Muqdisho 05.Dec 2014 (SDN/QJ)- Iyadoo baarlamaanka Soomaaliya ay Guda Galeen Maalintii Shalay ka doodista mooshinka maamuus ka xayuubinta ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Maxamed oo Sabtida beri Codka Kalsoonida loo qaadi doono, islamarkaana ay haatan u muuqato in la daweeyay kala jabkii baarlamaanka, lana adorosayo in ra’iisulwasaare Cabdiweli xukuumadiisa laga qaadi doono kalsoonida, ayaa durba wax soo baxaya warar ishaarayaa baratanka loogu jiro buuxinta jagadaa, haddii maamuus ka xayuubintu u dhacdo sida Madaxweynuhu rabo.
Sida ay sheegeen warar Wargayska Ogaal ka helay ilo-wareedyo ku kala sugan Muqdisho iyo Nairobi, waxaa jira hadalhayn la xidhiidha ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya qofka uu noqon doono Cabdiweli dabadii.
Xogaha qaar waxay tibaaxayaan, in haddii ra’iisulwasaare Cabdiweli waayo kalsoonida Baarlamaanka, la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ra’iisulwasaare u magacaabi doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore garab u siisay Madaxweynaha.
Inkasta oo tibaaxdaasi soo duushay, haddana, waxay xogaha qaar muujinayaan inuu jiro loolan adag oo jagadan la xidhiidha, islamarkaana waxaa la sheegay in siyaasiyiinta loolanka ku jirta uu ka mid yahay Agaasimihii guud ee hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Jaamac Oday, oo haatana ah Wasiirka Macdanta ee dawlada federaalka Soomaaliya, kaasoo dhinacyo kala duwan oo Somaliland iyo Soomaaliyaba ku sugan la sheegay inay kaambayn ugu jiraan sidii uu u gaadhi lahaa kursiga.
Wararku waxay intaa ku dareen in Jaamac Oday ka mid yahay bahwadaagta ururka Al-Islaax oo Madaxweynaha Soomaaliya iyo inta la safan ee dawladiisa ka mid ah la sheegay inay badi ka tirsan yihiin, talada dawlada Muqdishana ay gacantooda ku jirto, islamarkaana dhinaca talada Somalilandna la tilmaamo inay awood badan ku leeyihiin siyaasiyiin abtirsiimo ahaan lagu xidhiidhiyo ururka, kuwaasoo la rumaysan yahay in ay isugu hiiliyaan hanashada talada labada dal.Sidaa darteed, waxay wararka qaar iftiiminayaan in sababaha iyo qaar kale oo la xidhiidha awgood uu Jaamac Oday ku soo baxo jagadaa, haddii ra’iisulwasaaruhu kalsoonida waayo oo kursigu bannaanado.
Dhinaca kale, xogaha qaar waxay sheegayaan, in aanay suurtogal ahayn in ra’iisulwasaaraha laga dhigo qof dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, maadaama ay Somaliland gaar uga joogto Soomaaliya inteedii kale, islamarkaana ay ku dhawaaqday inay tahay qaran madaxbanaan.
Wax kale oo xogahaasi xoojinayaan, in haddii taasi dhacdo ay caqabad hor leh ku noqonayso saami qaybsiga awooda ee beelaha Soomaaliya, haddii ay beesha daarood waydo ra’iisulwasaarahan ay taasi abuurayso hoos u dhac ku yimaada kalsoonida dawladan la korinayo, xogaha kala duwan ka sokow, ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiiqada ka turjumayaa, cod qaadista baarlamaanka kadib ayaana la filayaa in ay wax waliba kala cadaadaan.
Muqdisho SDN/QJ
Xigasho Wargayska Ogaal.
