Hadaanu nahay guddida beesha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe Ciidagale) ee United Kingdom taasoo fadhigeedu yahay magaalada London iyo culimaa udiinka, odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo dhamaan wax garadka beesha Maxamed Daa’uud ee UK waxaanu taageersanahay oo aanu ku qanacsanahay aad iyo aadna usoo dhawaynaynaa dhamaanba qodobadii kasoo baxay shilkii barwaago 2 ee beesha Maxamed Daa’uud, Shirkaasoo beeshu ku qabsatahay tuulada QOTON ee degmada SABOWANAAG eeg gobolka MAROODI JEEX dabayaaqadii bishii November 2014.
Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhamaanba hayl wadeenadii shirkaa suurageliyay qabsoomidiisa iyo habsami usocod kiisa, khaasatan gudidii qabanqaabada shirka, dhalinyarada ururka WADAJIR, iyo labada suladaan ee beesha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe Ciidagale) Suldaan Maxamed Cabdillahi Xuseen (Suldaan Galaal)iyo Suldaan Aadan Hassan oo dhamaantoodba qayblaxaadle kaqaatay shirkaas.
Waxaanu leenahay guul iyo midnimo.
Wa bilaahi tawfiiq.
Guddida beesha Maxamed Daa’uud ee UK.
