Washington:Oct,23,2014(SDN/QJ)-Khubarada caafimaadka dadka iyo daaweynta Cudurrada ku xeesha dheer, ayaa soo bandhigay Hindise cusub oo lagaga faa’iidaysanayo Bukaanada ka Bogsaday cudurka la Hollin la yahay ee Ebolahha.
Soo Jeedinta, ayaa waxa ku qanacday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxana ay muujisay sida ay warkaas usoo dhaweeynayso.
Hay’addu, waxay sheegtay in todobaadyadda soo socda la gaadhsiin doono waddamada Galbeedka Afrika, daawooyin laga soo saaray dhiiga dadka ka badbaaday cudurka.
Sarkaal sare oo ka tirsan WHO oo la yidhaahdo Marie Paule Kieny ayaa sheegtay in sheybaadho laga sameyn doono dalka Liberia, kuwaas oo cudurkan lagu baadhi doono.
Sheybaadhadaas ayaa waxa loo adeegsan doonaa in lagu soo saaro dhifaacaha jidhka ee ka dhashay dhiiga qofka ka badbaaday cudurka Ebola.
Difaacasaasi jidhka ayaa waxa kaddib loo rogayaa daawo lagu daaweeyo dadka uu cudurka ku dhacay.
WHO ayaa sidoo kale sheegaysa in si dhaqsa ay u doonayso in ay ku hormariso laba talaal oo la rumaysanyahay in ay gacan ka geysan karaan in laga hortago cudurka.
Haddii loo arko in talaalku yahay mid ammaan ah oo wax tar leh, waxa markaasi la qorsheynayaa in si tijaaba ah loogu isticmaalo Galbeedka Afrika bisha January ee sanadka soo socda.
SDN/QJ
