Hargaysa 10,Nov 2014 (SDN/QJ)- Gabey uu tiriyey madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal, wakhtigii uu ka ahaa ra’iisal-wasaaraha dalkii Soomaaliya ee Siyaad Barre Af-gembigga ku sameeyey oo uu isagana jeelka u taxaabay.
Gabaygan oo uu Jeelka ka soo tiriyay Egal waxa u soo dhiibay Abusite oo la xidhnaa oo la soo daayey xilligaasi.Intuu Gabaygii Af-Carabi ku soo qoray ileyn berigaa Af-Soomaaligu muu soo bixine.Waxaanu ku yidhi Abusite waxaad u geysaa Abwaan Dacar Ibraahim si uu dadka u gaadhsiiyo. Waxa Gabaygan ka waramaaya taariikhdiisa oo tirinaaya Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle oo berigaa goob joog ka ahaa. Waxa gabayga Cigaal ka keenayna halkan ka dhegayso.
Waxana gabaygan Suldaanka laga soo wariyey xilli dhowr sanno ka hor loo sameeyey xus geeriddii Marxuum Cigaal. Halkan waxaan ka dhadhansaday inuu Madaxweynaheenii Ilaahay haw naxariistee mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu Ilaahay ugu daray hibo hal-abuurnimo oo uu ahaa Hal-abuur, ama Gabyaa. Mida kale waxa iiga soo baxay in ay dhibaato ka soo gaadhay siyaasadahii lixdameeyaddii weliba berigii uu Raysal Wasaare ahaa Ilaahay haw naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo uu markii danbe Cigaal ka guuleystay.
Bal ku soo dhawaadda Gabaygan oo Taariikhdiisu inta ka baddan tahay Suldaan Xandulle ayaa kaaga waramaya; Fadlan ila Dhegayso
