Hargeysa:Nove,04,2014(SDN/QJ)Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaal, Siciid Sulub Maxamed oo haatan ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa si kulul u weeraray Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo dhawaan Hadalo dhaleecayn ah Hawada u mariyey Xukuumadii hore.
Siciid Sulub oo shalay ka Hadlay Munaasibad Xisbiga waddani ku lahaa Hargeysa, ayaa sheegay inuu wasiirka Duulistu caan ku yahay Bixinta Lacagaha umaddda iyo ku takri-falkooda, waxana uu ku adkaystay inay muuqato muqsuqa uu ku foogan yahay.
Siciid Sulub waxa uu wasiirka Duulista Somaliland ku tilmaamay nin baalmarsan Dhaqanka, isla-markaana caadaystay inuu hantida umadda shaqaalihiisa ku khasbo inay xaflado ay isaga ku ammaanayaan ugu sameeyaan,
“Inankii(wasiirka duulista) Maalintii dhaweyd shaqaalihiisii ku yidhi intuu dhaqaale u dhiibay xaflad iisameeya aad igu ammaantaan ee wax aan dhaqan inoo ahayn faray oo yidhi xeedho iisoo sameeya, waa ogaydeen oo aflegaaddo ayuu iijeediyey, waana wasiirka Duulista, ninkaana waxan is lahaa wuxuun buu xeeran, laakiin waxba muu xeerin, Haddii nin bilaa dhaqan ahi ku helana dee dadka kale intaanu gaadhin baa wax la yidhaahdaa.”ayuu yidhi Siciid Sulub.
Waxa siciidi Sulub Wasiirka Duulista somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay nin u heellan iibinta hantida umadda, isagoo carrabka ku dhuftay inuu taariikhda Xukuumadda Kulmiye ku Galay masuulkii ugu horreeyey ee Aqalkii wasaaraddiisu ku jirtey iibiyey, isla-markaana dib u kiraystay,
“Ninkaas(wasiirka Duulista) waxan leeyahay Hadii Guryo la iibiyey waxad iibisay xafiiskii aad ku jirtey, waxana aad ku jirtey bilo markii aad Iibisay, Siddeed Boqol oo kun oo dollar baad siisay, haddana dib baad u kiraysatay mucjisada dhacday. Dhaqaalahan iyo dalka miyaad dadku lahayn sidaas loogu tumanayo, xafiiska haddii loo baahnaa oo aan laga maarmayn maxaa loo iibiyey, wuxuu dhisay Guri Boqol kun ah oo uu madaarka ka dhistay, Madaarna lama arag caalamka wasaarad ka dhigata xarun, annaguse markaanu guulaysano xisbiga Waddani Aqalkaas Maamulka ayuun baanu Gelinaynaa wasaaraddana xarun baanu Magaalada uga samaynaynaa.”ayuu yidhi Siciid Sulub.
Wasiirka Duulista Hawada somaliland Maxamuuud Xaashi Cabdi, ayaa dhawaan Dhaliilo u jeediyey xukuumaddii madaxweyne Rayaale oo ku sheegay mid hantidii umadda iibsatay oo burburisay, waxana hadalkaas haatan jawaab ka Bixiyey Siciid Sulub Maxamed oo kamid ahaa Hoggaankii ugu adkaa ee Xukuumaddii Udub.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
