Washington:Dec,21,2014(SDN/QJ)-War dhawaan kasoo baxay Mulkiilaha ama aasaasaha Barta Bulshadu ku xidhiidho ee Face-book-ga, ayaa lagu shaaciyey in Bartaas muddo Todoba maalmood ah la xidhi doono.
Sababta Loo xidhayo Bartan bulshada Badani ku xidhan tahay ee Face Book-ga, ayaa lagu sheegay in waxka beddel lagu samayn doono Bartaas, waxana la fududayn doonaa Culasyada ku yimaadda.
Dhawaanahan ayaa culays Bartan ku yimi in dhawaanahan laga geli kari waayo aaladaha casriga ah ee lagu qaato gacanta iyo tiiyo walaac laga qabo heer ka uu yahay amaankiisu.
Facebook ayaa ka mid noqday waxyaabaha bulashooyinku aad ka ugu xidhiidhaan, sidoo kale waxa uu noqday meel dadku ku welfaan oo aanay la’aantii daqiiqada joogi karin.
Facebook ayaa lagu isticmaalaa luqadaha aduunka ugu isticmaalka badan, hase ahaatee sida Google wali ma yeelan qayb Af-Soomaali ah.
Facebook ga ayaa Joogsan Doono 1-da January ee sanadka fooda inagu soo haya ilaa iyo maalinta 8-aad ee bishaas January.
Sidaa waxa xaqiijiyey ninka dada yar ee aasaasay Facebook ee la yidhaa Mark Zuckerberg oo sheegay in waji cusb oo kordhin doona tirada dadka ku soo xidhmaya. Facebook ayaa qiimihiisu yahay in ka badan boqol bilyan oo doolar.
Waxa Hubaal ah in Kumanaan Soomaali ah oo Bartani sida Bunka u qabataa ay waayi doonaan Muddo Toddobaad ah, taas oo keeni doonta inay caajis badan dareemi doonaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
