Addis ababa 09.Dec 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo uu Weheliyo Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Maanta Magaalada Addis ababa kulan kula yeeshay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Itoobiya.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo ku Xigeenkiisa 1aad ayaa dalka Itoobiya u tagay Kadib martiqaad rasmi oo ay ka heleen dhigisi baramaanka dawlada fadaraalka Ethiopia Isla markaaan ku marti qaaday ka qayb galka maalinta ku wayiin shacaabka Ethiopia ee qoomiyadaha Itoobiya halkaas oo ay Kulamo kula qaateen Wufuud badan oo ka socotay Caalamka .
