Uncategorized

Goormaa la filayaa Gogoshii Istanbuul ee Wada hadalada Somaliland iyo Somalia DAAWO

BIIXIHargaysa 07.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Maanta faahfaahin ka bixiyey kulammo gogol-xaadh u ah ambaqaadka wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo muddooyinkii dambe hakad ku yimi, isla markaana la filayo inay si dhaqso ah u bilaabmaan dhawaan sida ay dawladda Turkgia oo marti-gelinaysa Shirarka wadahadalka labada dal, waxaanu sheegay inay kulammo yeesheen Xubno ka socday Federaalka Soomaaliya oo ay toddobaadkii hore isugu tageen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo isaga iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan dhinaca Somaliland u metelayeen kulammada gogol-xaadhka u ah dib u bilawga wadahadallada iyo Masuuliyiin Wasiirro ah oo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya u metelayey ay kulammo kala duwan yeesheen, isla markaana iskula eegeen qodobbada ajandaha wadahadalka, isagoo intaas ku daray inay muddo cayiman isla meel-dhigeen in shirku ku qabsoomo, qodobbo kalena isla gaadheen Weftiga Soomaaliya ee ay Turkiga ku kulmeen.

Sidaa waxa uu ku sheegay Wasiirka arrimaha dibeddu shir Jaraa’id oo uu Axadda Maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasoo uu faahfaahin badan kaga bixiyey qodobbadaas kor ku xusan iyo kuwo kale oo ay isla meel-dhigeen xubnaha geesta Soomaaliya ka socday, waxaanannu War-bixinta Warkiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-