Hargeysa:Nov,09,2014(SDN/QJ)-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loogu talogalay inay la dagaallamaan Argagixisada ee RRU-da loo yaqaanno, ayaa subaxnimadii hore ee shalay si rasmi ah ula wareegay Tiro kamid ah Aqallada Dawladda oo dad gaar ahi ku jireen.
Ciidamada oo fulinayey amar xagga sare kaga yimi, ayaa Gudaha ugalay Laba aqal oo midlood uu deggenaa Mulkiilaha TV-ga Hctv, waxana sidoo kale ay la wareegeen Guriga ay ku jirtey Shirkadda Baabuurta keenta ee Toyota Marine-ka loo yaqaano oo ay ilaa iyo haatan gacanta ku hayaan.
Guryahan ciidamadu xoogga ku galeen ayaa muddo ka hor la geeyey waraaqo digniino ah, waxana dadka ku jira lagu amray inay muddo kooban kaga baxaan, maadaama oo ay soo bixin waayeen lacago xad-dhaaf ah oo xukuumaddu dul dhigtay.
Guryahan ayaa wixii ku jirey dibadda laga soo dhigay, waxana Mulkiilaha TV-ga Hctv, uu xamaamtiisa ka urursaday aqalkaas oo ay hore xukuumaddu lacago jaban uga siisay, balse isku dhac kooban kadib ay kusoo laba kaclaysay.
Sidoo kale waxa waraaqo la geeyey Aqallo kale oo xukuumaddu leedahay, balse ay ku jiraan dad gaar ahi oo dhammaantood aan wax xidhiidh ah la lahayn xukuumaddu, waxana la filayaa in ciidamadu ay dhawaan la wareegaan oo ay galaan, isla-markaana ka saaraan cidda ku jirta.
Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo haatan gashay sanadkeedii ugu dambeeyey, ayaa bilowday Olole lacag urursi ah, waxana ay lacagahaas ka dhex aragtay inay ka heli karto shakhsiyaad kooban oo ku jira Aqallo istaraatiiji ah, kuwaas oo dhammaantood la saaray amar ah inay lacago farabadan kusoo bixiyaan muddo kooban.
SDN/QJ
