Muqdisho:Oct,23,2014(SDN/QJ)-Saraakiisha xukuumadda somalia ugu sarreeya, ayaa shir albaabadu u xidhnaayeen oo ay habeenkii xalay yeesheen, waxa ay kasoo saareen Go’aano amaanka la xidhiidha oo ay sheegeen inay wax ka tarayaan amnidarrada ay dareemayaan shacabka reer Muqdisho.
Kulanka xalay ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominaayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, waxaana ka qaybglay laamaha ammaanka dalka iyo Hay’adaha amniga ka caawiya dowladda ee Muqdisho ku sugan.
Kulankan, ayaa qoddobada kasoo baxay waxa kamid ah qaar xukuumadda awoood u siinaya inay la wareegto goob kasta oo ay u aqoonsato in arrimo ammaanka ka dhan ah lagu diyaariyo, taas oo halis gelin karta xaqii shacabku u lahaa inay hanti gaar ah yeeshaan.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan, ayaa markii uu kulankaasi soo dhamaaday u sheegay Saxaafada in waxyaabaha laga wada hadlay ay ahaayeen arimo muhiim ah oo amniga Muqdisho ku saabsan go’aano adagna lasoo saaray.
Waxyaabaha kale ee la isla gartay ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in dowladda Soomaaliya ay la wareegto gurigii ama Garaashkii qarax uu ka dhaco, sidoo kalena in baadhitaan guud lagu sameeyo dhamaan Garaashyada ku yaala Magaalada Muqdisho ee suurtagalka ay tahay in qaraxyada lagu diyaariyo.
Go’aannada shirka ka soo baxay sidoo kale waxaa kamid ahaa in ciidamada amaanka ay si wada jir ah Guriguri u baadhaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho ee looga shakiyo inay ku dhuumaaleystaan xubnaha loo fisho inay Shabaab ka tirsan yihiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saarta go’aano badan oo ku saabsan amniga Magaalada Muqdisho, balse go’aanadaasi ma dhaqan galaan inta badan oo waxa ay noqdaan kuwa afka kaliya ku eeg.
SDN/QJ
