Uncategorized

Suugaan Dhaadhiga Cabdi Good oo loo aqoonsaday Man of The Year iyo Abaal Marin la Gudoonsiiyay SAWIRO

London 10.Dec 2014 (SDN/QJ)- Ururka HAYA oo ka jira dalkaasi UK oo sanad walba Abaalmarino gudoonisiya shaqsiyaadka uu u garto ee ku hadasha Afka Somaliga

Xaflada sannadkaan ayuu ururkan HAYA waxuu abaal-marin kala duwan gudoonsiiyay Ganacsato, Aqoonyahano, Fanaaniin, Abwaano, Ciyartooy iyo dad kala duwan oo Sumcad iyo Maamuus ku dhex leh bulshada Soomaalida.

 

Dadka abaal-marinta la gudoonsiiyay waxaa kamid ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “CABDI GOOD” oo Barnaamijka Isir-Raaca Afka Soomaaliga kasoo jeediya TV-ga Somali Channel .

Ururka HAYA ayaa Cabdi Good waxey u aqoonsatay “Man of the Year” waxeyna Abaal-marinta la siiyay lagu tilmaamay mid uu ku muteysay dadaalka culus ee uu ugu jiro sidii loo soo nooleyn lahaa Suugaanta Soomaalida .

Cabdi Good oo hadalo ka jeediyay madasha ayaa waxuu u mahadceliyay ururka HAYA oo ku tilmaamay mid ku dayasho mudan, waxuuna hoosta ka xariiqay inay abaal-marintaan u tahay dhiira-galin isla markaana uu mar walba u taagan yahay sidii loo soo nooleyn lahaa Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.

 

Sidoo kale, waxaa abaal-marino la guddooniyay Abwaano iyo Fanaaniin Soomaaliyeed oo Jabuuti iyo Somaliland ka kala yimid kuwaasoo ay kamid ahaayeen Abwaan Xasan Daahir Weedhsame, Fanaanada Aamina Faarax Waber Iyo Fanaanka Shey Mire Dacar.

GOOD7 GOOD6 GOOD4 GOOD3 GOOD2 GOOD1