Boorama 09.Dec 2014 (SDN/QJ)- Qaar ka mid ah Salaadiinta gobolka Awdal ayaa ka hadlay xaalada uu ka hadlay Suldaan wabar oo sheegay inuu ka soo horjeeedo qaranimada Somaliland,kaasi oo tilmaamay inuu ka tirsan yahay Xukuumada FDS .
Salaadiintan iyo Xildhibaanadan Shirka Jaraaid ku qabta Magaalada boorama ayaa waxa ay sheegeen inuu suldaan wabar xaq u leeyahay inuu ku hadlo Afka gobolada Awdal iyo Salal Madama oo xukuumada uu hogaaminayo Axmed Siilaanyo wax u qaban wayday .
Xildhibaan Madar oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inuu suldaan xaq u leeyahay inuu sheego waxa ka jira deegaanada Awdal iyo Salal.Waxa aanu sheegay in suldaan Wabar sheegay inay xukuumada Axmed Siilaanyo ka waayeen xaqii ay ku lahaayeen,Xildhibaan Madar ayaa isaguna goobtaasi uga qiray.
Odayaal iyo Waxgarad goobtaasi ka hadlay ayaa xukuumada u gudbiyay inay ka qaado Ciidamada ay dul dhigtay Deegaanka Qulujeed,Waxanay sheegeen inaanu Suldaanka Wada hadal kula jirno.
Kulankan ay odayaashu iskugu yimaadeen ayaa waxa uu ka dameeyay kadib markii suldaan Wabar oo ka tirsan madaxdhaqameedka Somaliland uu ku dhawaaqay inaanay Somaliland ka mid ahayn ee ay ka tirsan yihiin Somaliya.
Halkan ka Daawo shirkan jaraaid
https://www.youtube.com/watch?v=zd0etmUpfi0
“Waxaan idiin Sheegayaa Suldaan Warab Xaqbuu u leeyahay inuu u Hadlo Gobolada Awdal iyo Salal,Xukuumada na….” Xildhibaano iyo Madax dhaqameed ka hadlay Dhawaqii Gooni isu taag ee Awdal DAAWO
