Uncategorized

Gudoomiye Ku Xigeenka Ucid Mujaahid Cali Guray oo ka Hadlay Dhaqaalaha uu Haysto Murashax Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 09.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inaanu jirin nin ka jeeb-roon ama ka hanti badan Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen oo Somaliland xil u soo doontay, sidaa darteedna uu yahay nin Buur ku tiirsan.

cali guray“Haddaan intaaba kaga hadho waar waa kee bal Ragga ninkani sheegayo ee xil u soo doontay Somaliland ee ka jeebka roonaa Jamaal Cali Xuseen.”. Sidaa waxa Guddoomiye kuxigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ah, waxaanu u dhignaa isaga oo dhameystiran sidan:

“Waxa la yidhi War La’aan Baa Col Hoday. Isagoo musharaxa madaxwaynaha ee UCID duraya nin baa yidhi “BUURNA MAAHA BUURNA KUMA TIIRSANA”. Wuxu weedhan ka soo qaatay maahmaah jirta oo tidhaa Ama Buur Ahaw Ama Buur Ku Tuirsanow. Maqaal uu ninku markii aan akhriyay wuxu biyo dhigiisu daaran yahay Jamaal Cali Xuseen isaguna lacag mahaysto uu ku geli karo ololihiisa doorashada tol iyo asxaab taageerta uu ku tiirsan yahayna ma laha.

Jamaal 20 sanadood ayuu u shaqaynayay American City Bank isaga oo sanadkii ugu dambeeyay dakhliga ay dawladda Maraykanku ka cashuurtay uu kor u dhaafay US DOLLAR 660000 (lix boqoli iyo lixdan kun) marka aan lagu darin guriga iyo dugsiga caruurta oo 200000 ahayd.Ee aan lagu darin dakhliga ka soo galay hantidiisa gaarka ah ee dalka dibadiisa iyo gudihiisaba uu ku leeyahay oo hadii la qiimeeyo gaadhaysa malaayiin dollar.

10730780_819182491437963_1471291507766730326_nEen lagu darin maalgashiyadiisa oo aanan wada hubin laakiin aan ogahay uun inay jiraan. Waxa aan ka hadlayaa waa sanadkii ugu dambeeyay uu shaqada ka tegay oo keliya labaatan sanadoodna wuu shaqaynayay. Hadaan intaaba kaga hadho waar waa kee bal ragga ninkani sheegayo ee xil u soo doontay Somaliland ee ka jeebka roonaa Jamaal Cali Xuseen.

Ma Alleh ha u naxariisto eh marxuunkii Cigaal ee boqolka dollar madaarka Berbera baa, ma Riyaalaa mise waa Silanyihii aan ogaa xaalkiisa ee sidii uu Siyad Bare uga tegay intii mudadii yarayd ee Cigaal Wasiirka ay shaqo ba u ahayd waxna toogaysanin baa. Waa kee ninka ka hayn roonaa Jamaal.

Ku darsoo marka ay tol iyo asxaab tahay in Cali Xuseen MIYAANU BUURTII JEBEL QAAF KU TIIRSANAYN. Aniguna ninka yidhi hadalku ka dhacay waxa odhanayaa waa halkii Dhalin Ileeye eh SAADAMBAAD GARAN.” Sidaa ayuu Cali-Guray ku yidhi Qoraalkiisan uu ku baahiyey Bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Facebook.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com