Hargaysa 09.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa socdaal ku tegay degmada Baki oo ka tirsan Gobolka Awdal, isla markaana Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayey waxay soo kormeereen mashruuca macdan qodista ee shirkada ERC eee laga leeyahay dalka chinaha ay ka wado deegaanka buuralayda ah ee Simoodi.
Wasiirka oo hadal kooban halkaas ka jeediyey wuxuu sheegay inay farxad u tahay inuu booqdo buuraha caanka ah Simoodi ee Gobalka
Dhinaca kale, madaxa mashruucan Mrs David ayaa sheegay in dhawaan ay hawsha bilabayaan marka uu soo gaadho qalabkii ay dhawaan hawsha ku bilabayeen, isla markaana wuxuu tilmaamay in qaybihii ugu horeeyay soo gaadhay dekeda Berbera.
