Muqdisho:Dec,06,2014(SDN/QJ)-Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa goor dhaweyd si buuxda cod aqlabiyad ah kalsoonidii kagala noqday Xukuumaddii Ra’isal wasaare Cabdi weli sheikh oo Beryahanba uu Mooshin ka dhan ahi Halkaas ka yaallay.
Fadhigii Maanta ee Golaha Baarlamaanka, ayaa dood kadib waxa codka kalsoonida loo qaaday Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli, waxana si buuxda u guulaystay Kooxdii dabada ka riixaysay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda muddada sanadka ah Talada haysay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in 153 Xildhibaano ay codka kalsoonida kala noqotay Xukuumada, iyadoo 80 Xildhibaano ay Xukuumada ugu codeysay inay sii joogto, halka laba Xildhibaano ay ka aamustay.
Gudoomiyaha, ayaa waxa uu Madaxweynaha u bandhigay in muddo bil ah uu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee iman doonta, isla-markaana uu kalsooni soo weydiisto Baarlamaanka.
Jawaari waxa kaloo uu sheegay ilaa iyo inta laga soo magacaabaayo Ra’iisal Wasaaraha cusub uu Xafiiska Shaqada sii jooggi doono Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed.
SDN/QJ
