Hargaysa 05.Dec 2014 (SDN/QJ)- Buug ka hadlaya Xuquuqda Islaamku siiyey haweenka iyo ololeyaasha reer Galbeedku hormoodka ka yihiin ee haweenka loogu doodo, ayaa daah-furkiisa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.
Buuggan oo uu qoray Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ka mid culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, isla markaana ciwaankiisu yahay ‘Xoreynta Haweenka iyo Xuquuqda Islaamka’, ayaa lagu soo bandhigay munaasibad xalay ku qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadda ka qayb-galay Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Cali Raygal, Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri X. Ismaaciil Baandare, Culimo-aw-Diin iyo Marti-sharaf kale.
