Newyork:Oct,24,2014(SDN/QJ)-Jeffrey Feltman oo ah Sarkaal ka tirsan Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, ayaa Ka Hadlay 37-Badmaaxe oo u kala dhashay dalal kala duwan oo afduub ahaan loogu haysto Xeebaha Somalia.
“Budhcad badeeddu in ay wali haystaan tiradaas waxa ay kor u qaadaysaa dareenka caalamka”ayuu yidhi Feltman oo tilmaamay in colaadaha ka jira dalka oo xal- laga gaadhaa ay yarayn karto khasaaraha maraakiibta ka soo gaadhaya adeegsidga xeebaha Somaliya.
Waxaa kaloo uu xusay in xiligan loo baahan-yahay wax ka qabashada dhibatoyinka dalka ka jira si xeebaha Somaliya ay amni u noqdaan.
Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Somaaliya ayaa horumar ka sameeyay in la dhimo weerararadii kooxaha budhcad badeedda.
Bishi la soo dhaafay shirkii golaha ammaanka ee lagu qabtay New York waxaa looga dooday in la hirgalayo aragtida dowladda Soomaliya ee sanadka 2016-ka markaasoo la qorshaynayo in wadanka ay ka qabsoonto doorasho xor ah.
Si gaar ah waxaa hoosta looga xariiqay dar-dar-galinta dib-u heshiisiinta dhinacyada Somalida iyo in dalka laga hirgaliyo sharciyada caalamiga ah si loo helo adeegyada guud ee bulshada oo ay ugu horeeyaan waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.
Ugu danbayntii shirkas oo ay wada jir u gudoomiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxa Midowga Afrika haweynayda lagu magacaabo Nkosazana Dlamini Zuma ayaa Somaliya loogu ballan qaaday in dhinacyo badan laga caawin doono .
SDN/QJ
