaam al-Quraan, Juska 3-aad, B.48.
29
Waxaana mudan in la xasuusnaado in fuqahada islaamku marka ay allifayaan kutubta
fiqiga islaamka ay mawduuca riddada [Baab Arridah] hoos galiyaan mawduuca ka
ballaaran ee xiraabada [Kitaab Al-Xiraabah]. Arrinkaasina wuxuu tusinayaa in
fuqahadu riddada u arkaan nooc shuftaynimada ka mid ah oo loogu yeeri karo magaca
“Shuftaynimo maskaxeed/ al-Xiraaba al-Fikriyah”.
Maadaama, Shuftayga jidka gooyaa uu adeegsado hub, wuxuu mutaysanayaa in loogu
jawaabo hub la mid ah kan uu adeegsaday, laakiin si taa ka duwan shuftayga
maskaxdu wuxuu ku hubaysan yahay fikrad, caqliguna wuxuu keenayaa inaan loogu
jawaabin seef iyo dhagax, balse loogu jawaabo fikrad iyo xujo, waayo seeftu seef bay
ka lib keeni kartaa, laakiin seeftu fikrad kama lib keeni karto.
Haddii si kale loo yiraahdo, xaddiiskaani wuxuu ka hadlayaa cidda diinta ka baxda,
muslimiintana dagaal kala hortimaada [al-Muruuq Mina Diin Wamufaaraqat al-
Jamaacah], ee sina uga hadli maayo ruux diinta ka baxay laakiin aan denbi kale
geysan. Sida la og-yahayna ruuxa fallaagooba wuxuu mudan karaa in la dilo isaga oo
aan loo eegayn gaal iyo muslim wuxuu yahay. Sidaa awgeedna, xadiiskaani ma noqon
karo daliil loo adeegsado si murtadka loogu xukumo ciqaab dil ah.
Labo: Xadiiska labaadna wuxuu leeyahay: “Qofkii diintiisa beddela dila / Man
baddala Diinahu faqtuluuh
53
“
Culumada islaamkuna markay xadiiskaan ka faalloonayaan dhinacyo badan bay wax
iska waydiiyaan, waxaana ka mid ah
54
:
Diinta la baddalayaa ma islaamka ayay ku kooban tahay mise waxaa soo hoos galaya
diimaha oo dhan
55
, oo qof kasta oo diin ka baxa ayaa xadiisku ku rumoobayaa, tusaale
ahaan qofka ka baxa diimaha kale oo islaama, ama qofka ka baxa yahuudiyada oo
kirishtaan noqda, ama ka baxa kirishtaanka oo buudi noqda,…iwm.
Sidoo kale, diin ka bixidda ma dadka oo dhan baa soo hoos galaya lab iyo dheddigba,
oo dumarka riddooba waxaa loo dilayaa sida ragga riddooba oo kale, mise arrinku
wuxuu ku gaar yahay ragga oo dumarka riddooba la taaban maayo?
Murtadkana ma isla markii baa la dilayaa mise waa la toobad weydiinayaa?
Toobadduse ma waqti go’an bay leedahay mise waqti ma laha oo weligi waa la toobad
weydiinayaa?
Fuqahada mad-habta Xanafigu waxay qabaan in haweenayda riddowda aan la dilayn,
waxayna daliishadeen xadiis nebiga (SCW) laga wariyo oo diidaya dilka haweenka.
Xadiiskaasi wuxuu sheegayaa in nebigu arkay haweenay la dilay, uuna yiri: ” Tani
53
Al-Bukhaari, kitaab al-jihaad wa-siyar, xadiiska tirsigiisu yahay: 2794 iyo towbad weydiinta
murtadka tir.6411, At-Tarmadi, kitaab al-Xuduud, Tir.1378, An-Nasaa’I, Kitaab Taxriim Addam,
Tir.3995, Abuu Daa’uud, Kitaab al-Xuduud, Tir.3787, Ibnu Maajah, Kitaab al-Xuduud, Tir:2526,
Axmed, Musnad banii Haashim, Tir:1775
54
Tusaale ahaan, fiiri: Maxmuud Shaltuut; al-Islaam Caqiidah Wa-Shariicah, (al-Qaahira, Daar
Ashuruuq, 1997), B.281,
55
Culumada qaba in diinta la baddalayaa ay ku kooban tahay islaamka waxay yiraahdeen: gaalnimadu
waa diin qura, oo haddii Yuhuudigu Kirishtaan noqdo kama harayso sifada gaalnimadu, sidoo kale
haddii ruux cawaan ahi uu Yuhuudi noqdo kama harayso gaalnimadu. Taa awgeedna, diinta
beddeliddeeda dadka loo dilayaa waa islaamka. Waxayna daliishadaan aayadda oranaysa: ” Diintu
Eebbe agtiisa waa islaamka” [Aali-Cimraan: 19].
