Kismayo:Dec,21,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka aanu ka Helayno Magaalada Kismayo, waxa Xalay fiidkii hore Xaafadda Goljano ka dhacay Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Dad halkaas ku sugnaa.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay goob lagu aruuriyey qashin, uuna qarxay mar la isku dayayey in la gubo qashinka.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, ayaa ahaa dhamaantood rayid waxaana la geeyay Goobaha caafimaadka ee Magaaladda Kismaayo.
Qaar kamid ah dadka dhaawacmay ayaa la xaqiijiyay inay qabaan dhaawacyo halis ah waxaana lagula tacaalayaa goobaha caafimaadka.
Maamulka Magaaladda Kismaayo ka arimiyaa kama aanu hadlin qaraxan, waxase la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadli doonaan..
SDN/QJ
