Muqdisho:Dec,09,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu weli wadaa Latashiyo uu ku baadi goobayo Ra’isulwasaaraha Cusub ee Somalia, waxa uuna Dadaal xoogan ku bixinayaa sida uu ku heli lahaa R/wasaare ku fakir noqonkaro si Khilaaf looga badbaado.
La taliyayaasha Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah Faarax Sheekh C/qaadir oo kaalinta koowad ugu jiray Mooshinwadayaashii kasoo horjeeday R/wasaarihii kalsoonida waayay.
Shaqsiyaadka ugu cadcad qabashada Xilkaasi ayaa kala ah Kuwan soo socda:
1- Bashiir Nuur Bidaar Musharax hore
2- Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka KMG wasaarada Maaliyada.
3-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.
4- Saciid C/llaahi Den, oo hore Wasiir Qorsheynta uga soo noqday Xukuumadii C/wali Maxa’ed Cali Gaas.
5- Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.
6- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Xubin firfircoon ka ah Baarlamaanka.
7- Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.
8- C/laahi Ciilmooge oo Wasiir kasoo noqday Xukuumadii Shirdoon.
Sidoo kale waxaa jira hadal heyn ku aadan Xubno kale oo iyaguna u sharxan Xilka R/wasaarenimo, inkastoo Madaxweyne Xassan uu xooga saarayo sidii uu shaqsiyaadkani kor ku xusan uga soo dhex saari lahaa R/wasaaraha Cusub.
Arrinta la fili karo ayaa ah,ra’iisul wasaaraha cusub inuu ka iman karo beelaha Leylkase, Majeerteen iyo Ogaadeen,balse ma jirto cid si rasmi ah u caddeysay.
Ugu dambeyn,xoggaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynuhuu uu doonayo si dhaqso ah inuu ku soo magacaabo ra’iisul wasaaraha,maadaama ay waqti badan ku qaadatay soo magacaabistii ra’iisul wasaarihii hore.
SDN/0QJ
Contact@somalidiasporanews.com
