Hargaysa 05.Dec 2014 (SDN/QJ)- Dhaarintii xubnaha Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa inay dhacdo toddobaadka soo socda, kadib markii ay Golaha wakiiladdu toddobaadkii hore Ansixiyeen.
Xubnaha Komishanka cusub ayaa la filayaa isla marka la dhaariyo inay la wareegaan shaqada Komishanka iyadoo ay xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinkuna u diyaariyeen xil wareejintii Hay’addaasi.
Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa xubnaha Komishanka cusub ayaa sheegaya inay dhexdooda ka jirto Loolan ay ku kala saarayaan xubnaha doonaya hogaaminta Hay’adaasi, waxaanay wararku sheegayaan in laba ka mid ah xubnahaasi badka soo dhigeen Damacooda isla markaana ay ku tartamayaan gudaha Xubnaha, inkasta oo ay jiraan faragalino kaga socdaan dibeda.
Xubnaha aadka loo hadal hayo inay u tartamaan guddoomiyanimada Komishanka cusub ayaa kala ah Eng: C/qaadir Iimaan Warsame iyo C/raxmaan Cismaan Aadan, waxana la hadal hayaa in labadaas xubnood midkood ku soo bixi doono.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in tartanka hogaanka Komishanka ka dhex jira dartii dib loogu riixay dhaartii Dastuuriga ahayd ee xubnaha Komishanka, kuwaas oo Loolankooda ay saamayn ku yeesheen Axsaabta Tartamaysaa.
Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” ayaa sheegay Maalintii Shalay in Xukuumadu ay dib u dhigtay dhaarinta Xubnaha Komiishanka Cusub ee Golaha Wakiiladu ansixiyay 29kii bishii Hore ee November isla markaana ay Taasi keenayso in Xubnahani ilaa la dhaariyo inaanay u bixi karin Tababar Waajibaadkooda Shaqo iyo Xidhiidhka Daneeyeyaasha Dimuquraadiyada ay ku soo baran lahaayeen.
Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa inay shaqada si dhakhso ah u guda galaan madaama hawlihii Doorashooyinku ku xidhan yihiin.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
