Uncategorized

Hogaanka Al Qaacida ee Yemen oo dilalka Daacish canbaareeyay

Sanca Dec 09,2014(SDN/QJ)-Hogaanka Al Qaacida ee dalka Yemen ayaa war ay soo saareen waxa ay ku canbaareeyeen dilalka Daacish qurka uga jaraan dadka ay afduubka ku qabtaan.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xili ay kooxda Daacish dhawaan qudha uga jareen laba ruux oo midi Mareykan ahaa, halka ka kalena uu u dhashay dalka Koonfur Africa.

Nasir bin Ali-Ansi oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in Daacish ay dadka leyso isla markaana ay tiraahdo waa Jihad ee daawada ma aha dhaqan Islam.

Al Qaacida ayaa hawada ka baxday ka dib kolkii ay dagaalyahanadoodii iyo tageeradoodiiba u wareegtay kooxda Daacish ee Syria iyo Ciraaqba ka daawata.

Daacish ayaa haatan u muuqata in ay Yemen ku yeelanayaan taageero xoogan oo dhici karta in ay Al Qaacida kala wareegaan degaano.

SDN/QJ-Sanca

contact@qurbejoog.com