Uncategorized

Muftiga Guud Ee Islaamka Oo La Amray In Lasoo Xidho iyo Cidda Ka Dambaysa

New York:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Booliska caalamka ee Loo yaqaanno Interpool-ka, ayaa amar ku bixiyey in xabsiga lasoo dhigo muftiga muslimiinta sunniga ah ee loo yaqaano Sheekh Yuusuf Al-qardawi.

qardaBooliiska ayaa sheegay in dawlada Masar ay kasoo dalbatay in lasoo qabto Sheekh Qardaawi isla markaana la horkeeno cadaalada.

Qardaawi ayay dawlada Masar ku eedaynaysaa in uu qayb ka qaatay kacdoonka Akhwaan Muslimiinta isla markaana kasoo horjeestay dawlada Milaterigu samaysteen ee Cabdicasiis Al Siisi ee taageerada ka helaysa wadamada Khaliijka.

Sheekh Qardaawi ayaa ku gacan saydhay dambiyadaasi lagu eedeeyay wuxuuna sheegay in ay tahay shirqool sumcada lagaga dilayo culimada Islaamka.

Dawladaha Sacuudiga iyo Emaratka Carabta ayaa weerar ugaadhsi ah ku haya Culimada Islaamka ee sharafta ku leh umadda Islaamka iyagoo ka baqaya in xukunkooga laga tuuro oo bulshada laga horkeeno.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com