Uncategorized

Madaxtooyada Somaliland Oo Amar Ku Bixisay In Gacan Wax Lagaga Qabto Suldaanka Riddoobay iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Halkaas Laga Dareemayo

Qolujeed:Dec,09,2014(SDN/QJ)-Wararka aanu hayno ayaa sheegaya in Madaxtooyada somaliland, ayaa shirar hoose ka lahayd Tallaabo uu Buuro ku yaalla Gobolka Awdal suldaan kasoo jeeda Deegaankaas oo ku dhaqaaqay  arrimo ka dhan ah Qaranimada somaliland.

jegMadaxtooyadu waxay ku qanacday in tallaabo cad laga qaado Suldaankaas, isla-markaana aan Gorgortan la gelin qaranimada, isla-markaana xoog wax lagaga qabto suldaanka urursanaya ciidan beeleedka ku sugan Buuraha Gobolka Awdal, waxana ciidanka qaranka ee Deegaanada xeebta  la geliyey heegan degdeg, taas oo la macno ah inay tallaabo qaadaan markii loo  baahdo.

Madaxtooyada, ayaa Hoggaanka ciidanka qaranka amartay inay Gobolka Awdal culays saaraan, waxana Jananka ciidanka iyo saraakiisha ugu sarraysaa ay haatan ku sugan yihiin Deegaanka Qolijeed ee Gobolka Awdal,  halkaas oo uu joogo Suldaanka Dagaalka ku baaqay oo la doonayo in tallaabo laga qaado haddii uu wada-hadalka ogolaan waayo.

Ciidanka qaranka ayaa halkaas ka wada is urursi iyo u diyaargarow xaalad colaadeed,waxana laga warsugayaa waxgaradka suldaankaas oo laga rabo inay jawaab ka keenaan Ninka sheeganaya inuu qaranimada kasoo horjeedo.

Shacabka halkaas deggen ayaa noo sheegay inay ciidamo badani halkaas gaadheen, balse lama soo sheegin wax dhaqdhaqaaq ah oo suldaankaasi ku muujiyey inuu ciidamo xoogan gacanta ku hayo, waxana inta Badan suldaanku uu ku sugan gudaha dalka Ethiopia.

Suldaankan oo lagu magacaabo suldaan Abu Bakar, aya dhawaan ku dhawaaqay inuu dagaal la geli doono somaliland, isagoo sheegtay in waxba laga qaban waayey Tabashoyin badan oo  Beeshiisu wadato.

 

 

 

SDN/0QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com