Adis Ababa Oct 23,2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Ethiopia ayaa dalkeeda ka mustaafurisay siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo dhawaan loo caleemo saaray madaxweynaha maamul loogu magacdaray Khaatumo.
Cali Khaliif ayaa Adis Ababa u tegay in uu uga qeybgalo shir halkaa loogu qabtay qaar ka mida maamulada dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay hayeda la yiraahdo Horn Economic and Social policy Institute(HESPI).
Dawlada Ethiopia Ayaan faahfaahin ka bixin sababta ay dalkeeda uga saartay Cali Khaliif waxaase la aaminsan yahay in ay culeys siyaasadeed kala kulantay Somaliland.
Dawlada Somaliland iyo dalka Ethiopia ayaa wadaaga xiriir siyasadeed mid dhaqaale iyo mid Amni, Cali Khaliifna waxa uu tiraba dhawr jeer dagaal la galay ciidamada Somaliland.
Safarka Cali Khaliif ayaa ahaa mid uu si weyn saxaafada uGu faafiyay isaga oo markaa muujinayay sawir ahaa in khaatumo hirgashay.
Dawlada Somaliland Ayaan ilaa iyo haatan ka hadal safarka iyo musaafurka Cali Khaliif Galeydh ee dalka Ethiopia.
Sidoo kale Siyaasi Cali Khaliif Ayaan isna ilaa iyo haatan ka hadal goaanka dawlada Ethiopia ay dalkeeda uga saartay.
SDN/QJ-Adis Ababa
