Uncategorized

“Saleebaanoow Gudoomiye La Xidhaa Gudoomiye la Xidhuu leeyahay,Gudoomiye la Afduubaana Guduumiye la Afduubuu leeyahay” Qaar ka Mid ah Salaadiinta Hargaysa DAAWO

Hargaysa 18.Nov 2014 (SDN/QJ)- Qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka Kala Duwan ee Gobolka Maroodi Jeex Gaar ahaan Galbeedka iyo Waqooyiga Caasimadda Hargaysa ayaa  ka hadlay Tacadiyo ay Sheegeen in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku hayso Beel ahaan.

Salaadiintani Waxay Fariin adag u direen Madaxweyne Siilaanyo oo ay  sheegeen in aanay ka Yeelayn inuu Si Sharci daro ah u xidhay Gudoomiyaha Ururka Dhallinyarada Subeer awal ee Jiidali Sidoo kale waxay dhaliileen qaabka ay Xukuumadu u faro gelisay Golaha Wakiilada.