Hargeysa:Nov,18,2014(SDN/QJ)-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loogu talo galay la dagaallanka Argagixisada ee Magacooda loo yaqaano RRU-da, ayaa habeenkii xalay gacanta kusoo dhigay Idaacad xukuumaddu muddo badan ku daba-joogtay oo Hargeysa Dhexdeeda ka Istaadhnayd.
Idaacaddan oo ahayd mid FM ah, isla-markaana shacabka reer Hargeysa si weyn u dhegaysan jireen, ayaa waxa ay ahayd mid baahisa Warar iyo Barnaamijyo ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Wararka aanu Hayno ayaa intaas ku daraya in Ugu Yaraan Afar kamid ah Shaqaalihii ka shaqayey gacanta lagu dhigay, iyagoo xilligaas ku gudo-jirey Baahinta Habeenimo ee Idaacadda Baadi-goob oo dhegaysigeedu ka socday Goobaha dhegaystayaasheedu ku sugan yihiin.
Idaacadan FM-ta ah ee hawada Hargeysa dhuumashada u soo geli jirtay habeenkii ayaa waxa laga helay xaafada Oktoobar ee magaaladda Hargeysa halkaas oo idaacadan xarun u ahayd.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo magaciisa qariyey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in idaacadaas iyo afar kamid ah Shaqaalaheeda xalay Gacanta lagu dhigay, iyadoo wararku intaas ku darayaan in qaar kale oo shaqaalaha kamid weli lagu daba jiro oo aan la qabinin.
Idaacadan FM-ta ahayd ayaa baahinteedu mudooyinkii u dambeeyay laga dhageysanayay habeenkii oo ay soo geli jirtay hawada abaaro 9:30 iyadoo ay hawada kusii jiri jirtay 11:30 habeenimo waxaana ay xukuumadda Siilaanyo ku dawakhday helideeda oo ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo soo heli lahaa idaacadan.
Idaacaddan ayaa ahayd mid ay baahin jirtey Dhawaaqyo ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay arrintani guul u tahay Ciidanka Booliska oo amar ku qabay inay idaacadaas keenaan.
SDN/QJ
