Muqdisho:Nov,09,2014(SDN/QJ)-Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ah oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia, ayaa si ramsi ah ugu guulaystay inuu dib u dhigo mooshinkii Ka dhanka ahaa Ra’isal wasaaraha oo xildhibaano tiro badani dabada ka riixayeen, kaas oo maanta loo ballansanaa.
Mudane Jawaare oo dedaal dheer u galay inuu dib u riixo mooshinkaas kusoo foolka lahaa xukuumadda dalka ka jirta, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in mooshinkaas dib loo dhigay ilaa iyo inta la helayo xalka dhibaatada ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.
Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wadahadalo la yeeshay gelinkii hore ee shalay xildhibaanada soo gudbiyay mooshinka halka uu gelinkii dambana wadahadalo la qaatay mudanayaasha baarlamaanka ee diidanaa mooshinka.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu si kala gaar gaar ah ula kulmay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba isagoo kala hadlay sidii hab sulux ah loogu dhamayn lahaa khilaafkooda.
Jawaari ayaa ku dhowaaqay in la hakiyay mooshinka inta wadahadaladu socdaan uuna rajo weyn ka qabo in khilafka si sulux ah ku dhamaado.
Warkan ka soo baxay xalay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u muuqda mid ay ka dhab tahay guddoomiyaha maadaama culeys weyn la saaray madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba.
Guddoomiye Jawaari ayaa isagu inta Badan isku daya inuu dhexdhexaad ka noqdo khilaafyada soo kala dhexgala madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarayaashiisa, waxana uu Haatan ka hor dhexdhexaad ka ahaa midkii lagu caydhiyey xukuumadii Ra’isal wasaare Saacid oo markii dambe baarlamaanku caydhiyey.
SDN/QJ
