Uncategorized

Taliska Sare ee Ciidanka Asluubta Somaliland oo Beeniyay in Maxbuus reer Jabuuti ah oo Jeelka Hargaysa ku Xidhan Jidh dil lagu sameeyay Soona Bandhigay DAAWO

Hargaysa 05.Dec 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar uu baahiyey wargays ka mid ah kuwa ka soo baxa caasimadda Somaliland, warkaas oo Wargaysku kaga hadlay xaaladda Maxbuus reer Jabuuti ah oo ku xidhan Xabsiga dhexe ee Magaalada hargaysa, maxbuuskaas oo wargaysku ka sheegay in gacan laga jebiyey.

Taliska Ciidanka Asluubtu Waxay Warbaahinta Dawlada u soo bandhigeen Maxbuuskaas oo Ku Jira Jeelka Caasimada Kaas oo aanay Gacmihiisa ka Muuqan Jabniinka uu Wargaysku ku sheegay