Uncategorized

Ismarinwaa Ka Taagan Xilliga Xukuumadda Cusubi Hortegi doonto Baarlamaanka Iyo Ra’isal Wasaaraha Oo Codsi u diray Golaha Shacabka

Muqdisho:Jan,15,2015(SDN/QJ)-Hal maalin kadib markii uu Guddoomiye Jawaari iclaamiyey xilliga rasmiga ah ee Xukuumada cusub la horgayn doonto Baarlamaanka, ayaa waxa soo baxaya Khilaafyo arrintaas ka taagan kadib markii Ra’isal wasaaraha iyo xubnaha Golaha Shacabku isweydaarsadeen Qoraalo iska soo horjeedo oo la xidhiidha Mudaynta Ansixinta Xukuumadda.

arigRa’iisal Wasaaraha, ayaa waxa uu Guddoonka Sare Baarlamaanka weydiistay in 19-ka bishan looga dhigo, xilliga codka kalsoonida loo qaadaayo Golahiisa Wasiirada, oo ku beegan Isniinta soo socota, hase ahaatee laysku raacay in Sabtida codka loo qaado, oo taariikhduna tahay 17-ka bishan ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku waramaaya in Guddiyada Joogtada ay isku waafaqeen, in maalinta Khamiista ah oo maanta ku beegan Golaha Wasiirada la horkeeno Baarlamaanka, si ay ugu codeeyaan. Laakiin uu markii dambe ku dhex dhexaadiyay in Sabtida laga dhigo, xilli Ra’iisal Wasaaruhuna uu codsaday in Isniinta soo socoto looga dhigo.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu ku wargeliyay in Sabtida uu Wasiiradiisa horkeeno Baarlamaanka, laakiin aanu wax jawaab ah weli ka soo siinin.

Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in 22-ka bishan uu fasax galo, waxaana dib shaqada loogu soo laaban doonaa 22-ka bisha March ee sanadkan.

Haddii Ra’iisal Wasaaraha uu toddobaadka soo socdo codka kalsoonida ka helin Baarlamaanka, ayaa wuxuu halis ugu jiraa in Xukuumaddiisu ay burburto.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com