30
ma dagaallamayn”. Culumada qaarkoodna waxay ku tageen in xadiiskaas laga
qaadanayo in murtadka axaadiistu sheegayso dilkiisu uu yahay kan dagaallamaya,
sababta loo dilayaana ay tahay dagaalka ee aysan ahayn riddada
56
. Sida la og yahayna
dunidii hore diinta iyo dowladdu waa isku xirnaayeen, oo diintu waxay ka
tarjumeysey dhalashada qofka. Waayadaas oo loo dagaallami jirey gaalo iyo
islaamna, qofku mar walba wuxuu ku khasbanaa inuu ka soo jeesto dhinaca qolada ay
isku diinta yihiin. Sidaa awgeedna murtadka waxaa loo arki jirey inuu xoojinayo
cududda milatari ee cadowga islaamka.
Sidoo kale, waxaa suurogal ah in la yiraahdo: murtadka riddada darteed loo dilay
wuxuu ahaa Carabka oo qura, waayo dhulka carabta looma oggolayn diin aan islaam
ahayn
57
. Sababta sidaa loo yeelayna ma ahayn mid diineed balse waxay ahayd mid
siyaasadeed, maxaa yeelay dhulka carabta [Jasiiradda Carabta] waxaa loo arkayey
inuu yahay dhul muslimiinta u gaar ah, oo meel walba oo ay joogaanba ay ku soo
hirtaan, soona nabad galaan
58
.
Sida la og yahayna waxaa jira axaadiis muslimiinta ka reebi jirey inay degaan meel
aan ahayn dhulka islaamka. Axaadiistaasna waxaa ka mid ah midka nebigu (SCW) ku
leeyahay: ” Anigu beri baan ka ahay muslim kasta oo mushrikiinta dhex daga,
waa inaan dabkoodu isu muuqan.
59
“. Xadiiskaan oo sanadkiisu uusan xoog
badnaynna culumada sharraxay qaarkood waxay yiraahdeen wuxuu ka mid yahay
nusuusta leh duruufta gaarka ah ee ay ka hadlayso, nebiguna wuxuu leeyahay:
Beri baan ka ahay dhiigga muslimka dhex dega gaalada ay muslimiinta
dagaallamayaan, haddii muslimiintu inta ku khaldamaan gaal ahaan u dilaan, sababta
oo ah isaga ayaa naftiisa dil u bandhigay ka dib markuu dhex degay gaalada la
dagaallamaya dawladda islaamka. Laakiin haddii duruufuhu isbeddelaan, ee uu
istaago dagaalka u dhexeeya muslimiinta iyo gaaladu, muslimku waa la degi karaa
gaalada. Sidaa darteedna, xadiisku wuxuu ka tarjumayaa duruufihii lagu dagaallami
jirey diinta, loona qaybsanaa guri dagaal [= Daar al-Xarbi] iyo guri islaam [=Daar al-
Islaam]. Culumaduna waxay qabaan in haddii ay isbeddelaan duruufihii laga yiri
nasku [= aayadda iyo xadiisku] uu isna isbeddelayo xukunkii lagu saleeyey naskaas.
Waayo xukunku wuxuu ku xiran yahay cilladii markii hore keentay. Oo bilmatal
haddii uu istaago dagaalkii ummaduhu diriri jireen iyaga oo u qaybsan qaab diineed –
sida maanta xaalku yahay- muslimku wuxuu xaq u yeelanayaa inuu dego dhulka
gaalada.
Si taa la mid ah, bilowgii islaamka muslim kasta waxaa waajib ku ahaa inuu ka
hijroodo dhulka gaalada, si uu ugu biiro rasuulka iyo saxaabadii joogay magaalada
Madiino. Danta laga lahaa arrinkaasina waxay ahay in muslimiintu bartaan diinta
56
Dhaha Jaabir Al-Calwaani; Laa Ikraaha fii Diin, B. , Cabdi-Mutacaal Asaciidii; Al-Xurriyaha
Addiiniya Fii Al-Islaam, B.37.
57
Waxaa jira xadiis nebiga laga wariyo oo oranaya: ” Dhulka Carabta ama Xijaas labo diin kuma
kulmaan”. Xilligii uu socday dagaalkii 2-aad ee gacankuna xadiiskaan waxaa aad u daliishaday
wadaaddadii diiddanaa in ciidamo aan muslim ahayn la keeno Jasiiradda Carabta. Wadaaddadaasna
waxaa ka mid ah Shiikh Usaama Bilaadin.
58
Isla isaga B.37 fikraddaani waxay caqli gal ahayd waagii diinta qofku ahayd waddankiisa.
59
Abuu Daa’uud, kitaab al-Jihaad (1645), At-Tarmadi, Asiyar (1604).
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
