Muqdisho:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Kenya ayaa toddobaadkan Somalia gacanta u gelisay Wariye Xasan Xanafi oo lagu eedaynayo dilka Tiro katirsan Wariyayaal lagu laayey Gudaha Somalia, waxana Hay’adda Nabadsugidda Somalia shalay kusoo bandhigtay xafiisyadeeda.
Sirdoonka Kenya oo gacan ka helaya Sirdoonka Soomaaliya ayaa ka soo qabtay Xasan Xanafi xaafada soomaalida ay ku badan yihiin islii bishii Agosto ilaa iyo waqtigaas waxaa ku socday baadhitaano kadibna waxaa loo soo wareejiyay magaalada muqdisho.
Laamaha Sirdoonka ee Soomaaliya ayaa shalay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Xasan Xanafi Xaaji oo mar ka mid ahaan jiray wariyaashii Idaacadii IQK ama Idaacada Idaacada Quraanka kariimka ee Magaalada Muqdisho.
Xasan Xanafi ayaa ku eedeysan dilalka dhawr wariye sida ay sheegayso dowladda soomaaliya, waxaana ku socdo baadhitaanno, isla markaana goor dhow sharciga la horgeyn doono.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.
“Ninkan aad aragtaan waxaa uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo saxafiyiin badan lagu dilay, waxaana soo qabashadiisa ka qeyb qaatay Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo gacan ka helaya Sirdoonka Kenya, xogo ay hayeen ayaana lagu qabtay, isagoo Nairobi ku sugan”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore ka dalbatay kenya inay ku soo wareejiso Xasan Xanafi oo xilligaas ku xidhnaa xabsi ku yaal Kenya.
SDN/QJ
