Uncategorized

Xisbiga Waddani oo Jaamacadaha dalka ku Yeeshay Arday Ku Taageerta Ahdaaftiisa Siyaasadeed DAAWO

Hargeysa 20.Nov 2014 (SDN/QJ):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaan lagu shaacinaayey hogaan cusub oo ay doorteen Garabka dhalinyarada WADDANI ee xidhiidhka ardayda jaamacadaha gobalka maroodi jiix ayaa lagu soo bandhigay Hotel Emperial ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,guddoomiye ku xigeenka shanaa Marwo:Milgo Maxamed Cilmi,Mujaahidad Sahra Halgan,Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee garabka dhalinyarada Xisbiga WADDANI,Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI,Xoghayaha Dalxiiska,guddoomiyaha xidhiidhka ardayda Jaamacadaha,Masuuliyiin kale,Haween,ardayda Jaamacadaha iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Munaasibadan oo ahayd mid lagu shaacinaayey Shan xubnood oo ka mid ahaa dadkii loo doortay hogaanka xisbiga xidhiidhka ardayda ee xisbiga WADDANI,ayaa waxaa halkaasi ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha cusub ee loo doortay xidhiidhka ardayda jaaacadaha gobalka maroodi-jeex Md:Yuusuf,waxaana uu faah faahin ka bixiyey marxaladihii kala duwana ee ay soo mareen unuga xidhiidhka ardayda jaamacadaha ee xisbiga WADDANI,waxaana uu sheegay in la aas aasay horaantii sanadkan hada dhamaanaya,isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu gabi ahaanba Jaamacadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa,ku leh gudiyo iyo xubno muhiim ah oo u matalaya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
http://youtu.be/Lx3F4fBizlM?list=UURpK1EfFTFA8wb13Yrdadkg