Sida ay nu kawada dharagsanahay waxaa jimcihii lasoo dhaafay gobolka awdal kaga dhawaaqay suldaan ka tirsan salaadiinta gobolada galbeed suldaan wabar inuu ka goostay Somaliland inagoo arintaasi ka wada war qabna ayaa markii arintaasi warbaahinta madaxbanaan laga sii daayay waxaa ay xukuumada uu Axmed Siilaanyo hogaamiyo u qabanqaabisay xubnaha ugu sareeya golaha wasiirada ee gobolada galbeedka ugu jira xukuumada oon iyagu wax maamuus ama sharafa ku dhex lahayn gobolka ay kasoo jeedaan taasina ay daliil u tahay in aanay wali wax war lagu qanco ka keenin suldaankaasi ku dhawaaqay inuu ka goostay Somaliland.
Wasiirada ay xukuumada Siilaanyo u dirtay ayaa waxaa ka mida wasiirka boosaha iyo isgaadhsiin,wasiirka wasaarada beeraha iyo wasiir ku xigeen qorshaynta qaranka xubnahan ayaa ugu cadcad wasiirada uu madaxwayne siilaanyo u diray in ay xal ka keenaan suldaan wabar oo isagu ku dhawaaqay in beelaha samaroon iska xoreeyaan Somaliland.
Hadaba su’aasha iswaydiinta leh ayaa waxaa ay noqonaysaa wasiiradii uu madaxwaynuhu diray ma dhinacooda ayay ka qabsadeen gooni u goosadka suldaanku ku baaqay mise dadkii reer awdal ee ay kasoo jeedaan ayayna marka hore matalayn .dadka qaar ku sugan magaalada boorama ayaa sheegaya in ay wasiiradani ilaa iyo markii ay yimaadeen gobolka awdal ayna waxba ka qaban ee ay arinta imaanshahoodu ay tahay in ay xilkooda ku ilaashadaan madaxwaynahana qawda maqashiiyaan iyo waxbaan qabanaynaa taas waxaa markhaati ka ah waxay magaalada boorama tageen maalintii sabtidii ilaa iyo imikana wax go’aan sax ama qalada may qaadin taasina waxay cadaynaysaa in ay ku raacsan yihiin suldaanka mawqifka uu qaatay.su’aasha kale ee ay dadku iswaydiinayaan ayaa waxaa ay tahay maxaa waftiga loo raacin waayay madaxwayne ku xigeen ilayn isaguba waa kasoo jeedaa gobolka awdal dadka ayaan isaguna wax maamuusa ku dhex lahayn waayo haduu maamuus iyo qadarin leeyahay dadka uu kasoo jeedaa ee uu matalaa kuma hadleen hadalo dhaawacaya qaranimada Somaliland timir lafbaa ku jirta ee arinkaasi dib haloo fiiriyo arinka suldaankuna arin yar maaha ee waa hawl laga soo shaqeeyay cidwalbana waa laga heli hadii la daba galo.
Xukuumada ayaa iyadu shaki wayn ka muujisay xubnahaasi ay u dirtay suldaanka sheegay inuu goostay taasina waata sababtay in ciidamadii qaranka la geeyo gobolka awdal si ay uga hortagaan dadkaasi ay soo abaabulayaan wasiirada waxrat la’aanta ku jooga gobolka awdal ee kharashku ku socdo waxaana dhamaan gobolka awdal buux dhaafiyay ciidamada wasiiraduna waxaa ay ka dhamaan laayihiin kolba oday ay kula shiraan hotelada ugu waawayn boorama halkii looga fadhiyay in ay dajiyaan dadka ay masuulka ka yihiin ama warcad ka keenaan
Hadaba hadii ay arintu sidaasi tahay waxaan kula talinayaa cidkasta oo diratay wasiiradaasi in ay maamuus xayuubin lagu sameeyo hadii aanay dadka ay masuulka ka yihiin qancin Karin ama tabashadooda aanay ka jawaabi Karin ,dadka reer awdalna masuuliyiinta ay haakah ku odhanayaan ay soo xushaan dabadeed loogu badalo jagooyinka ay hayaan waxma tarayaasha aan dadka ay kasoo jeedaan iyo kuwa ay xilalka u hayaanba waxba u qabanayn,wasiiradaasina in dabagal lagu sameeyo waxaa la ogaan doonaa doorka ay ka ciyaareen mawqifka suldaanka uu gaadhay.
BY:Wariye:Ilyas Abdi Ali
Mobile No:0634504324
Email:ilyasdable1994@gmail.com
Hargeysa/Somaliland
