Jilib:Oct,24,2014(SDN/QJ)-Xilligan oo la arkayo inay kooxda Al-shabaab luminayso deegaano iyo Magaalooyin ay muddo badan kasoo taliyeen, ayaa hadddana waxa dhinaca kale soo baxaya dad hor leh oo kusoo biiraya dagaalka ay kooxdani ka waddo Somalia.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in toddobaad kasta ay kooxdu hesho ugu yaraan ilaa saddex qof oo mabda’ooda la dhacsan, kuwaas oo u heellan inay ka Barbar dagaallamaan, waxana dadkaas ugu dambeeyey wiil Arday ka ahaa Dugsi Kenya ku yaallla oo kooxda kamid noqtay dhawaan.
Wiilkan, ayaa la waayay 06/10/2014 kadibna waxaa la ogaaday in Somalia uu u talaabay oo uu ku biiray Alshabaab.
Sida laga soo xigtay Booliska Kenya ardeygan oo ku jiray gabagabadii waxbarashadiisii dugsiga sare ayaa telefoon kasoo diray meel kamid ah Somalia wuxuuna sida booliska laga soo xigtay waalidkiis u sheegay in tababar islaami ah usocdo ayna dib dambe u arki doonin
Dad badan ayaa aaminsan in Alshabaab lug dambe ku taagan yihiin balse dhanka kale waxaa muuqata inay jiraan taageerayaal cusub oo ku soo biiraya haba ugu dambeeyo wiilkan ardeyga ahi.
Alshabaab ayaa laga saaray magaalooyinkii muhiimka ahaa ay gacanta ku hayeen mark a laga reebo magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Jubooyinka, Gedo iyo Baay.
SDN/QJ
