Hargaysa 04.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa dhaleecayn u soo Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inay Ku Tumatay Xuquuqda Muwaadinka iyo Xoriyada Saxaafada waxaanu xusay in uu si diran uu u soo dhawaynaayo taageerayaasha miisaanka culusleh ee ku soo biiray in uu si aad ah u soo dhawaynaayo.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Golaha Wakiiladu Waxa uu Naqdiyay Qaabka ay Xukuumadu u Martay Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani Xadhigiisa iyo Weriyeyaal badan oo maanta ku Jira Xabsiyada Waxa uu Gudoomiye Cirro is barbar dhig ku sameeyay Xiligii Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa Wixii uu ka Mutay Telefishanka qaranka iyo Idaacada Radio Hargaysa oo Nacaybka ay u qabeen halka u saraysa gaadhay.
Mudane Cirro Waxa uu Hoosta ka xariiqay in Xisbi ahaan aanay Marnaba ogolayn in Madaxda Qaranka la aflagaadeeyo Waxa uu ugu baaqay labada dhinac ee Golihiisu u qaybsamay in wixii ay isku hayaan aanay isu marin qalabka Warbaahinta waxaanu ku celiyay in Xeerkii uu u Gudbiyay Guurtidu aanu ku soo noqon Golihiisa .
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
