Uncategorized

Dhacdo Xajiib ah Oo Kooxaha Shabaabka Ka Qabsatay Bas Rakaab ah Oo ay Ku Qabsadeen Gudaha Dalka Kenya

Lamu:Dec,21,2014(SDN/QJ)-Cutubyo Katirsan Ciidamada Shabaabka, ayaa shalay gelinkii dambe weeraray Bas  rakaab siday oo kasoo  Baxay Magaalada Mombasa, kuna sii jeeday Deegaanka Laamu ee Xeebta, waana la socday tiro shacab ahaa.

buso“Kooxaha hubeysan ayaa gaadhiga joojiyay iyagoo rasaas ku furay Taayirrada Baabuurka, waxayna ku boodeen dusha sare, iyagoo isku sheegay inay yihiin Mujaahidin, laakiin kadib ayay na dhaafeen markii dadka gaariga saaran ay noqdeen dad Muslimiin ah”, sidaasi waxaa sheegay Abarufa Kokane oo dadka gaadhiga la socday kamid ahaa.

“Waxaan u qaadanay inay aheyd maalintii dunida noogu dambeysay, dadka rakaabka ah intooda badan waxay ahaayeen Muslimiin, waxay ku qeyliyeen Shahaadada, iyo aayado qur’aan, taasi oo ugu yaraan dhalisay in kooxaha hubeysan ay u wada qaataan dadkoo dhan inay Muslimiin yihiin”sidaasi ayuu yidhi Mr Kokane.

Wax qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah lagama sheegin, waxana ay Kooxahan Duullaanka ahi dadkaas ku dhaafeen kaliya inay ahaayeen dad muslimiin ah oo aayado qur’aan ah iyo Takbiir badani afkooda kasoo yeedhay markii rasaasta lagu furay.

Weerarrada Al-shabaabku kusoo qaadaan dadka shacabka ah eek u nool Gudaha Kenya, ayaa waxa ay  badhtilmaameed u yihiin dadka aan Haysanin Diinta Islaamka, waxana ay taasi keentay in xataa dadka aan muslika ahayn ee deegaankaasi ay wax ka bartaan Aayadaha qur’aanka si ay ugu badbaadaan xilliyada Kooxahani soo weeraraan.

Gudoomiye ku xigeenka Deegaanka Lamu Fredrick Ndambuki ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee AFP inay baadi goob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay weerarkii sabtidii shalay ka dhacay deegaanka Witu.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com