Feynoord:Jan,15,2015(SDN/QJ)-Hooyo somaliyeed oo ku nool dalka Holland, ayaa ku dhiirratay inay maxkamad la tiigsato Xukuumada Hollan oo ay ku eedaynayso inay Halis gelisay Nolola Saddex Hablood oo ay dhashay.
Dawcadda Hooyadani soo oogtay ayaa salka ku Haysa Saddex Hablood oo hooyadani dhashay, kuwaas oo xukuumadda Holland ay gelisay safar dheer oo lagu tegay Dalalka Yemen iyo Ethiopia, halkaas oo baadhitaanno dhiigga ah loo tegayo, waxana Hooyadani arrintaas u aragtay mid khatar lagu geliyey ubadkeeda.
Qareenka u dooda caruurta dalka Holland Marc Dullaert oo gacanta ku haya dacwada Haweenaydan ayaa sheegay in sadexda gabdhood oo da’adoodu tahay 9, 10 iyo 11 sano ay ku sugnaayeen dalka Yemen, isla markaana ay u dacwootay in loo keeno hooyadood oo joogta Holland.
Balse waaxda qaabilsan socdaalka iyo soogalootiga Holland ee loo yaqaan IND ( Immigratie- en Naturalisatiedienst) ayaa sheegtay inay caruurtan ka qaadayaan DNA si loo xaqiijiyo inay dhashay haweenaydan u dacwootay.
Balse Safaarada Holland ee Yemen oo xidhan darteed ayey ku khasbeen in caruurtaasi ay tagaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Hooyada dhashay caruurtan ayaa sheegtay in safarkaasi oo uu ahaa mid khatar ah oo dhib badan oo halis ku ahaa gabdhaheeda wallow ay markii danbe nabad ku tageen dalka Itoobiya.
Qareenka u dooda caruurta Holland ayaa sheegay in Waaxda qaabilsan socdaalka ee IND ay si ulla kac ah u khasbeen reerkan isla markaana ay u dhaqmeen si ay ku canaadaan ama dib ugu dhigayaan dacwada hooyada dooneysa in loo keeno caruurteeda.
Waa markii ugu horeysay oo dacwad noocan ah ay haweenay Soomaali ah kusoo oogto Wasaaradda Cadaalada ee dalka Holland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
