Hargeysa:Dec,24,2014(SDN/QJ)-Waxa Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa loogu Ballansan yahay Munaasibad ballaadhan oo ay wadaan Qaar kamid ah Waxgaradka iyo Dhallinyarada Beesha Sacad Muuse, taas oo la doonayo in Lagu Taageero Musharraxnimada Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyadoo sidoo kale kaga soo horjeeda Go’aankii dhawaan qaar beesha kamid ahi ku shaaciyeen in la isku raacay Musharraxnimada Beesha dhexdeeda ee Muuse Biixi.
Munaabaddan ayaa la filayaa inay ka ballaadhnaato midii lagu taageeray Muuse Biixi, waxana la filayaa in lagu soo casuumi doono Dad ka tiro badan kuwoo hore uga qaybgalay Middii Muuse Biixi.
Waxa la filayaa in munaasibaddan ay keli ku tahay Wasiirka iyo Xubno saaxiibo la ah oo uu xukuumadda ku dhex leeyahay, waxana kharashka ku Baxaya laga bixinayaa Qasnadda dawladda, maadamaa wasiirku gacanta ku hayo maaliyadda waddanka.
Xafiiltanka labada masuul ee Samaale iyo Muuse oo uu weheliyo Wasiirka arrimaha Dibadda, ayaa meel sare gaadhay, waxana munaasibaddan maanta dhacaysa la filayaa in sidoo kale taageero loogu muujiyo Wasiir Biixi oo hankiisu aanu ka duwanayn midka labadan nine ee kale.
Dad siyaasadda iyo Dhaqanka miisaan culus ku leh, ayaa la filayaa inay munaasibaddan ka hadli doonaan, waxana la filayaa inay xiiso cussub sii geliso saaxadda siyaasadda somaliland o Beryahan dambe meel hoose taallay.
Wixii warar ah ee munaasibaddan kusoo kordha iyo hadallada laga jeediyo, waxanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga dambe.
SDN/QJ
