Konacry:Oct,24,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Guinea oo kamid ah Dalalka uu xanuunka Eboluhu faraha baas ku Hayo, ayaa bilowday Bixinta Mag-dhaw la siinayo qoysaskii dadkoodu ku naf waayeen cudurkan.
Sidoo kale waxa ay Xukuumaddu Bilowday inay caawiso oo si dhaw ula socoto dadka cudurkan wali la tiicaya oo haatan Cisbitaalada ugu jira cudurkan.
Qaraabada in ka badan 40 dhakhtar, kalkaaliyayaal, xamaaliin iyo kuwa kale ayaa midkiiba heli doona 10kun oo doolar oo noqonaysa lacag wax badan ka tari doonta heerkooda Nololeed.
Badi shaqaalaha caafimaadka ayaa geeriyooday markii ay qaadeen xanuunka Ebola iyagoo daaweynayay ama caawinayay kuwa kale.
Qoysaska 8 ruux oo ay dileen dadka deegaanka iyagoo sameynayay iskuday ay kaga wacyigalinayeen dad Ebala ayaa heli doona magdhaw.
Safmarka Ebola wuxuu dilay in ka badan afar kun iyo sideed boqol oo ruux isagoo ka bilaabmay Guinea.
SDN/QJ
